Magaca “Soomaaliya” waxa uu u socdaa in uu galo Qaamuuska Dunida

Soomaaliya waa waddan fashilmay. Waxaad maqlaysaa magaceeda markii fashil iyo shiddo dunida ka aloosan laga hadlayo. Magaca “Soomaaliya” waxa uu u socdaa in uu galo qaamuuska dunida, oo meeshii fawdo iyo kala danbayn la’aani ka dhacdo la yiraahdo way Soomaaliyawday. 

“Ratiga dambe Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay!” murti baa tiraa, Xulashadii Maxamed Cusman “Jawaari” loo igmaday Guddoomiyaha Baarlamaankaka dib, ayaa waxaa is qabsaday hambalyada iyo tahniyadaha ku aaddan wax lagu sheegay ISBADAL dhacay, waxayba ka sii dartay markii mudane Xasan Sheekhna loogu shubay inuu noqdo Madaxweyne, lana yiri maanta ayaan haynnaa dad u qalma hoggaanka dalka, oo aqoon iyo khibradba le.

Maalintii la doortay Mudane Maxmed Cusman Jawaari, “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!” oo aan ku iri war yaan la degdegin, anoo tusaale u soo qaatay ninkii waalnaa ee markii loo mashxaraday yiri: “Maxaa la iiga mashaxaradayaa, haddaan mar kale dhumayaaye!” sidoo kale, maalintii Mudane Xasan Sheekh Madaxweyne ku soo baxay  “Maxaa dhacay?!” oo u badnaa weydiimo ku aaddan meesha uu naga soo galay, cidda maalgalisay, anoo tusaale u soo qaatay Maaniyihii yiri: “Hasho Maankayga qaaddaye, ma Masaar bay liqday?!”.

 

Haddaad dib u sii qooraansato sooyaalka, waxaa kuu muuqan dhacdooyin la jaad ah, bal adba xasuuso Shirkii Jabuuti iyo Shariif, Shirkii Kenya iyo C/laahi Yuusuf, shirkii Carta iyo C/qaasim Salaad Xasan, maalinba si baa loo farxayey, Suugaan la tiryey heesana la qaaday, balse, marna lama oran, maxay soo kordhin karaan? Maxay qorshe wadaan? Maxay ….?.

Haddaad ku nasato inta Wasiir koowaad la sii magacaabayna kaba daran, Cali Khaliif Gallayr, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cali Mamaxaed Geeddi, Nuurcadde, C/rashiid Cali Sharmarke, Maxamed C/laahi Formaajo, Cabdiwali Gaas, maanta ay wareegtadu joogto Saacid, dhammaan waxaa loo wada sameeyey xaflado iyo isu soo bax, aan marna la isku weydiin maxay waxa jira ka badali karaan? Aan ka ahayn in beel loogu taageero,  qof daallan oo iska calool hadlay iyo mid xil doonaya xawaarihiis.

Waxba yaanan sooyaalka dhex jibaaxine, aan u soo laabto midda maanta taagan iyo madhooyinka qoramaya, waayuhu nooma roonaan, waxgarad naga samata bixiyana ma helin, waab adagna horey uma lahayn, isu gayn waa aafo umad ku dhacday iyo aayo mudgi ku jiro, hubaal inay si fiican maanta uga sii muuqal badan tahay maalin walba oo ka horreesay.

Haddii C/qaasim Salaad Xasan ka gaabsaday inuu gacan galiyo oo shanta Farood iyo Calalacal u salaamo Siyaasi dal kale ka socday oo waliba ka qaybgalayey xafladdii loogu Caleemasaarayey Madaxweyne Jamhuuriyadd, aanna wax colaad ah Soomaali kala dhaxayn, duullaan ku soo ahayn, dagaalna kula jirin muuqda, haddii C/laahi Yuusuf Xabashi soo kaxaystay, ee ku burburiyey hanti, kuna xasuuqay dad, dalna ku baylihiyey, haddii Shariif kuwuu shalay Gaalada ku sheegayey mar kale u habarwacday, ee Kenyana ku sii daray, haddii, wixii dhici lahaa dheceen, haddii aan dhibaatu yaraan, walina ay sii qoyan tahay maxaa xigay?.

