Dowladda Kenya oo sheegtay in qaraxii hotel Jasira uu Shariif Shiikh Axmed ka danbeeyay

 

September 17th, 2012 -Dowlada Kenya ayaa war ka soo baxay maanta waxaa lagu shaaciyay in qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay hoteel Jaziira oo madaxweynaha cusubi ku jirey inuu ka danbeeyo madaxweynihii hore Shariif Sh.Axmed.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya  Sam Ongeri ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in iskudaygii lagu doonayay in lagu qaarajiyo madaxwaynaha soomaaliya Hasan sheekh Maxamuud uu ahaa mid ka dhashay loolan dhanka awooda ah .

Wasiirka arrimaha Kenya ayaa “qaraxaasi waxaa uu ku yimid loolan dhanka awooda ah waxaana idiin sheegeynaa in Shariif i soo wacay xiligii ololaha doorashooyinka islamarkaana aan wada hadlayney hal saac iyo bar uuna Sheekh Shariif xiligaasi Kenya ka codsanayay in ay taageerto  si dib loo doorto .  Wasiirka arimha dibada ee Kenya ayaa xusay in uu xiligaasi Sheekh Shariif uu u sheegay in Kenya aysan si gaar ah u taageerayn musharax islamarkaana ay Kenya doonayso in doorashadu u dhacdo si xaq iyo xor ah si nabada soomaliya dib loogu soo celiyo.”

Wasiirka kenya waxaa uu intaasi ku daray inkastoo qaraxaasi ay Alshabaab sheegteen haddana in wax yar kadib uu goobta soo gaaray Shariif Shekh Axmed oo sida uu sheegay wax naxdin iyo welwel leh aysan ka muuqan isagoo taana u fasirey mid cadeyn u ah inuu isagu soo abaabuley qaraxaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inuu hambalyo madaxweyne Xasan Sh. Maxamud uu uga siday madaxweynaha Kenya Mr.Kibaki.

Lama yaqaano cawaaqib xumada ay u keenayso madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed arrintaan iyada ah, lagana yaabo inay dowladda Kenya ay dhici karto inay dacwad ku furto Shariif Sh. Axmed maadama la hayo caddeymo badan oo ku lug leh inuu soo abaabulay qaraxyo badan oo ay xitaa ku jiraan tii la rabay in lagu qaarajiyo raysalwasaare Gaas ee tiyaatarka.

Dowladda Kenya ayaan ka soo qayb galin caleemasaarkii madaxweynaha JFS mudane Xasan Sh. Maxamuud ee lagu qabtay xaruunta Gen. Kaahiye taasoo loo fasiran karo in Dowladda Kenya u aragtay inaan la isku haleyn karin nabadgelyada iyo amaanka magaalada Muqdisho.

Kenya waxay ka mid tahay waddamada ciidamada AMISOM ee Somalia jooga waxayna ciidamadeeda ka howlgalaan degaanada Jubbooyinka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya ayaa ku booriyay shacabka Soomaliyeed inay tageeraan lana shaqeeyaan dowladda Xasan Sh. Maxamuud.

Ilaa hadda lama hayo hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed uu uga jawaabayo eedayntaas ay dowladda Kenya u soo jeedisay.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s