Daawo Muuqaal ahaan ‘’Shiikh Shariif Maba Is garanayo Waa ka Sii Daray Haweenka ku abtirsada beelaha hawiy oo eedeyn weyn u soo jeediyeen Shiikh Shariif’’

Qaar ka mid ah haweenka ku abtirsada beelaha hawiye ayaa waxaa la sheegay inay eedeyn weyn u soo jeediyeen madaxda sare ee dowlada ku meel gaarka gaar ahaana madaxweynaha dowlada Soomaalaiyeed mudane Sheekh Sharrif iyagoona ku eedeeyey inuu beesha oo qura

Haweenkaan oo dhawaantaan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayey waxay eed weyn dusha kaga tuureen madaxweyne Sheekh Shariif oo ay ku sheegeen inuu howshii iyo xilkii dalka oo dhan uu gacanta u galiyey dad ay isku beel yihiin oo waliba ka yimid qurbaha islamarkaana ka maqnaa wadanka xilliyadii uu dhibka ku jirey, Haweenkaan oo ku abaal sheegtay inay iyagu ahaayeen kuwii madaxweyne Shariif u soo halgamay soona gaarsiiyey heerka uu maanta joogo ayaa waxay sheegeen inuu madaxweynuhu uu asaga iyo reerka uu ka dhashay oo kaliya uu ku koobay awoodii dalka arintaasna ay cabasho weyn ka muujinayaan haweenkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo madaxweyne Sheekh Shariif uu ka mid yahay dadkii ugu wanaagsanaa ee Soomara madaxdtinimada dalka Soomaaliya ilaa wixii ka dambeeyey bur burkii Soomaaliya ayaa sida muuqata waxaa jira wali dad badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo wali wax ka tabanaayo iyadoona siyaasad Soomaalida oo ah mid aan la saadaalin kalrin waxay ku dambeysa ay noqotey xataa inay haweenkii ku lug yeeshaan ayagoona, Madaxweyne Sheekj Shariif iyo cidii kale ee madax ka noqoto dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa inay mar walba ku adkaan doonto qncinta wadan dadkiisa oo dhan ay wada siyaasiyiin noqdeen oo ay ku mashquulsan yihiin waxaan siyaasad ahayn iyo yaa loo magaaabay jagadaas..

Halkaan ka Daawo Muuqaal ahaan ‘’Shiikh Shariif Maba Is garanayo Waa ka Sii Daray Haweenka ku abtirsada beelaha hawiy oo eedeyn weyn u soo jeediyeen Shiikh Shariif’’

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s