Jawaari iyo Dhaarta Dastuuriga ah

Dadku waxay dhahaan Mudane Jawawri Waa Prof iyo Qareen Sharci yaqaan ah, anigu wixii loogu deeqay ama uu darajo gaaray kuma haysto, balse, waxaan doonayaa inaan qalad foolxun oo uu ku kacay aan sheego, aqriste, adna markaa ka dib aragti ka yeelo, hadduu u qalmo in la yiraa waa Qareen ama Prof, haddii uun darajo qura looga jeedo waa gaarkeed, oo anigu kuma darin.

Sida xeerarka dunida ay qabaan, siyaasadduna ku qotonto, Madaxda ugu sarraysa ee Dawladi leedahay haddii xil loo doortay waxay leedahay hannaan loo maro, bal aan Tusaale u soo qaato hannaanka Baalmaanka ku dhisan ee Dawladdeenu tahay,Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo Wariirka Koowaadba waxaa dhaarintooda u xil saran Guddoomiyaha Mxlamadda sare eeQaranka.

Haddaba, maalintii Mudane Jawaari codka loogu Shubay ilaa maanta ma aragteen meel uu ku dhaartay, gaar ahaan meel uu ku dheershay Guddoomiyaha Maxkamadda sare? Waliba waxaa jiray in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avvocato Caydiid Ilka Xanaf ka cawday arrintaas, wuxuuna yiri: “Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba ku Xigeennadiisa ayaga ayaanba ahayn Sharci! Sababtoo ah ma dhaarin, sidaa darted, waxay ku joogaan Sharci daro!”.

balse, cidna dhag jalaq uma siin! Xasuuso dhaartu waa astaan qaran, oo qof aan marin oo xilkaa oo kale haya waa dhib, mise waa Qareen Qareen ma dhaarso, haddaa Qaswadayaasha ha loo geeyo!

Waxaa xusid mudan, in Madaxweyne Xasan uu dhaarshay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waliba uusan waxa uu rabo iska dhihin sidii C/yaahi Yuusuf ku hadaaqay 2004-tii, bal liilkan hoose ka sii eeg dhaarinta madaxweynaha:

 http://idalenews.com/?p=1780

Haddaba, haddii mudane jwaari oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanku uusan hortaginGuddoomiyaha Maxkamadda sare si uu u dhaarsho, kana booday Sharcigii u dagsanaa dunida iyo midkii Jamhuuriyadda u yaallay, marka laga soo tago inuu Prof ama Qareen yahay, xilka sida uu ku haayo maxay tahay? Midda kale, qof Dhaar Dastuuri ah looga baahan yahay, haddana aan la marin hawl qaran ma fulin karaa? Midda kale, Profnimadiisii iyo Qareennimadiisii maxay nagu tartay, hadduu garan waayey xilka ha laguu dhaarsho?! Kaba sii darane, waa hadduu kas uga tagee, maxaa laga filan karaa? Bal adba.

Af xiran iyo Astaan xadfan

Dhanka kale, maalintii Madaxweyne Xasan Sheekh loogu shubay ka dib, wuxuu fursad u helay inuu ka qaybgalo shirka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaan darrase waa ka baaqday, oo wuxuu u wakiishay Mudane Gaas, adoo maanta xilka laguu igmaday, fursadna u haysta inaad u khudbayso in badan maxadda 190 dawladeed, si aad ugu sharraxdo qorshahaaga ku aaddan:

  1. Nabadsugidda iyo ammaanka
  2. Dib u heshiisiinta iyo daminta colaadaha
  3. Dib u dhiska iyo dib u dejinta
  4. Garsoorka iyo sinnaanta
  5. La dagaallana Argagixisada (sida Dunidu rabto!)
  6. La dagaallanka Burcadbadeedda (sida Dunidu rabto!)
  7. La dagaallanka Musuqmaasuqa
  8. Sii wadidda wadahallada Koofurta iyo Waqooyiga
  9. Dhammaystirka qaab dhismeedka dawladeed IWM

Adoo heli kara inaad intaa oo qodob iyo ka badan bandhigto, sidee looga baaqdaa kulan caynkaa oo kale ah? Haddana, kaba baaqo ma xumee, mudane Dunidu ku eedaysay Musuqmaasuq, Soomaaliduna Qabyaalad ku summadday, ma u dirsan lahayd inuu ku matalo? Aqriste, ma aqbali lahayd inuu ninkaa oo kale ku metelo, marka laga soo tago inaadba fursad qaali ah luminayso? Maxaa u diiday inuu dirsado mudane Jawaari oo ay isla wada cusub yihiin, oo aan tuhun dhaqaale lunsi laga qabin?!

