Xukuumadda Kenya oo Madaxweyne Xasan Shiikh u soo Bandhigtay in Maamul u Sameynta Kismaayo

Wednesday, October 10, 2012 – Xukuumadda Kenya oo Madaxweyne Xasan Shiikh u soo Bandhigtay in Maamul u Sameynta Kismaayo laga Qayb geliyo IGAD Iyo Ardeyda Magaalada Kismaayo oo Xiligan ka Cabanaya Dhibaatooyin ay kala Kulmaan Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya….

Madaxweynaha Dawladda Kiinya Moi Kipaki oo ka qayb galay Munaasibad lagu maamuusayay Konton Guuradii ka soo wareegtay Xornimadii Dalka Ugandha ayaa waxa uu magaalada Kambala uu shir gooni ah kula qaatay Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.Kulankaas oo qodobadii looga hadlay aan shaaca laga qaadin ayaa markii uu Madaxweyne kibaki ku laabtay Magaalada Nairobi waxa uu qabtay Shir Jaraa’id oo uu ku faah faahiyay waxyaabihii uu kala hadlay Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud.

Kibaki ayaa sheegey in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay qodobada ay ka mid ahaayeen sidii Maamul u sameynta Kismaayo looga qayb galin lahaa IGAD. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay sidii dawladda federaalka Soomaaliya ay Hub ka dhigis ugu samayn lahayd xarakada.

Kibaki ayaa sidoo kale sheegey in Qaramada Midoobay uu codsi u diray kaasoo ahaa sidii mudada loogu kordhin lahaa Ciidamada Kenya oo joogitaankoodii Soomaaliya uu iminka sii dhamanayo. Madaxweynaha Kenya ayaan sheegin in Qodobadii uu la soo qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in ay isku afgarteen iyo in kale iyadoo dhinaca Xasan Shiikh Maxamuudna aan wax war ah weli laga hayn.

Xukuumadda Kenya ayaa waxa ay suxul duub ugu jirtaa sidii ay gacan weyn ugu lahaan lahayd Maamul u sameynta Gobolka Jubada Hoose in kastoo marar badan arrintaas ay beenisey.Si kastaba hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Kiinya ayaa waxaa uu caddeynayaa in Kiinya ay si weyn u daneyneyso in ay gacan ku lahaato maamul u sameynta Gobolka Jubada hoose iyadoo huwaneysa magaca IGAD.

Ardeyda Magaalada Kismaayo oo Xiligan ka Cabanaya Dhibaatooyin ay kala Kulmaan Ciidamada Dawladda.

Iyadoo dhawaan Ciidamada Dawladda oo ay is Gaashaan buursanayaan Ciidamada Kenya iyo Raas kaanbooni ay la wareegeen Magaalada Kismaayo ayaa waxaa durbaba soo baxaya Cabasho ka imaanaysa Dhalinyarada wax ka barata dugsiyada sare ee Magaalada kismaayo. Dhallinyaradan oo qaarkood sababo amni dartooda Magacooda uga gaabsaday in Saxaafadda loo adeegsado ayaa sheegey in dhibaatooyin ay u gaysteen Ciidamada.

Sabab la’aan ayaa dhllinyarada la iska xiraa la jir dilaa ayay ku doodeen ardaydaas oo sheegay in xiligan ay cabsi ka qabaan in ay tagaan Dugsiyadii ay wax ka baranayeen. Dhallinyaradan ardada ah ayaa sheegey in wado kasta marka ay marayaan ay la kulmaan Ciidamo halkaa jooga kuwaasoo uu sheegey inay si xun ula dhaqmaan iyagoo ku eedeynaya inay xiriir la leeyihiin Xarakada Shabaab.

Mid ka mid ah Maamulayaasha Dugsiyada Kismaayo oo isaguna hadlay ayaa sheegey in muddo laba Todobaad ah ay xirnaayeen Dugsiyada qaarkood iyadoo uu sheegey in Ardeydii dhiganaysey Dugsiyada in ay iska baaqsadeen oo guryahooda iska joogeen iyagoo ka cabsanaya in dhibaato ay u gaystaan Ciidamada dawladda Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom oo hore u hadlay ayaa sheegay inaysan dhici doonin in dhibaato loo gaysto Dadka rayidka ah iyagoona shacabka halkaa ku dhaqan ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada.

=====================

The best way to become acquainted with a subject is to write a book about it.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s