Kismaayo yaa iska leh?

Dowlada Kenya oo Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo Dhaqaale uga Raadinaysa Dhoofinta Dhuxusha Jubbada Hoose

Qoraallo La Xiriira

  • Midowga Yurub oo Shaaciyay inuu Adkaynayo Cuna Qabataynta Saaran ka Ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya
  • Jaamacadda Nugaal iyo Doorka Qurba Joogta
  • Yuusuf Indhacadde oo lasiidaayey xarigiisii Uganda kadib
  • Xukuumadda Waqooyi Suudaan oo Gebi ahaanba oo Joojisay Lacagihii Shilin Soomaaliga ay u Daabacaysey Dawladda Soomaaliya

QM oo Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) ka dhigay Waxba kama Jiraan….

Magaalada Kismaayo oo ay ka Bilaabantay Daabulidda Dhuxushii Mudada Halkaa ku Xayirneyd –

Waxaa Magaala Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ka bilowdey Raridda Afar Milyan oo Loor oo Dhuxul ah oo halkaas ku Xayirneed muddo. Waxaana Dekadda Magaalada Kismaayo soo gaaray Illaa Seddax Doonyood oo halkaas Dhuxusha ka raraya kuwaasoo sida la sheegay ku sii wajahan Dalalka Khaliijka.

Dhuxushan oo mudaba Xayiraad saarneed ayaa maalmihii u dambeeyayba waxaa ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Maamulka Gobolka Jubada hoose iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore Xayiraad ugu soo Rogay Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya in kastoo Midowga Afrika Codsi uu dhawaan u diray Qaramada Midoobay uu ka Codsaday in Xayiraadda laga qaado Dhoofitaanka Dhuxusha Soomaaliya.

Ganacsatada Dhuxushaas oo hadashay ayaa sheegay in lacago fara badan ay kaga jirto sidaa darteedna loo ogolaado in Dhuxshan iminka diyaarka ah la fasaxo si Lacagoohada ay uga caddeystaan. Maamulka Gobolka Jubada Hoose aya sida ay warar hoose sheegayaan dhuxushaas fasaxay isagoona ku amray ganacsatadaas inaan mar dambe Dhuxul la keenin Dekadda Magaalada Kismayo mar haddii la bixiyo Dhuxasha iminka halkaa ku xayiran.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore uga hadashay Dhuxushaas iyadoona sheegtay inaan la dhoofin karin iyadoo la ilaalinayo go’aankii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu arrintaa ka soo jeediyay.Jabinta la jabiyay Go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka hadlay xubinl oo ka mid ah Wakiilada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Sarkaalka u  hadlaysoomaalida ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Jubada Hoose uusan awood u lahayn inuu Fasaxo Dhuxushaas arrintaasina ay ku haboon tahay in loo soo maro nidaamka dawliga maadaama Soomaaliya ay haatan ka jirto dawlad la aqoonsan yahay. Sarkaalka u hada ayaa hoosta ka Xarriiqay in taasi ay noqonayso Kontoroban isla markaana uusan ahayn Xukun Sax ah maadaama Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay hore Cunaqabatayn ugu soo rogtay Hubka iyo Dhuxusha Soomaaliya.

Ugu dambayntii ayuu Dibolumaasigan inuusan ogeyn wax Codsi ah oo Qaramada Midoobay soo gaaray kuna saabsan Codsi Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ay soo gaarsiiyeen Qaramada Midoobay ee ku aaddan Codsiga in Xayiraadda laga qaado Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaa iminka Magaalada Kismaayo Dekadeeda ka soconaya Raridda Afar Milyan oo Loor oo Dhuxul ah oo halkaa ku xayirnaa tan iyo markii Ciidamadii Xarakada Shabaab ay halkaa ka baxeen

