Maxaa lagu xasuusan doonaa Madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed ?

September 17, 2012 | -Waxaa dhawaan dhacday arrin aay dadka oo dhami u wada riyaaqeen dareenka shacabka Soomaaliyeedna aad u soo jiidatey, markii doorashadu ka dhacday 10 September 2012, Magaalada Muqdisho ,ayaa cid weliba waxay weydiinaysaysay maxaa ka iman kara? natiijada ka soo baxdase malagu wada qanci doonaa?!.

In kastoo Soomaalidu had iyo goor lagu yaqaan gardiid, iyo looma dhamma, iyo waxbaa lays daba mariyey, inay halhays iyo halkudhig ka dhigtaan markay doonayaan inay wax xummeeyaan, ayaa waxaa dhacday doorasho ay ku tartameen 23 Musharax, ka dibna waxaa ka soo dhex baxay hal musharax, mana jirin cid diidey natiijadii doorashada iyo habkay u dhacdey, iyadoo taas guusheeda lagu tilmaamey, iney sabab u tahay laba siyaabood oo kala duwan, waa mida koowaad,  Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo si habsami ah u gutey waajibaadkooda, maadaama iyagu ahaayeen kuwa codka laga sugayey iyo kuwa gacanta ku hayey hawsha doorashada,waxay uga soo baxeen masuuliyadooda si qurux badan ,oo ku salaysan is fahan iyo wadatashi iyo maamul wanaag, tan labaadna waa Musharixiintii oo si wanaagsan oo aan dood iyo buuq iyo xasarad lahayn ugu qancay qaabkii doorashadu u dhacday.
Maxaa laga bartay doorashadii dhacday?
Dad badan ayaa jira oo had iyo jeeraale eedaymo iyo saadaal xun bixiya, magacyo iyo naaneeyso aanu mudnayna ugu yeera dad kale, iyaga oo markaas ka duulaya dareenkooda nacab iyo mucaaradnimo, haddaba doorashadii ka dhacday Caasimada Muqdisho, waxaa laga bartay in soomaalidu dalkeedii isku dooratay, baarlamaankeedii doortay ,madax iyo shacabna ay ku qanceen waxii ka soo baxay, saw halkaasii maaha albaabkii midnimada, maadaama laga mideysan yahay fekerka ah in dalka isbedel ka dhacay lagu qanacsan yahay oo aan dood iyo muran iyo is qabqabsi ka iman.
Waxaa laga bartay, in xukunka iyo madaxnimada dalka uusan shaqsi lahayn, ee umaddu leedahay, ninkii yimaadaana ogaado in haddii lagaga guuleysto doorashada uu xilka iska dhiibo isaga oo aan dhibaabo geysan, kan soo socdaana ogaado ineysan jirin cid si gaar ah u leh madaxnimad ee ay tahay shaqo loogu adeegayo shacabka, maalin walba loo baahanyahay maskax iyo isbedel cusub,waxaynu marrag ka wada nahay,in madaxdii hore nin weliba isaga oo aan raali ka ahayn, oo Direys bir ah u xiran yahay ,oo aan ku qanacsanayn tegi jirey, isagoo ku andacoonaya , aniga cid wax iga qaaday ma jiro iyo wax la mida ama ku doodaya aduunkaa igu caddaadiyey.
Haddaba, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa isagu ka duwanaa oo si wanaagsan ugu qancay siday wax u dhaceen si gobonnimo iyo wadaniyadi ku jirtana u wareejiyey xilkii madaxnimada ee shalay loo doortay isagoo calool fayoow kuna soo dhaweeyey xafiiska Madaxweynaha cusub Xasan sheekh Maxamuud .
Haddaba Shariif  Sh Axmed waa kuma?
 
Shariif sheekh axmed wuxuu bulshada   Soomaaliyeed si toosa ugu soo dhex muuqday sanadihii 2000 wixii ka danbeeyey wuxuu dhinaca arrimaha bulshada iyo maamulo markaa jirayba ka soo qabtay kaalmo lixaad leh, sida maamulkii Gobolka Jowhar, dugsiyada sare Muqdisho, iyo maamulkii Maxaakiimta ee la dagaalamay   hoggaamiye kooxeedyadii markaas awooda ku haystay Caasimada, Shariif Sheekh axmed wuxuu ku guuleystay   inuu Caasimada Muqdisho nabadeeyo gebi ahaan sanadkii 2005-2006 waxaana   wax la yaableh noqotey in uu bilaabay Rajo aan dadka qaarkiis ku jirin suurena geliyey in hal maamul gebi ahaan Caasimada maamulo oo 20 sano kala qoqobnayd dhibaatooyinkii dalka ka dhacay awgiis.
Habdhaqanka Shariif Sheekh axmed
 
