Sam ongeri”Qaraxyadii Hotel Jasiira waxaa ka dambeeyay Shariif Sh.Axmed

Muqdisho–MMG–Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya Sam Ongeri oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta.

Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya sam ongeri oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira Magaalada Muqdisho kaas oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo M/weynaha Jamhuuriyada Soomaali Prof Xasan Sheikh Maxamuud .

Waxaa uu sheegay wasiirku in uu Aaminsanyahay in Qaraxyadaas aysan ka dambeyn Al-Shabaab ee uu ka  dhashay loolan Dhanka awooda ah oo Musharixiinta qaar ka dhexeeyay isagoo si gaar ah ugu leexiyay Dhanka M/weynihii hore ee TFG Mudane Shariif Sheikh Axmed .

“intii uu  socday ololaha Musharixiinta oo aan la gaarin Xiligii Doorashada ayaa waxaa ila soo xiriiray Shariif Sheikh Axmed M/weynihii hore waxaa uu ila hadlayay Mudo 1.30 halsaac iyo bar ah waxaa uu igala hadlayay sidii ay dowlada Kenya ugu Taageeri lahayd in uu mar kale Xilka ku soo laabto lkn aniga waxaan u sheegay in aysan Kenya Taageero siineyn Musharax gaar ah ka dibna ma wanaagsaneyn Xiriirka M/weyne Shariif iyo Madaxda kenya waxaanse la yaabay Maalintii Qaraxu dhacay Markii aan arkay Shariif Axmed oo taagan Hotelka uu qaraxu ka dhacay isagoo aan naxsaneyn oo aanba uhaysan in Wax dhaceen sidaas darted waxaan dhihi karaan Shariif ayaa ku lug lahaa Qaraxyada”ayuu yiri wasiirka arimaha Dibada Kenya sam ongeri

sam ongeri ayaa waxaa uu Maalinka uu qaraxu dhacayay ku sugnaa Hotelka al jasiira ee ay qaraxyada ismiidaaminta ahi ka dhaceen isagoo kulan kula jiray M/weynaha Jamhuuriyada Soomaalia .

Community Comments

Ninkaan waa beenloow waxaana uu Madaxweyne Shariif ku haystaa oo uu beenta uga sheegayaa Nacaybkii uu u qaaday kadib markii uu diiday madaxweyne shariif soo galitaanka Kenya ee wadanka Somalia sidaas ayuu u eedaynayaa.midda kale madaxweyne shariif markii uu qaraxu dhacay kadib isla markiiba shariif ayaa Villa Somalia u qaaday hadii uu dhib wadana kama wadeen Hotelka sidaas ayey aniga ila tahay
Posted by Mukaram Kafi on 9/17/2012 7:27:48 AM
Dadweymu warkeyga isha si wcn ula raaca waxa jirta waxaad isku heysatan wax ka weyn ma ugtehin in ninka lagu magacabo faarax qare oo ah taliyaha bada somaliyed ow utagay sharif axmed waqtige ow jagada haayey misna ay taagneyd xasaradii bada somaliya waxna laga weydiyey generalka soohdinta bada ka dibna madaxweyna shariif amray kala fadhega baarlamanka kenya somaliya waxay ka damacsaneydna ay ku hungowday
Posted by Khluuda on 9/17/2012 9:03:21 AM
Dadweymu warkeyga isha si wcn ula raaca waxa jirta waxaad isku heysatan wax ka weyn ma ugtehin in ninka lagu magacabo faarax qare oo ah taliyaha bada somaliyed ow utagay sharif axmed waqtige ow jagada haayey misna ay taagneyd xasaradii bada somaliya waxna laga weydiyey generalka soohdinta bada ka dibna madaxweyna shariif amray kala fadhega baarlamanka kenya somaliya waxay ka damacsaneydna ay ku hungowday
Posted by Khaali3 on 9/17/2012 9:07:16 AM
589870
Posted by Geedi46 on 9/17/2012 9:12:39 AM
Aniga waxa an misanahay qaraxe ismedaminta aha ow ka dhacay haserada ow lowla dan laha madaxwenaha cusub ow somalia in u ku lug laha madaxwenihi hore hadana xilka laga tiriyaya sharef sheq axmad aya ka dameyay amba wa ku lug laha
Posted by Dadir.jaceylow on 9/17/2012 8:34:42 AM
Waxaan soo dhoweeynayaa Iilana muuqata Fekerka ah in uu Madaxweynihii hore ee TFG du kadan beeyey Qaraxii Jazeera Hotel, Tusaale waxaan I weydiineeynaa Muxuu kayiri madashii dhaarinta Madaxweynaha Federaalka!!wuxuu yiri Uma mahadcelin Xildhibaanada sabab too ah weey ogyihiin waxa igu kalifay.Tankale maxaa looqarxin waayey Sharif Axmed intii uu xilksa hayey???