Warar aan helney ayaa sheegaya in Dowlada Kenya Ciidamadeed ku sugan Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ay ugu ololaynayso sidii loo dhoofin lahaa Dhuxusha Soomaaliya si ay dhaqaale ugu raadiyaan Ciidamadooda ku sugan Gobolka Jubada hoose maadaama ay gacanta ku hayaan Dekeda Ksimaayo waxayna Codsi Dhoofinta Dhuxusha u gudbiyeen Wadamada IGAD iyo Midoga Afrika taasina waxay ku tusineysaa sida Kenya u dooneysa in soomaaliya ay noqto goob laga xaalufiyo dhirta iyadoo dalka Kenya la ogyahay in ay Mamnuuc tahay in la dhoofiyo Dhaxusha ama la jaro Dhirta waxayna dadka u ololeeya arrimaha Deegaanay ay Dowlada Federaalka ka codsdeen in laga hortago Xaalufka lagu hayo Dhirta Soomaaliya ..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

QORAALLO HORE EE DHUXUSHA SOOMAALIYA

2005: Qamada Midoobey oo Warbixin Kasoo saartay Maamulka Col. Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga Dhuxusha… Qaramada Midoobey waxay Shaaca ka qaaday in Dekedda Kismaayo muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah, dakhliga lacagta ah ee ka soo baxdayna waxay ahayd $5,856,740 doolar – waa $5.8 million – iyo Col. Barre Hiiraale oo qaatay lacagtaas Faa’iidadeeda ugu badan….

2005: Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkiiba ka helo $600,000, Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday Dadkii Lahaan jirey…

2012 – ALJAZEERA: Kenya too has backed the idea, warning of civil unrest and threats to its troops patrolling the port if the charcoal doesn’t move soon. The charcoal trade is a particularly difficult problem. When al-Shabaab controlled the town, the rebel force made millions of dollars by stripping the surrounding forests and exporting charcoal to the Middle East. READ AT: Somali president’s toughest test

Oktoobar 09 2012 – dalka soomaaliyeed uga bur burtey dowladdii dhexe waxaa aad usoo batey ereyga la yiraahdo ”magaalo hebla qabiil hebel baa leh”!

Arrintaas ayaan maanta halkaan uga faaleynayaa anigoo isku deyaya inaan dadka ku soo kordhiyo aqoon ku saabsan arrintaas anigoo ku hal qabsadey magaalada Kismaayo oo uu hadda ka taaganyahey buuqa ugu badan.

Waxaad arkeysaa soomaalidii oo goobaha lagu sheekeysto haddey ahaan lahaayeen maqaayado iyo golayaal caadi ah ama online ah arrintaas iskugu wareerey oo markey ka doodayaanna dooddoodu ay faraha ka baxeyso oo qabyaalad iyo balaayo iyo fitnooyin ay u gudbeyso.

Haddii la murmee aan doodda loo sameyn wax lagu xakameeyo dooddu waxey noqoneysaa dood la dhex dhigey dad dhego la, iyo dad indho la,. Sidee isku fahmayaan?

Arrinta sheegashada qabiilku waa arrin baahideedu timid markii dowladdu meesha ka baxdey. Oo qabaa,ilkii buuxiyeen booskii dowladnimada. Waxaa kaloo sii wehliya in loo isticmaalayo magaalooyinka sheegashadooda in awoodda iyo talada qeybsigeeda lagu gaaro. Awoodda guud oo ummadda dhan ka dhaxeysa iyo midda degaanka markaas dooddu ka taagantaheyba.

Kismaayo waxey la mid tahey Baydhabo, B/Weyne, Muqdisho iyo Jowhar iyo Cadaado iyo Gaalkacyo. Xagga sharciga Islaamka iyo xagga xeerarka dowladnimadaba.

Ma jirto entity ama kayaan ama hay,ad leh “shakhsiyad qaanuuni ah” ama “legal personality” oo la yiraahdo qabiil hebel.

Legal personality maxaa laga wadaa?