Intaa kuma ekaysan, Madaxweyne  Xasan, waxaa dhacay Xasuuqii Janaay Cabdalla,falkan waxaa si wada jir ah u cambaareeyey IGad iyo Amisom, halka Kenya oo ciidamadedu xasuuqa gaysteen ay tiri baritaan baan ku samaynaynnaa,  Madaxweyne Xasanna xitaa Tacsi Qaramadeed uma dirin dadkaa waxyeelladu soo gaartay, iska daa inuu Cambaareeyee ama uu magacaabo Guddi baaritaan ku sameeyo falkaa waxashnimo ee dhacaye, haddana, Kismaayo ayaa Alshabaab isaga baxday, ayna gudaha u galeen Kenya, Amisom, Ciidan ka socda Dawladda iyo Malleeshiyaad ay kala hoggaanshaan Axmed MAdoobe iyo Gaandi, dhacdadaa oo wax ka badli doonta isu dheellitirka awoodda Jubbooyinka, walise maxdaweynu wax ka kama dhihin, aan ka ahayn kulanka uu la qaatay madaxda Uganda iyo Kenya, waana meesha Maradu uga dhacday!

La yaabka ugu daran baa ahaa, inuu dhacay shir Kenya iyo Ethiopia ay qabanqaabiyeen, balse, lagu sheegay shir IGAD oo ku qabsoomay magaalada Nairobi, oo looga arrinsaday aayaha iyo maamul u samaynta Jubbooyinka, Dawladda Xasan Sheekh shirkaa marti xitaa kuma hayan, bal iska daa inay aragtiyo iyo fekerado ku lahaatee, Kismaayo waxaa marti looga yahay Kenya iyo Ethiopia, dabcan lagana suganayaa inay go’aan ka qaataan Gobollo Soomaaliyeed, haddii kuwii ku maqnaa aanba lagu haysan, haddana ma kuwii kale ayey sida ay rabaan ka yeelayaan? Allow adaa faxan.

Safarkii u horreeyey haddii Shariif iyo C/laahi Yuusuf ku tageen Addis Ababa, Madaxweyne Xasan marka laga reebo safarkii gudaha wadanka ahaa, kii dibadda wuxuu ku tagay Uganda, oo maanta ku jirta booskii Xabashidu ku jirtay markii labadaa Madaxweyne la dooranayey, bal adba qiyaas AMISOM saw ma ahan Uganda? Ma la’aantood ayey wax ahaan lahaayeen? Illeen dalalka kale ciidanka ka jooga marka laga reebo Burundi iyo Djibouti waxay ku jogaan jeebkooda iyo jaantooda, kuwa Booliska ma hilmaamin.

Meesha fadeexadda ugu weyn ka raacday madaxweyne Xasan waxay ahayd magaaladaKampala, Madaxweyne Xasan wuxuu qaabilay madaxda Uganda iyo Kenya, dabcan si uu ugala hadlo xaalka wadanku marayo iyo sida loo sii baacsan karo Argagixisada, dhibka ayaase ahaa inuu iska soo fariistay ama iska soo istaagay goobtii uu ka dhici lahaa shirku astaan la’aan, halka madaxda kale uu mid walbaa garabkiisa surnaa calankiisa, keenna meesha ma ool!

Ma ahan markii u horreeysay ee ay dhacadadan oo kale dhacday, waxaa sidoo kale, summad la’aan iska soo qoomaarsaday Geeddi, Nuurcadde, Shariif, Gaas iyo Formaajo, mudanayaahsan dhammaan way ku wada dheceen qaladka ah inay astaan laa’aan soo wada muuqdeen, arrintan dad badan baa u arkay wax iska caadi ah ama sahlan, sidaa ma ahan, maxaa yeelay haddii ay sidaa tahay waxaad keentaan masuuliyiin ka kala socota laba dal oo midna calan garabkiisa suran yahay midna uusan surnayn?.