===================

The only reason for being a professional writer is that you can’t help it.Prof.Ibrahim

 

1 Comment

  1. Kenya Oo Ku Eedeesay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed In Uu Ka Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay Hotel Jazeera

    Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Ongeri ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in uu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore la isku dayya in lagu shir qoolo ninka ka guuleestay Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley loo caleema saaray madaxweynaha Soomaaliya.
    Waxa uu warkan sheegay mar uu la hadlay wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, waxa uu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu markii qaraxyada ay dhaceen uu yirmi Hotelka Jazeera, isla markaana uusan u akeyn nin ka xun waxa dhacay sida uu hadalka u dhigay.
    Prof Ongeri ayaa intaas ku daray in Shariif Sheekh Axmed uu taageero weydiistay intii ay doorashada socotay dowladda Kenya, laakin lagu wargaliyay in ay dhex-dhexaad ka yihiin doorashada madaxweynaha Soomaaliya isla markaana aysan cidna aysan taageeri doonin.

    Xildhibaan Maxamed Affey oo arrintaas ku tilmaamay mid taxadar la’aan loo dhahay
    Markii warkaas soo baxay, ayaa wargeyska The Nation waxa uu taleefonka kula xiriiray Xildhibaan Maxamed Affey oo ku sugan magaalada Brussels, ee dalka Belgium,kana mid ahaa wafdigii la socday wasiirka arrimaha dibedda Kenya Prof Ongeri Aljazeera Palace Hotel halkaasoo uu ka dhacay qaraxa.
    Wuxuu sheegay in eedeentaas ku wajahan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay jahwareer ku keeneyso dowladda cusub iyo xasilinta dalka Soomaaliya.
    Wuxuu sheegay in ay arrintaas tahay masuuliyad daro iyo taxadar la’aan madaxweyne Shariif kaliye waxa uu joogay Hotelka wax yer kaddib markii uu qaraxa dhacay, marka Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas waan ognahay in uu yahay mid fal dambiile ah.
    “Ka hor inta aysan dhicin doorashada, Mr Sharrif ayaa isoo wacay anniga waxa aan isla hadleynay hal saac iyo bar, waxa uu iga codsaday in Kenya ay taageerto siddii uu markale madaxweynaha Soomaaliya u noqon lahaa, laakin waxa aan u sheegay in Kenya aysan dooneynin in ay taageerto mid ka mid ah musharrixiinta, laakin ay dooneyso in doorashada ay ku dhacdo si cadaalad ah isla markaana xaq ah, si loo soo celiyo nabaddii dadka Soomaalida ay la aayeen 22-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Prof Ongeri .
    Wasiirka ayaa aad uga yaabay markii uu arkay madaxweynihi hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed isagoo Hotelka Aljazeera wax yer kaddib markii uu qaraxa dhacay, isla markaana uu umuuqday qof aan ka walwalsaneyn waxa dhacay.
    Si kastaba, hadallka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Ongeri ayaa waxa uu yahay hadal culus oo dhaawaci kara xiriirka Kenya iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
    Kenya shaley kama mid ahayn dalalka ka socday qaarada ee ka qeybgalay caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s