waxaa lagu bartey Hoggaamiye habdhaqanka madaxweynihii hore , af gaaban oo ka caaganaa, Aflagaado, hanjabaad, qabyaalad, wax dhimaale qofeed, kooxeed, iyo beeleedba,wuxuu ahaa  hoggaamiye cod kar ah, ahlu diin ah oo inta badan qudbadiisu saldhig u tahay diinta iyo wacyigelinta bulshada, Hoggaamiye hufan oo kaftan badan, si qalbisami ku jirtana bulshada ula hadli jirey, Hoggaamiye bulshay ah, oo aan lagu xamanayn inuu ahaa hoggaamiye dhinac u badan oo Soomaalida u sinayd hoggaamiye ilaaliya dhaqanka iyo hiddaha dalka Soomaaliyeed oo la hayo isagoo ka qeyb qaadanaya goobaha Fanka iyo Suugaanta halku dhigyada hadaladiisuna ku salaysnaayeen dhaqanka umadda Soomaaliyeed, Hoggaamiye aan isla weynayn, lahaana wadatashi iyo dulqaad badan.
 
Tanaasulka iyo Shariif  Sh. Axmed
 
Shariif axmed oo ah  waxaa sanadkii 2006  uu noday Hoggaamiyihii  Midowga Maxaakiimta  Islaamiga(MMI) xiligaasna waxaa dalka ka jirtay Dowlad aan awood badnayn oo KMG OO saldhigeedu ahaa magaalada Baydhabo, waxaa loo soo bandhigay in heshiis dhex maro isaga iyo Dowladdii KMG ahayd ee uu madaxda ka ahaa Cabdulaahi yuusuf xiligaa,waanu ogolaaday in wada hadal dhex maro wadahadalkaasoo Dowladdaha Carabta oo ay Suudaan ka mid tahay qeyb libaax ka qaadatey, inkastoo maxaakiimtu aysan isku ujeedo ahayn oo ay ahaayeen firqooyin badan oo diiniya oo ku midoobey la dagaalanka hoggaamiye kooxeedka kuna kala aragti duwanaa mabda’a siyaasaddeed iyo masiirka dalka qaabka loo maareynayo ayaa waxaa dhacday iyadoo waanwaani socoto in lagu baaqay dagaal ka dhan ah Dowladdii KMG ahayd kaasoo sababey inay dowladii oo tabar darneyd awgeed u qeylodhaan dirsato Dowladdaha diriska ah, Sida Dowladda Itoobiya ayaa faragelin toos ah iyo dagaal balaaran ku soo qaadey geyiga Soomaaliyeed.
Haddana mar labaad waxaa gaashaanka u daruurey Huwantii Maxaakiimta oo taageera buuxda ka helaya shacabka degan Gobolada Koonfureed,dagaalkii wuxuu sababay in ciidamada itoobiya guddaha u galaan Caasimada Soomaaliya Muqdisho, Awal hore dagaalku wuxuu ku koobnaa Midowgii Maxaakiimta  oo kaashanaya shacabka gudaha jooga keliya, iyo Itoobiya iyo Dowladii KMG ahayd oo isku dhinac ah, siyaasaddii ayaa faaftay waxaana dhinac uga soo wada jeestay arrintaa Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed oo waxaa ka soo qeyb galay dadkii diidana Qurba joogtam,Siyaasiyiinta, waxgaradka, Ganacsatada,   waxaana Magaalada Asmara ee dalka ereteriya  lagu aas aasay Sanadkii 2007dii Xisbigii dib u Xoreynta Soomaaliya (ARS) halkaasaa haddana mar kale Shariif Sheekh axmed loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga Dib u xoreynta Soomaaliya, Dagaalkii ma uusan joogsan looga soo horjeeday Ciidamada Itoobiya iyo dedaalkii dhexdhexaadinta ee bulshada Caalamka iyo Soomaalida dhexdeeda ee Dowladda KMG ah iyo Xisbiga Dib u xoreynta.
Markii la soo doortay Ra’iisalwasaare Nuur Xasan Xuseeen (Nuur cade) ayaa waxaa dib u ambaqaday inuu soo nooleeyo in xalka lagu raadiyo heshiis, oo dedaalka nabadda lagu raadiyo wadahadal iyo is afgarad, arrintan haddana waxay dhalisay inay kala jabaan  oo ku kala qaybsamaan Xisbigii (ARS) Dib u xoreynta Soomaaliya oo qaarkood xal u arkeen in dagaalku sii socdo qolona xal u aragtay in heshiis la galo, colaadana la soo afharo, Shariif Sheekh Axmed wuxuu mar kale noqday ninka furay albaabka nabadda wuxuuna wada hadal la furey Dowladdii KMG ahayd,oo wuxuuna qaatey go’aanka dhaliyey maanta dowladda lagu wada faraxsan yahay, Shariif Sheekh axmed iyo   raggii la fekerka ahaa ee waxay ka guureen danta xisbi gaar u ah, iyo mid shaqsi gaar u ahba, iyaga oo u tanaasuley danta Shacabka Soomaaliyeed iyo sidii nabad lagu helayo colaadana lagu soo afjarayo, tanaasulkii iyo oo heshiiska laguma khasaarin ee waxaa la gaarey inuu laga  miro dhaliyo oo halkaas ay  ka soo baxdo ilaa ay ka curatey Dowladdii Jabuuti halkaas  lagu soo doortey 31 Janaury 2009 Shariif Sheekh Axmed ee la magac baxday Dowladdi Midnimo Qaran.
