Talobixin iyo Rajo ii Muuqata

Saturday 15 September 2012 – Waxaan marka koowaad u hanbalyeynayaa madaxweyniihii hore Mudane Sheekh Shariif Aheekh Axmed, sida geesinimada leh ee uu u aqbalay go´aanka natiijada doorashada madaxweyne ee dhacday 10-09-201 iyo hawshiisii wanaagsanayd ee asaga iyo dawladiisuba soo qabteen.

Marka Labaad waxaan u hanbalyeynayaa madaxweynaha cusub ee jamhuuriyad Soomaaliya Mudana Xassan Sheekh Maxamuud. Hanbalyo bacdigeed waxan filayaa in hawl badani ku sugayso adiga iyo kooxdaada qabandoonta hogaanka cusub ee Soomaaliya.

Mudane madaxweyne waxan rajeynayaa inaad markaan waxa ugu baahida badan ee aad u baahan tahay inay tahay talo wanaagsan si aad ugu guuleysato shaqada dhibka badan ee ku sugaysa taas oo dhammaanteen aan rajeynayno inaad ku guuleysan doonto.

Mudane waxaad haystaa fursad ka wanaagsan midii ay haysteen madaxdii kaa horeysay nooc walba iyo waqti walba oo ay ahaayeenba. Mudane madaxweyne waxaa la sugayaa waa shaqsiga aad u magacabi doonto wasiirka koowaad ee dawladaad hagaamin doona, iyo sida looga dhex arko dad aqoon yahano ah oo daacad ah, waxaa jira kuwa badan oo aqoon leh balse aan ahayn daacad oo kaliya doonaya inay mansab siyaasadeed iyo dhaqaale ku helaan magaca xilka ay ahayaan. Inta badab aqoonyahanada ka imaanya dibadaha waxaa ka daacadsan kuwa gudaha joogay oo ka warqaba xaalada dhabta ah ee dalka, waxaana aaminsanahay inay ka han iyo hantiqaadasho yar yihiin haddiiba ay musuqmaasuq gacanta la galaan, waadna helaysaa rag kula shaqeeya oo dalka joogaoo daacad ah, taas macnaheedu ma ahan in qurba joogta oo dhami ay wada xun yihiin, waxaa jira rag badan oow anaagsan insha allaah, laakiin raga u dhabar adeygay dhibka dalka intaas ka socday  waxay ka xaq iyo xuquuq badan yihiin kuwa dibada ku maqnaa mudada badan, arintaasina waxy dhiira galinaysaa in aqoon yahanada dalku ay ku soo dhiiradan inay dalka wax ka hagaajiyaan sidaad adba mudane madaxweyne aad ugugu soo dhiiratay inaad hogaanka dalka qabato.

Mudane madax weyne waxaan ogahay in talooyin badan kuu imaanayaan laakiin waxaan aad u jeclaystay inaan ku soo gaarsiiyo talooyinkaan oo aan u arko inay ka duwan yihiin ama ay qaarkod yihyiin kuwa ku haboon waqtiga hada la marayo, waayo waxaan anigu ka hadlayaa waa arimo ku dhisan dhismaha bulshada iyo sidii loogu tashan lahaa dhismaha hoose ee dalka iyo bulshadaba maadaama aad ka soo dhex baxday bulshada dhexdeeda oo aad wax badan ka warqabto.

Mudane madaxweyne  qotobadaan hoose aad u dhuux kana qaado wixii macquul ah intii aan ku anficina xaq ayaad u leedahay inaad iska dhaaftid.

  • Cadaaladda
  • Amniga
  • Dhisidda garsoor xaq ku dhisan oo ilaaliya shuruucda dalka u taala iyo xuquuqda muwaadinka.
  • la dagaalanka gaajada iyo barakaca
  • Horumarinta ilaha dhaqaalaha ee dawlada
  • la dagaalanka musuq maasuqa.
  • kor u qaadida/ kobcinta garaadka qofka muwaadinka ah 
  • dhismaha ciidan tayo leh ee la siiyo tababar ciidan oo buuxa iyo in la baro waajibaadka ciidan ee wadaninimo.
  • Diplomasiyada oo xooga la saaro,
  • ilaalinta xuduudaha dalka iyo xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed

CADAALADDA

Cadaaladu waa inay ka soo bilaabataa xafiiskaaga, una socotaa hoos ilaa ay gaarto muwaadinka caadi ah iyo meel kasta oo xukunkaagu gaaro. Haddii xafiiskaaga laga arko cadaalada daro, ogoow inay meel walba gaarayso waxna hagaagey lana marayo wadadii ay mareen dhamman maamuladii kaa horeeyey.