“Legal personality (also artificial personality, juridical personality, and juristic personality) is the characteristic of a non-living entity regarded by law to have the status of personhood”. source Wikipedia

Waxaa la yiraahdaa shakhsiyad qaanuuni ah wax aan nooleyn laakiin sharcigu siiyey sifada qofka oo kale.

Qofka caadigaa waan wada naqaannaa oo waxbuu yeelan karaa, heshiisyana wuu geli karaa(contracts ama caqdi).

Sidoo kale shakhsiga qaanuunigaana waxaa la siiyey sifooyinkaas, oo waxna wuu yeelan karaa contractsna wuu geli karaa.

Tusaaleyaal ku saabsan shakhsiga qaanuunigaa

Waxaa ka mid ah dowladda iyo ha,adaheeda, shirkadaha jamciyadaha iyo ururrada iyo axsaabta siyaasadeed oo leh aqoonsi sharci ah ama mid si waaqici ah u jira(de facto recognition).

Marka ururku wuxuu yeelan karaa xafiisyo, maaliyad iwm. Waana inuu yahey mid la aqoonsanyahey ama inuu yahey mid si dhab ah oo muuqata u jira oo jiritaan muuqda leh.

Haddaba aqristow qabiil magaalo ama degaan dhan sheeganaya sidee loogu sameyn karaa qaab sharci ah oo loo fahmo?

Aad ayey u adagtahey in qabiilbaa magaalo leh, ama degaan leh loogu sameeyo qaab sharci ah oo la jaan qaadi kara xadaaradda aadanaha oo kumanaan sano kahor bulshada u sameysey wax la yiraahdo dowladnimo oo iyadu ah shakhsi qaanuuni ah oo bulshada dhan wada matasha.

Arrintaas in qabiil yeesho degaan oo si guud oo “mushaac ah” uu u lahaado waa arrin xadaaradda dowladnimada ka hor imaaneysa oo ay lahaan jireen shucuubta bidaa,igaa(premative societies).

Wax practically functional ah oo laga shaqeysiin karana ma ahan.

Tusaale ahaan qofku wuxuu leeyahey hantidiisa gaarkaa oo uu ku heley waddooyinka wax lagu hantiyo.

Dowladduna maaddaama ay dadkoo dhan wada matasho waxey leedahey hantida guud oo dadkoo dhan ka dhaxeysa. Haddey tahey hanti ma guurtaa ama mid kale.

Waxaad maqleysaa safaaradda Somaliya oo Kenya ku taal oo loo soo celiyey dowladda soomaaliyeed. Maraakiibtii soomaaliyeed oo Yemen taalley. Diyaaraddii Somali airlines oo Germeny taalley. Dhul dan guud ah oo bannaan. Mid dhisan oo dadkii degganaa laga saarayo.

Laakiin xaggee qabiil leeyahey?

Maba lahan shakhsiyad qaanuuni ah oo wax yeelan karta. Practically na qaab lahaanshihiisa looga gar baxo lama yaqaanno.

Haddaba sheegashada noocaas ah waa waxba kama jiraan iyo hadal maalaa yacni ah oo aan meelna kasoo gelin sharciga islaamka iyo kan dowligaa midna.

Maamulka dadka degaanka iyo caddaaladda bulshada

Cinwaankaas aan kor kusoo xusey ayey soo hoos geleysaa dadka wax tabashadooda ku aaddan sheegashada degaannadu. Laakiin waa in marka hore fahamka qaldan oo ah in qabiil wax yeelan karo meesha laga saaro.

Is hoos gelin ula kac ah iyo ujeeddooyin qalloocan

Waa inaan la is hoos gelin arrimo badan oon shuqul isku laheyn iyadoo loo soo marayo erayadaas lahaanshaha qabiilka.

Dadka deggan degaannada miyi iyo magaalaba waxey xaq u leeyihiin iney helaan maamul ku dhisan caddaalad oo iyaguna ay ku qanacsanyihiin. Dowladdana waxaa waajib ka saaranyahey sidey ku ilaalin karto arrintaas iney ku dadaasho.