Haddii kuwii hore aqoon la’aan lagu eedanayey, haddii kuwii hore lagu dhaliilayey fudayd iyo faafreeb la’aan, haddii kuwii hore lagu eedaynayey inaysan xil iska saarin astaamaha qaranka, maanta wali waan haynnaa kuwa sidii oo kale u dhaqmaya, oo haddaa maalin walba ma waxaan u taagnaanaynnaa sidaa bay yeeleen iyo sidaa baysan yeelin, waaba yaabe, maxaa Astaan la’aan wada dhigay?!

Sida ay u dhaqmayaan waa isku mid, sida ay u xeerinayaan waa isku mid, sida ay u fekeraan waa isku mid, sida ay u shaqeeyaan waa isku mid, sida ay u safraan waa isku mid, kaliya waxay u kala duwan yihiin dhabbaha, jidka, qaabka iyo qiyaasta, sidoo kale waxay ku kala duwan yihiin halka ay u socdaan, waxa ay doonayaan, danta ay higsanayaan iyo hammiga ku jira.

Sidoo kale waxaa iyana in loo fiirsado mudan, qaabka dadkan wax diiddani isu abaabulayaan, ula hadlayaan warbaahinta, una arkaan xalka. Kaas oo runtii aad ka dhadhansan karto inaysan diidmadoodu meel dheer jirin, waxa kaliya ee lagu mashquulsan yahayna uu yahay hebel iyo hebel kee haraya.

Waxaa jirta sheeko Soomaali ah oo oranaysa: “nin maskaxda looga jiro ayaa lumay. Dadkii raaska daganaa oo dhan ayaa u dhaqaaqay baadi goobkiisa. Waa la soo helay. Markii uu soo gaaray raaskii ayuu asxaabtii la socotay waydiiyay “gurbaanka iyo alalaaska yeeraya iyo sababta ka dambaysa. Markaasay ku yiraahdeen, waa ehaladii oo ku faraxsan in lagu soo helay, oo way damaashaadayaan. Ninkii intuu qoslay ayuu yiri hadal maahmaah noqday ” maxaa layga alalaasayaa (mushaxaradayaa) berriba waan lumiye!!

Dadka qaar ayaa u daliishada sheekadaas nacasnimada ninkaas bukaanka ahaa, dadna waxay ka heleen xikmad kale oo ah, in dhibbanuhu uu uga xog roon roonaa dadka raaska dagan, xaaladdiisa caafimaad.

Waxa uu dadka u sheegayay in mushkiladdu aanay ahayn lumis iyo helis, ee ay jirto xaalad ah xannuun maskaxeed oo u baahan daweyn.

Waxaan sheekada uga golleeyahay in xaalka Soomaaliya aanu ahayn qof la riday iyo xil ka qaadis kuwo kale, ee ay tahay xaalad/ mushkilad u baahan in la helo dawadeeda iyo xalkeeda. Markaas ayaa la dhihi karaa midkan ayaa uga habboon, kan kale ama kan ayaa garanaya sida arrintan loo xalliyo ama loo dabiibo. Aduunyada waxaa laga yaqaannaa marka hore in shaqada la qeexo, la jeexo kaarto iyo waqti lagu fuliyo, laakiin arrinta Soomaaliya waa mid aan la socon qaabka, nawaamiista Ilaah iyo tan dunida midnaba.

Soomaalida waxa aan oran lahaa laab-la-kacca faraha badani waxa uu keenaa quus aan laga soo laaban, ee aan yaraynno, una hawlgallo inaan ogaanno sawirka saxda ah ee dhibaatada dalkeenna ka jirta. Sababtoo ah mushkiladdu ma’aha qof/shakhsi ee waa qaabka fikirkeenna ummadeed. Dadka dawladda ku jiraa, innaga ayay innaga yimaaddeen, kama aysan iman Mariikh, waana hubaal in ay ku jiraan dad niyad fiicani.

Intaan iska ilownno laab-la-kaca siyaaso maalmeedka iyo hungowga joogtada ah, ma u guntannaa, dareernaa in aan is badal iyo wacyi Soomaaliyeed dhisno?

Waa hawl adag waase lagama maarmaan  wacyigaas ayaana ugu danbayn keeni doona shacab garanaya xaqiisa. Kaas oo dhalin doona in la helo siyaasiyiin ka tarjumaya himilada shacbka. Waxa qasab noqon doonta in siyaasiyiintu raacaan talada shacabka, maxaa yeelay shacabka ayaa awoodda iska leh, inta ka horraysa waxa ay ila tahay in arrinku yahay ”af sallax ku dhag.”