AMNIGA

Amni ma imaanayo haddaan la helin cadaalada, iyo ciidankii fulin lahaa oo hela mushaaraad ku filan iyo sharci iyo qawaaniin ilaalisa xaquqquda askariga iyo xuquuqda muwaadinka. Askarigu hadduu helo mushaar ku filan oo uusan ka baqayn inuu bishaan helayo iyo inkale marnaba lagama sugayo inuu shaqadiisa si wanaagsan u qabto, sidoo kale ma dhacayso inuu ka dhowrsado hantida shacabka iyo mida dawlada intaba mana ilaalin doono shaqadiisa iyo sharciga intaba. Shaqaalaha dawladuna waa la mid mudana madaxweyne. 

GARSOORKA

Garsoorku waa meesha laga ogaado in maamulka talada hayaa uu cadaalad ku shaqeeyo iyo inkale. Garsoorku waa kan ilaaliya shuruucda dalka. Garsoorku waa kan ilaalinaya inay guteen shaqadooda, madaxda dalka iyo shaqaalaha dawlada intaba, mana jireyso in la iska ilaaliyo danbiyada iyo xadgudubyada. Garsoorku waa hayada aan cidina ka sarayn oo ah midda tiir dhexaadka u ah nadaamka dawladnimo, waa inay noqotaa mid madax banaan sida uu qorayo dastuurka dalku.

LA DAGAALANKA GAAJADA IYO BARAKACA

Gaajada waa cadowga nabada, cadowga horumarka, iyo cadowga cadaaladda. Qofku inta uu baahan yahay lagama yaabo inuu ilaaliyo xasiloonida iyo nabada. Waa in la kobciyaa dhaqaalaha dawlada iyo mida bulshada, taas oo u baahan mashruucyo cilmiyeysan oo la sameeyo, looguna adeegaa dadweynaha.

Haddaanse tusaale yar u soo qaato  qaabka lagu hormarin karo dhaqaalaha dawlada waxaa ka mid ah, in la sameeyo diiwaan galinta muwaadiniinta ku nool dhulka ay maamusho dawladu, loona sameeyo aqoonsiyo, laga qaadayo lacag, lacagta halkaas ka soo baxaysana waa in ay ku dhacdaa qasnada dawlada lagana ilaaliyaa in la musuq maasuqo, taasiw axay ka qayb noqonaysaa diwaan galinta dadka, tirakoobka, iyo sugida amniga iyo in la ogaado qof walba meeshuu ku nool yahay.

Waxaa la diiwaan galinayaa oo sharci iyo shatiyo diwaan gashan la siinayaa, sanad walbana loo cusboonaysiinayaa, bi lwalbana laga qaadayaa canshuuraad go´an dhammaan meheradlayaasha, ganacsiga ku haysta dhulka ay maamusho dawladu, hawshaasna waxaa qabana hayadaha ku shaqada leh, sida waaxda canshuuraadka ee wasaarada maaliyada, dawlada hoose, qaybta canshuur qabashada/qaadidaiyo kastamada, wasaarada arimaha dibada, maamulada degmooyinka iyo maamul goboledyada dawlada federaalka ka kooban tahay, lacagtaasna waa in la hubiyaa inaan la musuqmaasuqin ayna ku soo xarootaa qasnada dawladda ee bankiga dhexe ee Soomaaliyeed.

Markii gaajada la dhameeyo waxaa dhamaanaya barakaca waxaana bilaabanaya horumarka iyo higsashada nolosha mustaqblka wanaagsan ee soo socda. Waxaa markaas ka dib imaanya in  wax la barto, in la dhiso dhammaan adeegayaashii bulshada sida waxbarashadii, caafimaadkii iyo dhismayaashii wadooyinka, isgaarsiinta, iwm.

HORUMARINTA DHAQAALADA DAWLADA 

dawladu waxay marka ay horumarinyaso dhaqaalaheeda waa inay hubisaa in la qaado canshuur joogto ah, si ay u gudato waajibaadkeeda dawladnimo ee laga sugayo. Marka ay qaado canshuur, waxaa dawlada laga doonaya xaqna loogu yeelanayaa inay ilaaliso xuquuda canshuur bixiyayaasha oo ah shacab weynaha Soomaaliyeed, waxaana qasab ah inay lacagahaas ugu adeegto bulshada kuna ilaaliso xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed, iyo ilaalinta xuduuqda qaranka soomaaliyeed, cir, dhul, iyo badba.

