Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka


Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

Guddiga ayaa sheegay in Prof. Jawaari uu helay wareeggii koowaad 119 cod halkii laga doonayay 139 cod, balse tanaasulka uu sameeyay Prof. Galleyr ay sababtay inuu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa shanta murashax ee xilka u tagaan waxay kala heleen Prof. Jawaari oo helay 119 cod, Prof. Cali Khaliif Galleyr oo 77-cod helay, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 23-cod, C/rashiid Maxamed Xiddig oo helay 10-cod iyo Xasan Abshir Faarax oo helay shan cod.

Saddexda murashax ee ugu codadka yaraa ayaa waxay ku dhawaaqeen inaysan ka qaybgalay doorashada wareegeedda labaad, iyadoo markaas ay isku soo hareen oo keliya Jawaari iyo Galleyr, inkastoo Galleyr uu mar dambe ku dhawaaqay inuusan ka qaygalay doorashada, taasina ay keentay in Prof. Jawaari uu noqdo guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Guddigu waxay sheegeen in 236 xildhibaan ay codadkooda dhiibteen, laba cod ay xumaadeen intii kalena la tiriyay, iyadoo dugsiga tababarka booliiska oo doorashadu ay ka dhacaysay aad loo adkeeyay ammaankeeda, waxaana halkaas ku sugnaa ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maanta ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 21-sano ah oo ay Soomaaliya yeelato baarlamaan joogto ah, kaasoo ah hay’adda sharc-dajinta dalka, iyadoo ay billaabanayso doorashada guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka.

Xarunta ay doorashadu ka socoto ayaa waxaa lagu dhaariyay 23 xildhibaan oo 13 ka mid ah ay ahaayeen kuwii horay ay guddiga farsmadu dib u celiyaan, balse ay maanta ogolaaday maxkamadda sare inay ka mid noqdaan baarlamaanka.

Waa qof noocee ah Prof. Jawaari (Taarikhdiisa):

Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Aden(Jawaari) waxa ku dhashay magaaladdaa Afgoye ee gobolka Shabeelaha Hoose bishii December 1945.

Markii uu soo dhameestay waxbarashadiisa dugsiga sare Macalin luuqda English-ka ka noqday iskuul ku yaala magaalada Muqdisho.

Wuxuu Prof Jawaari sannadkii 1962 Shahaadada Diploma ah oo Islamic Law ka qaatay Machad Daraasaad Islaami ee magaalada Muqdisho sanadkii 1964.

Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/aggiornamento magistrale) Muqdisho sanadkii 1967. Kulliyada Qaanuunka ayuu ka qaatay shahaado (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed) sanadkii 1982.

Prof Maxamed Cismaan Jawari waxa uu wasiir hore uga soo noqday dowladii hore ee Maxamed Siyad Barre Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.sidoo kale waxa uu wasiir ku xigeen ka soo noqday Wasaarada gaadiidka dhulka iyo cirka.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

1973-1979 waxa uu Agaasime guud iyo ku xigeen Agaasime guud ka soo noqday Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii hore1984-1990.

LUUQADAHA:

• Waxuu ku hadlaa, qoraa akhriyaana afafka: Somaliga, Arabic, English, Italy iyo Norwegian.

SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN:

• Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project – UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;

• Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.

KHIBRADAHA QAAANUUNIGA UU LEE YAHAY

• Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.

• Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ( Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) -Mogadishu, Somalia.

1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalaha Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.

Sannadkii 1991 – 2008 Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin:

• Macallin dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag

• Xubin ka mid ah Guddi dhexdhexaadinta khilaafaadka – (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;

• Kaaliye Qareen – Leif Strøms Jus-Informasjonen law firm;

• Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Sosciety of Trondheim, Norway;

• Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag

• Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme og diskriminering , Trondheim, Norway

• Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway.

Buugaag uu qoray Prof. Jawaari

• Barashada Fagaagga Sare Adduunka:

Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN. 9788292645-33-8

• Taariikhda Norway 1814-1920 (History of Norway 1814-1920).

Published by Asheim Ungdomskole. 2007. ISBN: 9788292645-27-7

• Dalka Norway. Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN: 82-9264500-4.

=================

Sometimes when I think how good my book can be, I can hardly breathe.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s