Guddiga Farsamada Xulista Baarlamaanka Cusub oo Raxanreeb Ay La Yeelatay Wareysi Xiiso Badan

Muqdisho (MMG) Gudoomiyaasha guddiga farsamada ee xulista mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maanta sjir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Shabakada Raxanreeb waxay kaga hadleen halka ay mareyso xulista baarlamaanka cusub iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in boosaska baarlamaanka lakala iibsanayo.

Wareysigan oo si wadajir ah aanu ula yeelanay labada gudoomiye ee guddiga farsamada xulista baarlamaanka oo kala ah Prof C/laahi Cali Cismaan iyo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa waxaan ugu horeyn wariyaha Raxanreeb uu weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in liiska xubnaha baarlamaanka ay qabteen iyadoo xildhibaanada qaarna ay keensadeen siyaasiyiin.

“Magaalada warar badan baa yaayacaya, waxaa la leeyahay guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxay qabteen magacyada baarlamaanka, Anagu illaa hadda wax liis rasmi ah oo aan qabanay ma jirto , si guud waxaan u qabaneynaa berito [Axadda]…” ayey tiri Xaliimo Yarey oo su’aashaasi ka jawaabtay.

Mar aan wax ka weydiinay in guddigu yahay mid ka madax bannaan cadaadiska siyaasiyiinta waxay ku adkeysteen inay yihiin guddi ka kooban beelaha Soomaaliyeed kuna saleysan 4.5 (afar iyo bar) isla markaana tiradoodu ay dhan tahay 27 xubnood.

Shuruudaha lagu xiray baarlamaanka cusub

Prof C/laahi Cali Cismaan, gudoomiyaha guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya

Gudoomiyaasha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxay wareysiga ku sheegeen inay uga digayaan odayaasha dhaqanka inay soo xulaan dad aan buuxin karin shuruudaha loo dejiyey xildhibaanada cusub, kuwaasoo kala ah;

1- Waa inuu ahaadaa muwaadin Soomaaliyeed
2-Waa inay da’diisa u dhexeysaa 25-75 sano.
3- Waa inuu heystaa shahaadada dugsiga sare [ugu yaraan].
4- Waa inuusan horey dalka iyo dadka dembi uga gelin.
5- Waa in dhimirkiisu buuxo.
6- Waa inuu yahay qof dhowraya dhaqanka Islaamka.
7- Waa inuu leeyahay waayo aragnimo ku haboon.

YAA DEMBIILE AH SOOMAALIYA?

Waxaan weydiinay Xaliimo Yarey “yaa ah dambiile maadaama aysan jirin maxkamad illaa hadda qaaday dembiyada ka dhacay Soomaaliya?”

“Waxaa jirta maxkamad dadka ah oo waa la yaqaanaa kii dadka dili jiray, dadku waa yaqaana kii wax xadi jiray, waa laga wada marqaati kici karaa, maxkamad waxaa jirta dadka ay u dhan yihiin oo ay leeyihiin HEBEL iyo HEBEL.. saas iyo saasuu ahaa, .. odayaasha waxaan u sheegeynaa arimahaas la wada og yahay inay ka digtoonaadaan” ayey tiri gudoomiyaha guddiga xulista baarlamaanka.

Waxay labaduba sheegeen in baarlamaanka cusub laga horjoogsan doono dad aan lahayn aqoon digsi sare ama dembiyo ka galay wadanka, iyagoo sidoo kalena ballanqaaday in dadka laaluushka bixinaya aaney u ogolaan doonin ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Prof C/laahi iyo Xaliimo Yarey waxaysheegeen inay saxaafadda ku martiqaadayaan goobta ay ku qabanayaan liiska baarlamaanka cusub si ay wax walba u cadaadaan maalmaha soo socda.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s