Madaxweynaha Shariif oo saxiixay qorshaha ammaanka iyo xasilinta Qaranka ee lagu shaqeyn doono 5ta sano ee soo socota.

Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada oo ay ka soo qeyb galeen guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare Avv. Ceydiid C/llaahhi Ilkaxanaf, R/wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali, Wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud iyo xildhibaano, ayaa lagu soo bandhigay qorshahaan oo ka kooban 8 qodob isla markaana ay soo diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed.

Prof. Axamed Cali Caanoos o ka mid ah aqoonyahannadii soo diyaariyay qorshahaan ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Saraakiil hore oo ciidamada ka tirsanaa iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ay soo diyaariyeen qorshahan oo mudnaan siinayo istaraatiijiyadda lagu dhammeynayo qodobada ka harsan nidaamka dowliga ah ee ku cad shuruucda waddanka.
 


Taliyaha ciidamada XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa guul ku tilmaamay qorshahaan la saxiixay maanta, isagoo sheegay in dowlado badan ay horay ugu dhaliileen inuusan Soomaaliya ka jirin qorshaha amniga qaranka si loogu taageero. wuxuuna u mahad celiyay saraakiishii iyo aqoonyahannadii soo sameeyay iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo waqti badan ku bixisay qorshahaan.

Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in qorshahaani uu ahmiyad ballaaran u leeyahay dalka Soomaaliya, waxayna u mahad celiyeen dhammaan dadkii ka qeyb galay qorshahaan iyo nabadeynta waddanka Soomaaliya.

R/wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa munaasabadda ka sheegay in muhiimadd uu u leeyahay qorshaha NSSP waddanka si loo gaaro xasilooni, dowladduna ay juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qorshahaan. isagoo u mahad celiyay ciidamada XDS iyo AMISOM oo horrumarro badan ka sameeyay dhinaca ammaanka waddanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulanka ka sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdaba looga baahan yahay in ay dhaqan galiyaan qorshahaan oo ah kii ay dadka Soomaaliyeed dhibaatada uga bixi lahaayeen. Isagoo u mahad celiyay dadkii ka soo shaqeeyay diyaarintiisa.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in hirgalinta qorshahaani uu yahay mid ahmiyad weyn u leh dadka iyo dalka, isagoo u mahad celiyay dadkii gacanta ka geystay. “Waxaa farxad weyn ii ah maanta inaan saxiixo qorsha amniga iyo xasilinta qaranka, oo ah qorshe laf dhabar u ah dowladnimada muddo dheerna laga soo shaqeynayay, waxaana rabaa inaan u mahad celiyo cid kasta oo gacan ka geysatay” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in dal dhibaato ka jirtay muddo dheer si loo xasiliyo loo baahan yahay qorshe cad oo la raaco. Kaas oo sahli kara in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan Al-Qaacidda.

“Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay waxay ku jirtay fowdo baahsan, waxayna gaartay heer dambiilayaasha adduunku halkaan intay yimaadaan umadda Soomaaliyeed ay dhibaateeyaan ayagoo ku gambanaya magac diimeed, haddaan la helin qorshe looga hortago oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiheysan yihiin waxaa adkaaneysa in laga guuleysto”.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisa ku sheegay in sadexdii sano ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladda la gaarsiiyay meel wanaagsan ayna ka adkaadeen Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab, ayagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, hase yeeshee la doonayo in horay looga sii socdo halkaasi.

“Waa laga guuleytay Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab, Laakin ma rabno gadaal in loo soo laabto ee horay in loo sii socdo ayaan rabnaa, horay in loo sii socdana waxay u baahan tahay qorshe, qorshihiina waa kan maanta la sameeyay”. ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa caalamka ka codsaday inay dowladda soo socota ku caawiyaan hirgalinta qorshahaan oo sahlaya in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, ayna ka guuleysato argagixisada caalamiga ah ee dagaallada kula jirta. Ciidamada XDS iyo AMISOM ayuu sidoo kale ku amaanay howl gallada ay qeybo ka mid ah dalka uga saareen maleeshiyaadkii Shabaab ee dhibaatada ku hayay muddada shacabka Soomaaliyeed.

Anixinta Qorshahaan ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay tallaab labaad oo taariikhi ah, marka laga soo tago Dastuurka waddanka oo dhawaan la ansixiyay, isagoo tilmaamay in 42 sano kadib ay Soomaaliya gaareyso Horumarro siyaasadeed iyo dowladnimo dhammeytiran. Musharraxiinta soo badanaya ee u taagan xilka madaxnimada waddanka ayuuna soo dhaweeyay madaxweynuhu.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s