Madaxda ugu sareysay dowladii Soomaliya ee Dhacday oo lagu war galiyey in ay isu soo sharaxi karin hogaanka ugu sareya ee Dowlada

Kulan adag oo saacada badan oo qatay oo xiligaan garoonka diyaaradaha Muqdisho uga socda wakiila ka socda beesha Calamka iyo madaxdii Soomaliya ee dowladooda dhacay ayaa lagu war galiyey in ayba isku soo sharaxi karin xilalka ugu sareya ee dowlada taa oo wali lagu murusan yahay

Kullanka ayaa qeyb ka ah Wafuud ka kala socota Wadamada Ingiriiska, Maraykanka, Talyaaniga, Turkiga, Ethiopia iyo Jabuuti, iyo madaxweynah Soomaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ,Raiisal wasare Cabdi Wali gaas iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasna Sheikh Adan iyadoona warar hoose aan la xaqiijin sheegayaan in masuuliyiintaasi lagu war galiyey in ay ka baxaan ololaha doorashada aynaba isku soo taagin xilalka ugu sareeyo ee Hogaanka dalka.

Kulankaan oo u muuqda mid leysku mari layahay ayaa la ogeen waxuu ku dhamaan doono iyadoona masuuliyiinta Soomalida ku adkeysanayaan in xilkaasi damac weyn ugu jira

Dhanka kale Dowlada Yugaandha oo ciidamo badan ka jogaan ayaa beesha caalamka ku war galisay in madaxweyne Sheikh Shariif laga qaado cadaadiska xilka 4 sano soo socto loo dhiibo madaama uu taageero xoogan ku leeyahay gudaha dalka Soomaliya heestana ciidamo badan oo qas weyn galin karo joogitaanka ciidamadeena dalka Soomaliya

Si kastaba ha ahatee waxaa laga dhoowr sugayaa kulnkaan adag ee xiligaan u socda hogaanka ugu sareeyo dalka iyo beesha caalamka waxa ka soo baxo iyo in ay yeelan codsiga beesha caalamka in aysanba isu soo taagin xilka ugu sareeyo dalka 3 masuul.

Leave a comment