Laakiin iyadoo baqdinta dadku qabaan oo ah in la dulmiyo oo qaab qabiil loogu xad gudbo laga faa,iideysanayo haddii loo maro ka warran arrimo kale oonba la iska jirin?

Sida qabqablennimo iyo kooxeysi kasoo horjeeda dowladnimada dhanba?

Maamullo usii socda iney dalka kala googooyaan oo aakhirkana gooni isku taaga?

Maammullo buffer zone ah oo shisheeye ka danbeeyo oo danahooda ku ilaashado?

Sidee haddaba ugu habboon oo loo daaweeyaa baqdinta ay qabaan bulshooyinka degaannada kala geddisan iyadoo dowladnimada iyo dalka midnimadiisana aan gor gortan la gelineyn?

Ma in maleeshiyo beeleedyo inta lasoo hubeeyo ay iyagu maamul sameystaanbaa oo dowladduna ay shabbadda u saarto wixii ay maleeshiyadaas iyo kaabbahoodu ula yimaadaan?

Maamullada dalka ka jira oo dhan haddeysan jirin qaab ay dowladda dhexe uga sarreyso oo ay u hoos imaanayaan waa dowladnimo gooni ah ama magaca halla caddeeyo ama wax kale hallagu sheegee.

Haddey tabari diiddo oo dantu qasabto waa meesheeda oo dani waa seeto,laakiin marna in la oggolaado ma ahan iney qabaa,il abaabulan oo shisheeye ku daaban ay dowladda kula loollamaan lahaanshihii degaanno ka tirsan jamhuuriyadda. Maleeshiyo qaab qabiil isku soo abaabuley oo Kenya la socda hadduu la mid yahey kan Muqdisho ka dagaallamaya ama Baydhabo ama B/Weyne ma laha sifo uu dowladda dhexe ugu qabsado maamul u sameynta Kismaayo oo uu ku yiraahdo “madaxweynuhu masoo faro gelin karo maamul u sameynta Kismaayo”!

Madaxweynuhu wuxuu leeyahey sifo qaanuuni ah oo wuxuu maamulaa dalka dhan ee adiga maxey tahey sifadaada qaanuunigaa?

Arrinta ma ahan inaan ookiyaalo qabiil ku eegno. Oo xaqiiqdu nooga dhex lunto muranka ku saabsan reer hebelbaa magaalo hebla dega iyo kuwaasba deggan iyo kuwaasbaa majority ka ah.

Dhammaan qabaa,ilka dega dowladdaa dowlad u ah iyadaana mas,uuliyad ka saarantahey lagana doonayaa iney u xaq soorto. Laakiin maxey tahey adiga sifadaadu?

Ma lahaansho gaar ahaaneedbaa ku wadda oo beer ama guri ama gaari gooniya ayaad sheeganeysaa?

Mise waxaad tahey shakhsi qaanuuni ah oo dowladdu aqoonsatey oo leh awooddaas?

Mise is qore qorigiisa wata oo qabqableyn iyo kooxeysi ku socda oo awoodda inuu ku qaato qori caaraddiis rabaad tahey?

Haddaad qaadato xaggeed la aadeysaa dowladnimada aad diiddantahey miyaad kala hoos baxeysaa oo dowlad kale ayaad la hoos geleysaa mise dowlad gaar ah ayaad yeelaneysaa oo waad goosaneysaa?

Dadku wixii hore oo dowlad la,aanta lagu bartey ayey iska dabo socdaane wax sharci ah oo shaqeyn kara danba kama lahan!

Gunaanad

Labo ayaa nah or taallee ha noo kala caddaato kaan qaadaneyno:

Inaan dowladnimo u gudubno oo dalkeena si sharaf leh aayihiisa qaab dowladeed ugu tashanno.

Iyo inaan cad cad qaab qabiil ugu kala jar jarnee maalinna Kenya la hoos galno maalinna Itoobiya.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s