Horaan Kugu Sheegay in AAN Baska kaligey raaci doonin waana ugu talagalay sidaan

13 Sept 2012  Moment Media Group – Amniga Madaxweynaha Cusub ee soomaaliya ayaa qatar la geliyey kadib marka maanta la isku hor qarxiyey xili uu shir Jaraaid si wadajir ah ula qabanayay wasiirka arimaha Dibadda Kenya Musas Watanguula..

Qaraxa ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 2 ka mid ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynihii xilka ku waayey Doorashadii dhowaan dhacday ayaa la sheegayaa inuu weli degan yahay Madaxtooyada Soomaaliya iyada oo la sheegayo in uu rar culus ka socdo madaxtooyada Soomaaliya, shariif sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu la baxayo dhamaan wixii qalab, baabuuro iyo Matooro oo yaalay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shariif Sheekh Ahmed ayaa la sheegayaa inuu ku calaacayo in meel kasta deyn looga leeyahay kadib markii uu ku bixiyey campaign-kiisa lacag dhan 20 milyan doolar.

Shariif Hassan Sheekh Aden ayaa la sheegayaa inuu Madaxweynihii xilka waayey ka qaatay lacag dhan 10 milyan doolar, lacagtaas oo la sheegay in 5 milyan doolar ka mid ah lagu siiyey Shariif Xasan magaalada Dubai kadib markii ganacsato ka socota Shariifka ay uga yeereen Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta, lacagtaas oo la sheegay inuu dhamaanteed ku shubtay accounts uu ku leeyahay Dubai, Shariif Xasan oo markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaa Dubai la shiray xildhibaano gaaraya 80 oo taageerayaashia ahaa isaga oo u sheegay inay codkooda siiyaan Shariif Sheekh Ahmed, Xildhibaanada oo arintaa aad uga hor yimid ayuu Shariif Xasan ku laabtay Shariif Sheekh Ahmed isaga oo u sheegay in Xildhibaanadu qanacsanayn loona baahan yahay in lacag la siiyo Maadaama uu isagu qaatay 5tii milyan oo hore, madaxweyne Shariif ayaa 5 milyan oo kale u dhiibay Shariif Hassan lacagtaasoo xildhibaanada 80-ka ah laga siiyay min 30 kun doolar iyadoo loo balanqaadayna marka la guuleysto in la siin min 20 kun doolar.

Kadib guuldarada dhacday ayaa la sheegayaa in labada Shariif ay isku dhegan yihiin iyadoo Shariif Sheekh Ahmed uu doonayo in Shariif Hassan uu ugu yaraan soo celiyo lacag dhan 5 Milyan Doolar maadaama aan ilaa hadda la hubin in xildhibaanada taageersanaa Shariif Hassan ay u codeeyeen madaxweynihii hore Shariif Sheekh Ahmed.

Shariif Hassan ayaa la sheegayaa inuu Shariif Sheekh Ahmed u sheegay in arintaani tahay siyaasad lacag la isku celinayana aysan jirin ay labadoodubana guuldaradu ku wada dhacday.

Shariif Hassan ayaa sidoo kale sheegay in isaga qudhiisa ay uga baxday lacag ka badan 10 milyan Doolar xiligii lagu jiray gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, xiligaas oo Shariif Xasan uu la doonayay gudoonka Baarlamaanka Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr halka Shariif Sheekh Ahmed uu la doonayey Prof Jawaari.

Isku soo wada duube waxaa shacabka Soomaaliyeed la yaaban yihiin sababta weli Shariif Sheekh Ahmed usii jooga madaxtooyada Soomaaliya una raranayo qalabkii yaalay Madaxtooyada Soomaaliya halka Madaxweyna sida Sharciga ah loogu doortay madaxtinimada Soomaaliyana uu u degan yahay hoteel ku yaala agagaaraha ayraboorka Muqdisho.

Amniga Madaxweynaha Cusub ee soomaaliya ayaa qatar la geliyey kadib marka maanta la isku hor qarxiyey xili uu shir Jaraaid si wadajir ah ula qabanayay wasiirka arimaha Dibadda Kenya Musas Watanguula.

Caawa ayaa la filayaa in madaxweynaha la geeyo Madaxtooyada Soomaaliya xili uu weli shariif ku sugan yahay Madaxtooyada.

=============

The only reason for being a professional writer is that you can’t help it.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s