FG: Hawshaan horumarinta dhaqaalaha waxaa loo samaynayaa qorshayaal diyaarsan iyo hayado ilaaliya , waxaana la socda horumarinta dhaqaalaha bulshada oo ay ka mid tahay in la sameeyo wax soo saar, in la dhiso kaabayaasha ilaha dawlada, in la abuuro shirkadado sameeya dhaqaale side kaluumaysida, beeraha, ka faaidaysida xoolaha nool iyo suuqgeyn wanaagsan  oo sameeyo wax soos aarka dhaqaalaha Soomaaliyeed, halkaas waxaa kaloon ka maqneyn maalgashiga shirkadaha iyo dalalka dibada ayadoo la ilaalinayo inaysan suuq caririin ku samaynin kuwa muwaadiniinta Soomaaliyeed leeyihiin si aysan u dhicin dhiig miirad shisheeye.

LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA

Musuqmaasuqu waa dumiyaha nadaam kasta oo la sameeyo, waa shayga ugu xun ee bulsho saameeya, Soomaaliyana aad ayuu ugu badan yahay, waxaa looga hortagi karaa in la helo hogaaa aan ahayn daneyste u adeega danihiisa iyo inta la danta ahba.

Waa in la smeeyaa hayado dastuuri ah oo ilaaliya hantida qaranka iyo mida shacab weynaha Soomalaiyeed, waayo hantida shacabku waxay ku jirtaa hantida qaranka, waxaana lagu ilaalin karaa sida aan kor kus oo sheegnay oo ah in la helo , cadaalada, Amni iyo garsoor u dhexeeya umadda.

Musuqmaasuqa waxaa lagu suurin karaa in lala xisabtamo masuul walba oo loo dhiibo xil qaran, sidoo kale in la dhiso, hantidhowr qaran, xisaabiye guud iyo hayaddii XISAABI XIL MA LEH, ayna wada shaqeeyaan kuwaan soo sheegnay.

Shaqada baarlamaanku waa mid laga filan karo inay ayaguna ilaaliyaan sharciga, hantida qaranka, iyo inay baaritaano iyo la xisaabtan ku sameeyaan masuuliyiinta haya xilalka kala duwan ee qaranka.

KOR U QADIDA/KOBCINTA MUWAADINKA SOOMAALIYEED

Soomaaliya mudo badan ma helin dawlad iyo nadaam u adeega shacabkeeda, waxaana muda dheer lagu soo jiray fawdo hadba heer soo martay. waxaa jira marka in dadkii ay ka aamin baxeen nadaamkii dawladnimo, wayna adkaanaysaa in dadka hadda laga dhaadhciyo inay aqbalaan dawladnimda waayo shacabku ma arkin dawlad u adeegta oo u naxariisata, ka shaqaysa danahooda. Sidaas darteed wa in la sameeyaa wacyi galin badan, lana badiyo in shacabka marwalba lala hadlo loona sheego waxyaabaha ay dawladu u qabanayso iyo wanaaga dawladnimo. Waa in ugu yaraan asbuucii hal mar oo madaxweynu uu shacabka kala hadlaa idaacada si toos ah asagoo adeegsanaya idaacada, taleefishinada iyo jaraaidyada dalka ka jira . waa in dib loo soo nooleeyaa oryateeshinadii degmooyinka/ golayaashii hanuuninta dadweynaha loona tababaraa dad shacabka ka dhaadhiciya waxa ay dawladnimo tahay iyo waxa laga filan karo, xaqa ay leedahy iyo midka lagu leeyahay. Waa in la furaa xafiiska shacabka (Public Offica), dadka ay ka helaankana ogaadaan xaqa ay leeyihiin iyo midka lagu leeyahay, kana raadsadaan sharciga dawliga ah iyo qaabka ay u marayaan.

DHISMAHA CIIDAN TAYO LEH OO LA SIIYEY TABABAR BUUXA IYO MID WADANINIMO

Dawladi waa ciidan, ciidan la `aantiis dawladnimo ma jirto mana jiri doonto. Ciidanku waa ilaaliyaha dawlada, dalka iyo dhammaan shuruucda dalka u taala. Haddii aan la abuurin ciidan tayo leh oo ilaaliya xuduudaha dalka, xuquuqda muwaadinka, iyo xeerarka iyo sharciga dalka dawladanimo waarta lama helayo, lagamana baxayo in maalin walba ajnabi na ilaaliyo taas oo qaranimadeena dhaawac ku ah mar walba. Ciidanku waa ilaaliyaha sharciga, fuliyaha amarada dawladda iyo go`aamada garsoorka, haddii ay yihiin ciqaabaha la xukumay iyo ka hortaga danbiyada iyo ku xadgudubka sharciga dalka.

