Waa kuwee Murashixiinta isku soo hari doonaa wareegga sadexaad? Xog muhiim ah oo laga helay safaraddo ajnabi ah

07.09.2012 – (Moment Media Group) Sahan iyo baaris ay sameeyeen hay’ado caalami ah iyo kuwa goboleed oo kaashanaya khubro iyo aqoonyahan Soomaali ah, oo qaarkood ay ka midyihiin Golaha Shacabka (Baarlamaanka ) ee hadda la soo dhisay ayaa waxaa ay soo saartay saadaal hor u dhac ah oo muujinaysa sida loogu soo kala gudbi doono wareegyada hore ee doorashada Madaxweynanimada Soomaaliya.


Warbixintan oo la gaarsiiyey qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeedka ee ku yaal magalada Nairobi ayaan si dhab ah u saadaalinin, una sheegin mgaca murashaxa ku guulaysan kara madaxnimada dalka, hase ahaatee waxay sheegtay sadexda shaqsi ee iyagu isugu soo hari kara wareega sadexaad ee ah kan ugu danbeey wareegyada doorashada.

Inta badan murashixiinta doorashada isu soo taagey ayey warbixintu tibaaxdey in ay ku hari doonaan wareegga kowaad oo ayna usoo gudbi doonin wareegga labaad, iyadoo sidoo kalena ay tilmaantay in muuqato in murashixiin kale oo ah kuwa usoo gudbi doona wareega labaad ay tanaasul samayn karaan iyagoo codadkoodana si hoos ugu biirin doonaa murashixiin kale oo ay u arkaan in ay uga nasiib roonyihiin ku guulaysashada baratanka xilka Madaxweynanimada.

Qaar kale oo murashixiinta ka mid ah ayaa isu tanasuli doono iyagoo fulinaya dhiilal iyo qorshayaal ay horey ugu ku ballameen si jidka laysugu baneeyo xiliga munaasabka ah.

Xogtani waxay sheegaysaa in ay ugu dhowdahay in ay wareegga sadexaad isugu soo haraan sadexda murashax ee kale ah, Yuusuf Cumar Axmed (Yuusuf Garaad), Shariif Sh. Axmed iyo Dr. C/raxamaan Macalin C/laahi (Baadiyoow),warbixintu waxay bixinaysaa tilmaamo dhowr ah oo ay leeyihiin murashixiintaan, waxayna laba ka mid ah ku tilmaantay rag aqoon leh oo shaqo yaqaan ah, lehna hal abuur.

Mid ka mid ah labadaas nin ayaa horey si wayn uga soo qayb qaatay maamul dowladeed oo dhisan, wuxuuna ahaa sarkaal ciidan iyo macalin Jaamacadeed xiligii dowladii Siyaad barre, isagoo labatan sanona ka dhexshaqeynayey bulshada rayidka ah ee dalka. Ninkan ayay warbixintu saadaalisay inuu dhisi karo amni laysku halleyn karo, wadashaqeyna la yeelan karo bulshada Soomaalida iyo beesha csalamka labadaba.

Murashaxa labaad ayey ku tilmaantay nin dad dhex gal leh oo laga yaabo inuu kasbado dadban haduu guuleysto, wuxuuna leeyahay xirfado shaqo oo u sahlaya inuu bulshada la gaarsiiyo fariimaha dhabta ah ee uu rabo, isagoo ka duulaya khibradiisa warfaafineed.

Murashaxa sadexaad ayey warbixintu tilmaantay in uu aqoon iyo khibrad shaqaba ka hooseeyo saxiibadiisa tartankal kula jira, isagoo shaqada dowladeed iyo xilka kaliya oo uu qabtay ay tahay Madaxwene xilli dagaal, laakiin wuxuu aaminsanyahay inuu khibrad ka kasbadey dagaaladii uu galay, waxayse calamad su’aal saartay warbixintu sida uu u abuuri karo dowlad qaran oo xiligan u baahan odoros siyasadeed oo aad xeel dheer.

Xogtani waxay tilmaamaysaa in murashaxa Shariif Sh.Axmed oo ah Madxwenaha xilkiisu dhamaaday hadda uu hadda haysto xildhibaano badan oo isagu uu ka danbeyey soo xulidooda kuwaas oo ku mintidi doona ilaa wareegga sadexaad uu kasoo gaaro, laakiin ma aha kuwa siin kara aqlabiyad buuxda oo ku guulaysto madaxnimada dalka mar labaad, waxana sahanku tilmaamaya ay muuqato in aanu jirin codod kusoo kordhi kara dhinaca murashaxan inta ay socdaan wareegyada kala duwan ee doraashada , halka labada tartame ee kale ay heli karaan koror ku yimaada wareegga labaad iyo kan sadexaad.

