Somalia oo dib u dhalatay {Faroole iyo Siilaanyo oo taariikhda galay}

16 Sept 2012 moment media group – Somalia dib ayey u dhalatay 22 sano kadib waxaana muuqata in shacabkii Soomaaliyeed dal iyo dibad maanta iftiin u baxay oo Calankeena quruxda badan ku lebisan yihiin rag  iyo dumar hasse yeeshee  waxaa Ayaan daran  bulshada ka soo jeeda gobolada hoos taga Maamulada Puntland iyo Somaliland ee Siilaanyo iyo Faroole ku aaminay Aayo ka talintooda.

Waa hubaal inay jiraan dad u dhashay Somaliland iyo Puntland oo af iyo Uur-ba hiifay Siilaanyo iyo Faroole laakiin  si kooban hadaan nuxurka faalada ugu gudbo maxaan ka gubtay ,oo hadaad Somali dhaba tahay Garwaaqsan doontaa?

Dad badan ayey la yaab ku noqotay in Xafladii Caleemasaarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda dimoqoraadiga Somalia Xasan Garguurte ka qeybgaleen Raksulwasaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Jibouti oo taariikhiyan la ogyahay tacadiyada iyo hagardaamada ay Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed kula kaceen 21 sano ee la soo dhaafay maamuladooda ,halka dhinaca kale madashaas ay ka baaqsadeen Madaxweyneyaasha Maamuladda Somaliland iyo Puntland.
 
Faroole oo la waydiiyay sababta uu Caleemasaarka Madaxweynaha Federalka Somalia uga baaqsaday wuxuu yiri ” Waxaan dalbaday in heer Madaxweyne la ii qaabilo ,oo Madaxweynaha cusub igu soo dhaweeyo Garoonka ,oo ilaalo Amisom la i siiyo,wuxuuna Madaxweyne Xasan igu yiri waxaad ka mid tahay Dowladda Federalka,waana kugu waajib inaad xaflada Caleemasaarkeyga timaado

” Siilaanyo oo sharaxayay sababta uu Caleemasaarka Madaxweynaha Somalia u tegi diidayna wuxuu yiri ” Beesha Caalamka iyo Urur goboleedka IGAD nagu Casuumin xaflada Caleemasaarka ,kol hadaan meeqaam Dowladnimo naloogu casuumin sidee ku tegi karaa? ma waxaan ku tagaa Warqada uu soo qoray ninka Xamar Ugandhees-ka ku ilaaliso ee qolka Mugdiga lagu dhex doortay

” Faroole iyo Siilaanyo markii ay Meeydka Melles Zenawi ku dul barooranayeen Addis Ababa ma meeqaam Madaxweyne ayaa loo qaabilay,ma dal Somalia ka baxsan ayey ahaayeen? mise Gumeyste baqtiyay Aaskiisa ayaa kala qiimo badan Caleemasaarka Madaxweyne Soomaaliyeed.

Inkastoo lagu xasuusan doono inay dib u dhalashada Qaranimada Somalia ka xun yihiin kana soo horjeedaan oo ku fikirayaan sidii loo fashilin lahaa hadana Waa hubaal in Faroole iyo Siilaanyo Somalinimada meel uga dhaceen ,taas oo ka dhigan inay Taariikhda Somalia ka galeen Baal madoow!  Hadii loo raaco dalabkooda in Beesha Caalamka ku casuunto Caleemasaarka Madaxweynahooda,walaalkooda,wiilkooda Soomaaliyeed waxaan dhihi karnaa ,Ma jirto Garaadxume ka liita nin sugaya  in gurigiisa laga sooro balse Abwaan Sangub oo Muqdisho jooga mar aan telefoon kula hadlay Caawa wuxuu igu salaamay.

Waxey kala habawdaba  Shisheeyuhu na helaba ,  KuMeelGaar ku hirataba  la soo gaar habeenki  Hoodada iyo nasiibka. Anigana waxaan Somalida wanaagsan kula dardaarmayaa:-

Xigto iyo walaal
Waxaa lagu xasuustaa
Xanuun iyo markeey dhibi
Xeradaada taalee
Soomaalaay Xasuusnoow
Ninkaan maanta na xurmeeyn
Ma aakhiroow xabaalaha
Hadhoow naga xigsanayaa
Dhamaanteen aan ku wada jiibino heestaan
Ka xili markaan Xoog yeelanee
Waxba yuu na xaaleen

==============

Writing, to me, is simply thinking through my fingers.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s