DIPLOOMAASIYADdA OO XOOGA LA SAARO

Diploomaasiyadda oo xoogga la saaro, waxay keenaysaa in la abuuro kalsooni ka timaada dhammaan dalalka daneeya arimaha Soomaaliya. Sidaan  wada ogsoonahay Soomaaliya dawladihii soo maray waxaa loogaga bartay siyaasad aan dagenayn oo aan ilaalin dhammaan heshiisyada lala gaaro, salfudeyd siyaasadeedna ma rwalab ku kici jiray, taasi waxay keentay in nalaka aamin baxo, waxaana sabab u ah aniga argtida in marka hore ay galaan heshiisyo aan la lafagurin oo aan si wanaagsan loo falanqeyn loona dirin dad u leh aqoon buuxda diplomaasiyada iyo ilaalinta nadaamka guud ee ku dhisan  ka baaraan degida iyo ilaalinta danaha labada dhinac ee heshiisku dhexmarayo.  

Waxaa ila haboon in la abuuro gole ka kooban aqoon yahayno iyo dad waaya aragnimo u leh nadaamka dawladnimo iyo diploomaasiyada. Waxaan ogsoonahay in ay kala duwan yihiin siyaasadda iyo diplomasiyadda, inkastoo aanan hada mawcduucaas ka hadleynin oo ay haboon tahay in mar kale loogaga hadlo qoraala kale hadana  dad badan oo Soomaaliyed waxaa iskaga qaldan siyaasada iyo diplomasiyadda.

 Gudigaasi wuxuu falanqeynayaa oo daraasaad ku samaynaya xiriirka dibada iyo heshiisyada ay dawladu galayso inta aysan saxiixin ama aan loo soo gudbinba baarlamaankaba si aysan shaqada masuuliyiinta dawladu aysan qalqal u galin aysanna iskaga hor imaanin golaha fulinta iyo golaha sharci dejinta ee baarlamaanka, tuhuna u soo kala dhexgalin hayadaha dawladdu.

Waa in sidoo kale Soomaaliya saaxiibo loo raadiyaa, wayo sidaan ognahayba Soomaaliya saaxiibo badan adduunka kuma laha, mana jiraan dawlado aan isku dan iyo isku fikir nahay oo aan isla wada ilaashano danaheena siyaasadeed iyo kuweena dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed sida hada walaalaheean Turkiya oo kale.

ILAALINTA XUDUUDAHA DALKA IYO XUQUUQDA MUWAADINKA SOOMAALIYEED.

Dawladu waxay masuul ka tahay ilaalinta astaanta qaranka, waxaana lagu qeexaa inay masuul ka tahay dhammaan inta ku hoos nool dalka ay dawlada u tahay iyo inta ku abtirsata ee dalka dibadiisa ku nool. Waxay masuul ka tahay ilaalinta xuduudaha waana inay ka ilaalisaa in lagu soo xadgudbo ciida, hawada sare ee dalka, iyo biyaha badda ee dalka iyo dhammaan keyraadka dalka uu leeyahay, haddii lagu soo xadgudbana waa inay af iyo adinba ku difaacdo, waana inay masuuliyadeeda ka soo baxdaa ayadoon cidna ugaga haybaysaneyn kuna xushmeynayn ku xadgudubka xuduudaheena waayo qawaaniinta caalamiga ayaa sidaas oranaysa ama dhigaysa Soomaaliyana waa ya saxiixday qawaaniintaas aduunka u taala.

Waxaa kaloo dawlada laga doonayaa inay u doodo xuquuda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka jooga ee ay dagaaladu ku socdaan, ciidamad dagaalamayana waa inay ilaaliyaan inaysan dhibaatayn qofka maskiinka ah ee shacabka ah, haddii yihiin kuwa Soomalaiyeed iyo kuwa ajnabiga ah ee dalka jooga, looguna dulqaadan hadday xadgudubyo dagaal geystaan intaba lalana xisaabtamo, ayadoo dawladdu gudanayso wajaabidaadka shaqadeeda iyo masuuliyadeeda. Sidoo kale Mudane madaxweyne waxaa jira muwaadiniin badan oo ka buuxda xabsiyada duunka oo aan wali maqlin codka dawlad Soomaaliyeed oo u hadasho kana soo saarto, xabsiyada ay ku dhibaatysan yihiin, waxayna u baahan yihiin codkaaga iyo inaad ugu baaqdidi dhammaan dawladaha ay u xiran yihiin inay soo daayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ka buuxda, kuwaas oo u badan dhalinyaro tahriibayaal ay, kuwa badana waxaa lagu dhibaateeyaa wadamada ay joogaan sida dalka South Africa ama koonfur Afrika oo lagu laayey dad Soomaaliyeed oo boqolaal gaaraya ayadoo aysan jirin dadnbiyo ay galeen.

Mudane madaxweyne waxaa laguugu aaminay xil culus, sidaa darteed noqo aamin xilkiisii ka soo baxa intii karaankaagaaga ah, waxaana ilaahay kaaga baryayaa inuu xilkaagaas kula garab galo.

========================

There are three rules for writing a novel. Unfortunately, no one knows what they are.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s