Laakiin waxayna warbixintu meesha ka saareyn inuu heli karo codad si duul duul ugu kala firdhi doona murashixiinta marka doorashadu kululaato, maadama lacag badan isticmaalayo.Hase ahaatee waxaa sidoo ay xogtani tilmaantay in qaar ka mid ah codadkiisa ay ku biiri karaan nin ka mid ah tartamayaasha xooga badan.

Murashaxa Yuusuf Garaad oo ah rugcadaa saxaafadeed ayey xogtu tilmaamaysaa inuu wareegga labaad heli doono codadka Dr. Axmed Ismaaciil Samatar oo tanaasuli doona iyo xoogaa kasoo leexan doona murashaxa xasan Sheekh isagoo wareega sadexaadna heli kara qaar ka mid ah codadka C/wali Gaas , qaar aan badnayn oo ka imaan doona murashaxa C/laahi Axmed cadoow .

Dr.C/raxamaan Baadiyoow oo ah Islaami qunyar socod ah oo ka tirsan uruka Ikhwaan almuslimiinka, ayaa xog aruurintani tilmaamaysaa inuu wareega kowaad ksoo u gali doono tiro aan yaren oo xildhibaano ah, isagoo wareega labaad iyo kan sadexaadba ay kusoo biiri doonaan xubno cusub. Baadiyoow ayaa wareegga labaad ay kusoo biiri doonaan xubno ka yimid Maxamed C/laahi Oomaar, isagoo wareegga sadexaadna ay toos ugu soo biiri doonaan codadka Maxamed C/laahi farmaajo, isagoo codad kale kasoo leexan doonaan C/laahi Axmed caddoow iyo C/wali Gaas, waxana suura gal ah ayey warbixintu sheegtay in codad kale uu kasoo jiito wareega labaad Dhinaca Madaxweynaha Shariif Sh. Axmed.

Sahankan iyo xog aruutintaani waxay tilmaantay dhowr arimnood oo muhiim ah, waxaana ka mid ah in Baarlamaanka (Golaha Shacabka Qaranka) ee hadda samaysmay uu leeyhaay astaamo cusub ay mid tahay in ilaa 60% xubnaha barlamaanku ay yihiin cusub, halka 75% ay yihiin dad da’doodu ka yartahay 50 sano, sidoo kale waxay xubnaha ee cusub 70% yihiin kuwa leh aqoon u dhaxeeysa dugsi sare ilaa heer jaamacadeed iyo wax ka sarreya . Arintaas ayey waxay macnaynaysaa in xubnaha cusubi ay yihiin kuwa aad uga duwan kuwii iyaga ka horeyey.

Warbixintu waxay kaloo sheegaysaa in xildhibanada hadda jira intooda badan ay adagtahay in ay wax ku doortaan laaluush la siiyo, iyadoo xitaa haddii qaarkood ay lacago ka qaataan murashixiinta ayna ahayn micnaheedu in ay mukhlisiin u noqonayaan kuwa lacagta siiyey, waxaana muuqata in ay xaalado kale wax ku qiimaynayaan, kuwaas oo yeerinayso, islamarkaasna ay qasbayso marxaladda siyaasadeed iyo midd amnni ee dalku marayo.

Waxaa kale oo xogtani tilmaamaysaa in uu jiro Baarlamaanka dhexdiisa guux wayn oo ay ku doonayaan inuu yimaado isbadal siyaasadeed, kaasoo gogol xaari kara isbadal arimaha gudaha iyo kan dibadda ah, waxaana muuqata sida warbixintan ku xusan in ay jirto cabsi wayn iyo walwal ay qabaan inta badan oo ka tirsan Xildhibaanada cusub, kasoo ku aadan in hadii ay hogaanka dalka kusoo laabtaan wajiyadii hore ay si wayn gaagixin ama laali karto qorshayaal balaaran oo beesha caalamku ku doonayso inay dib ugu dhisto dalka Soomaaliya xiliga dhow, gaar ahaana xilli ay soo bexeen eedaymo musuq maasuq oo ku wajahan dhammaan mas’uuliyiintii hore ee dowladda DKMG soo hogaaminayey sadexdii sano ee lasoo dhaafey.

=================

The best style is the style you don’t notice.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s