Nuxurka khudbadaha musharraxiinta

Khudbadaha musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya oo loo hakiyay salaadda maqribka ee xilliga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la isku soo noqon doono salaadda kaddib.

Ilaa iyo hadda waxaa hadashay afar musharrax oo kala ah Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Xuseen Khaliif Jaamac, Maxamed Axmed Saalax iyo Cabdullaahi Axmed Caddow.

Musharrax Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono dib u dhiska ciidanka, soo celinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta waxbarashada, fududeynta adeegyada caafimaadka iyo inuu ka shaqeyn doono mideynta jamhuuriyadda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Xuseen Khaliif Jaamac ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka hor tegi doono musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, sidoo kalena ay dadku xilalka iyo shaqooyinka ku heli doonaan aqoontooda. Wuxuu tilmaamay inuu dhisi doono ciidanka Soomaaliya.

Musharrax Cabdullaahi Axmed Caddow ayaa sheegay in hadduu la doorto uu tallaabo kasta kala tashan doono baarlamaanka, inuu ka sahqeyn doono amniga, uuna door-bidayo inay dalka ka baxaan ciidanka ajnabiga ah ee u jooga nabad ilaalinta ah, kuwaas oo uu tilmaamay inuu beddelkooda sameyn doono ciidan qaran oo awood leh.

Waxaa salaadda kaddib khudbado ka hor jeedin doona baarlamaanka musharraxiinta kala ah: Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiweli Maxamed Cali, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Salaad Cali Jeelle iyo Cumar Salaad Cilmi.

 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s