Faalo xasaasiya :-Xil iyo derejo yaa mudan?.

23 August 2012 Moment Media Group – Waxey maalmahan dheguhu maqlayeen yididiilo qaran iyo neecaaw xorriyadeed. Waxaa soo ifbaxaya ifafaale nabadeed iyo dib u soo kabasho inoo muujineysa muuqaal dowladnimo, taasi oo uu qof walba oo damiir waddaniyadeed lihi uu ku soo dhoweynayo caleemo qoyan iyo qalbi saafi ah.

Rajada soo ifeysa waxaa ma huraan u ah oo aan looga maarmi kareyn hoggaan daacad ah oo aqoon iyo karti leh majarahana u qaban kara dalkan bur buray ee dib u dhiska u baahan iyo dadkan diifta la daalaa dhacaya ee tiigsanaya meel ay ciirsadaan oo ay naftooda ku aaminaan.

Muqdisho beryahan, waxey la ciir ciireysaa oo gidaar kasta kaaga muuqanaya sawirrada in ka badan 50 musharrax oo u wada taagan in ay qabtaan hoggaanka dalka gaar ahaan xilka madaxweynanimo ee jumhuuriyadda Soomaaliya, iyaga oo uu damacoodu wada yahay isu tanaasulid la’aan oraneysa ” keligey baa wax ah, cid iga mudanina ma jirto !!!”.

Haddaba abwaan C/dhuux Yuusuf Xasan oo ah curiye suugaanta in badan ku soo dhex jiray, ayaa wuxuu si hufan u kala qeexayaa shakhsiga ay bulshadu dooneyso ee ay dooran laheyd iyo midka aanay dooneyn ee ay diidan tahay.

Is weydiintu waxey tahay, waa kuma midka aysan bulshadu dooneyn ee ay diidan tahay?, abwaan C/dhuux oo farta ku sii fiiqaya ayaa maansadiisa ku yiri:-

Hogaamiyaa dadkiisa

Halis wawga digaa iyo

Dibin daabyo qarsoone

Nimaan maanta dalkiisa

Dabka uu ka huraayo

Xal u dooni kareynin

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin!.

Inta gaaja daraadeed

Daadsan oo socon weydiyo

Dad weynii ku curyaamay

Dagaallo aan xaq aheyn

Ninkii aanay damqeynin

Si ay daryeel u helaan

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Danbiile dhiig gardarraa

Daadiyay oo u qasdoo

Dakanooyin xanbaarsanoo

Eedi ay daba joogto

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Dad intuu hor yimaaddo

Nimaan dood wax ku ooliyo

Hadal deeqa kareynoo

Daman oo jilicsan iyo

Damaaci aan waxba deeqinoo

Dhuunta ay u dalooshoo

Deg deg xoolo u yeelo

Dubaaqiisa ka buuxdo

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Dani haddey ka dhaxeyso

Dadku waa ka shiraaye

Diktaatoor keligii

Wuxuu doono falaaya

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Dalkeennii wuu burburoo

Dib in loo dhisa weeyee

Nin ka daahan adduunkoo

Ka daboolan aqoonta

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Abwaanku mar kale wuxuu inoo tilmaamayaa shakhsiga wanaagga iyo anshaxa leh ee ay bulshada dooraneyso codkeedana ku karaameyneyso, laakinse su’aashu waxey tahay waa kuma  shakhsiga nuucaas ah?. Abwaanku muxuu ka  yiri:-

Bulshadu waxey dooneysaa oo ay daneyneysaa weliba si aan kala har laheyn u dooraneysaa shakhsiga leh 10ka astaamood ee hoos kaaga muuqata:-

1. Dadku nimuu u siman yahay

2. Dar allee nin daacad ah

3. Dulmi diid caddaalad ah

4. Dadaal badane howl kara

5. Lagu diirsay geesi ah

6. Faxal iyo nin deeqsi ah

7. Samir iyo dulqaadba leh

8. Damiir lagu xishooda leh

9. Dareenkii waddaniga leh

10. Quweeyaha diinta ah.

Haddaba tobankaa astaamood ee milgaha iyo maamuska leh ee kor ku xusan ninkii leh shuruudahaasina si hufan u soo dhameys tira.

Ayaa darajo mudan

Duciyo kalsoonina

Waan ugu sii dareynaa.

Ugu danbeystii mudane musharraxow, haddii aadan intaa awoodin oo aanad soo buuxin karin shuruudahaas la soo sheegay, fadlan ha isku soo ceebeynin madasha doorashada iyo u tartanka xilka qarannimo ee loo ballansan yahay.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s