Waxaa dhacday inay rag badan oo saaxiibo dhaw la ahaa ay markaas ka dhex waayeen danahooda gaar ahaaneed heshiiskii Dowladda KMG iyo Xisbiga Dib u xoreynta Garabkii Jabuuti oo qolo ku hartay Asmara oo ahayd halkii lagu soo aas aasay waxaayna Iclaamiyeen dagaal, Shariif oo markaa Madaxweyne ahaana wuxuu ku dhawaaqay inaan shacabka dagaal lagu furin xabadna lagu ridin,laakiin arrintaas waxay noqotey mid aan waxba ka bedelin, qolyihii nabad diidka ahaa, dagaalkii waqtigaas bilowdey ilaa hadda wuxuu daba yaaqo ku sii yahay Gobolada dalka qaarkood welina waa socdaa.
Shariif iyo waxqabadkiisa
Sideynu korba uga soo hadalney wuxuu noqday Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh axmed shaqsiga labada jeer nabadda iyo maamul iyo nidaam iyo kala danbeyn ka curiyey Caasimada Soomaaliya ee muqdisho, Shaqsiga maamulkiisu ka xoreeyey Caasimada Hoggaamiye kooxeedyadii ku salaysnaa beelaha, wuxuu guuleystay  inuu mar labaad   dib uga Xoreeyo Qolyihii nabadiidka ahaa ee diinta gabaadka ka dhiganey,Waxaa ka mid ahaa Waxqabadka Madaxweynihii iyo dowladdii hore in uu heshiisyo badan dalka gudihiisaba ku galay oo tubta nabadda maanta la helay bilowgeeda uu horseeday inuu tanaasul iyo samir badan soo muujiyey isagoo dowladdii dib u heshiisiinta ahayd ee loo doortay marnaba aan ka leexan dawgeeda, wuxuu dalka u soo sameeyey mudaddii uu xilka hayey saaxiibo badan oo calaamiya, wuxuu kale oo kor u qaadey sumcada dalka soomaaliya oo ay bulshadu caalamka maqli jireen marka Soomaaliya laga hadlayo dagaal iyo gaajo keliya iyo haloo gurmado, maantase ay ka duwan tahay oo dowlada Soomaaliya iyo isbedelkeeda caalamka iyo warbaahinta caalamkuba marqaati ka yihiin, Shariif Sheekh Axmed wuxuu muujiyey intuu talada dalka hayey astaan dowladnimo iyo magacii qaranka Soomaaliyeed oo uu dib u soo laabtay , sidoo kale wuxuu noqday hoggaamiyaha sababay inuu  dalka yeesho,Ciidan qaran, oo  isugu jira Ciidamada qalabka sida , Ciidamada nabadgelyada iyo Ciidamada sirdoonka ,  wuxuu kale oo intuu madaxda ahaa hirgeliyey dalku inuu yeesho, Dastuur, Garsoor iyo Baarlamaan, oo maanta keenay in ay dhacdo in Dowladdii jirtay  ee hogaanka dalka heysay intaas aan soo sheegnayba ay ku wareejiso Dowladda Cusub ee maanta la doortay, halka shalay magaca dowladda kaliya lala kala wareegi jirey,,maanta wasaarado iyo wakaalado iyo waaxaha dowladda oo dhamaantood shaqaynayaa lagu wareejiyey Dowladda Cusub.
Haddaba miyuusan mudneyn shariif in loogu yeero aabbihii nabadda geyiga Soomaaliyeed, hoggaamiyihii horseeeday dowladnimada iyo barrihii dimoqraadiyada Soomaaliya, waxaan leeyahay Dowlad kasta shaqsi kasta iyo xukuumad kastaa waa inay raacdaa tubtaa maanta la jeexay dowladda maanta la doortayna waa inay halkaa ka sii ambaqaadaa ilaa laga gaarayo Dowlad shacabkeedu soo doortaan oo dalka oo dhan ka talisa iyo ciidan aan u baahnayn taageero iyo dowlad aan dhaqaale cid kale siinin oo isku filan dhinac walba .

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s