Faahfaahin: 8-Musharax oo Muqdisho Ku Shiray Maanta Kana Digay In Hantidii La Musuqmaasuqay Loo Adeegsado Doorashada Madaxtinimada

Muqdisho (Moment Media Group) Siddeed musharax oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta bayaan wadajir ah oo ay soo saareen waxay kaga digeen in madaxda DKMG ah ee hadda jooga ay lacagta lagu eedeeyay inay musuqmaasuqeen ay u adeegsadaan doorashada wadanka.

Waxay sheegeen in warbixintii ay soo saareen kooxda Monitoring Group ay tahay mid aan la dhayalsan karin isla markaana loo baahan yahay baaritaan buuxa oo agu xaqiijiyo in madaxda hadda joogta ay dembi galeen iyo in kale, laakiin loo baahan yahay in hantida dadweyne aan loo adeegsanin in lagu tartamo.

Siddeeda musharax oo mid mid khudbado uga jeediyey kulan ay bayaankan ku soo saareen ayaa shaaca ka qaaday walaac ay ka qabaan qaabka ay wax ku socdaan, iyagoo sheegay in illaa hadda uusan jirin wax diiwaangelin ah oo musharixiinta loo sameeyay iyo inuusan jirin guddi doorasho oo madax bannaan.

Waxay musharaxiinta soo jeediyeen in guddi Soomaaliyeed oo madax bannaan loo dhiibo hawlaha doorashada, isla markaana siyaasiyiinta sharaxan laga dhex saaro arimaha xulista baarlamaanka iyo doorashada si arimuhu u noqdaan wax cad, haddii kale ayey yiraahdeen hawshii mudada dheer Soomaalida iyo caalamka dadaalka ku bixiyeen kana war sugayeen waxay ku dambeyn doonaan khasaare.

Radio Muqdisho iyo SNTV oo la eedeeyay

Bayaanka musharixiinta waxaa lagu cambaareeyay idaacadda qaranka ee Radio Muqdisho iyo Telefishanka SNTV oo ah hanti ummadda Soomaaliyeed leedahay oo haatan isu bedelay goob looga ololeeyo madaxweyne Shariif oo kaliya, iyadoo indhaha laga qabsaday musharixiinta kale arintaaasoo bayaanka lagu sheegay inay sumcad xumo ku keeni doonto suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta dawlada.

Musharixiinta bayaanka soo saaray waxaa ka mid ah;-

  • 1- Prof Axmed Ismaaciil Samatar
  • 2- Xasan Sheekh Maxamuud
  • 3- C/raxmaan C/shakuur Warsame
  • 4- Maxamuud Maxamuud Guuleed “Gacmadheere”
  • 5- Cabdi Faarax Sheekhdoon (Saacid)
  • 6- Xaaji Maxamed Yaasiin
  • 7- Xuseen Khaliif Jaamac
  • 8- Cumar Salaad Cilmi

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s