War Arrinta ha inaga somaliyeynnin.. faallo xaqiiq dhacday iyo tix qiiro leh.!!!

Waxaa jira erey si aad ah ii dhibay oo tv-yada carabtoo dhana aan u nacay ereyga “al-sowmalah” oo macnihiisu yahay “Soomaaliyeyn”

Waa erey waayadii dambe isticmaalkiisu ku soo batay saaxada siyaadda carabta iyo laga yaabee caalamkoo dhanba. waxaana macquul ah  in  dad badan oo somaliyeed  ay ila arkeen ujeedooyinka looo isticmaalo ereygan iyo macnayaasha loola jeedo intaba.

Marka aan maqlo  magaca  somali ,ama somalia ama  oo meel laga sheegayo, waxaa iqaada dareen wadaniyaeed, waxaana  sida qof kastoo somali ah dareemaa farxad, faan iyo reynreyn  ,waayo:

 waa halka markii aan dunida imid, dibnaha aan ku kala furay

waa halka marka uu dareen jiro, nafta aan ku deeqaa

waa halka aan ruux kaloo deggan, doc u leexo igu oran

waa halka inta aan dunida maray, xorriyad aan kuu daaqaa

waana  halkaan jawi diiran iyo nabad, dereen li’i ku seexdaa

Haseahaatee si  taas ka duwan ,ereygaan “al-sowmalah” waxaa uu  noqday mid igu abuuray dareen kale oo ah naceyb aan aan u qaado saxaafada carbata oo ah kuwa aan aad ugu xirnaa- inkastoo sida muuqata aanu ahayn mid  naceyb kuharaya.

Waxaa layaab igu noqotay markii iigu horeysay oo aan ereygan TV carbeed ka maqlo waxey ahayd xilli kooxo isqilaafsan oo falastiiniyiin ahi uu midba midka kale ku eedeynayey  masuuliyada qilaaf ba’an oo dhexdooda ka aloosnaa waqtigaas…waxa uuna mid ka mid ah dhinacyadaas-isgoo u dejinaya- kii kale ku yiri oo macnaheedu yahay “somaaliyeyn ma rabno” ama si kale marka loo dhigo “arrinta ha naga soomaliyeynin”  uuna ula jeeday in qilaafku aanu la sii dheeraan.….waqtigaas anigu ma fahmasaneyn macnaha ereyga iyo waxa uu ka turmayey midna,inkastoo qisada iyo muranka aan aad ugu hanqaltaageyey. lkn nin carab ahaa oo mehradiisa uu TV-gu ka shidnaa,aqoonna iilahaa, ayaa inta isoo eegay igu yiri “miyaad fameysaa ereygan “al-sowmalah”?? anna waxaan ugu jawaabey may !! waxaa uu igu yiri “ereygan waxaa loo leejeeda  Somalia”..!!!

Dabcan dareenkegyga xilligaas sida uu isku badelay  ma ahan mid aan halkaan ku qiyaasi karo,hal-beeg aan ku cabirona ma ba hayo!  ,,laakiin  arrinta fajacisada igu noqotay waxey aheyd sida  macnaha ereygan somaliyeyn uu u noqday wax iska caadi ah oo aan fasiraad u baahneyn, marka loo eego luqada carabiga, waxaana mararka qaarkood laga yaabaa in aad aragto taa badalkeeda dad isticmaalayaa “al-somal al jadiid”  oo loola jeedo somaliyadii cusbeyd.

Waxaase dhinica kale,aan mararka qaar is waydiiyaa, tolow ilaa heer intaas le’eg miyaa dadku somalia uga warhayaan ?, sababtoo ah macnaha dhabta ah ee lagu macneeyo  ereygaan waxa uu ka turjumayaa ,waxa hadii aan somali nahay aan ku soo jirnay 20-kii sano ee la soo dhaafay oo ah: qilaaaf, qabayaalad, qaxooti, kharaab iyo burbur, gaajo iyo macaluul,damiir xumo,takhaluf ama dib-udhac,jahli, foodo iyo dagaal !!!

Ereygan somaliyeyn ayaa si weyn u soo shaacbaxey,  sanadkii hore markey ay wadamada carabta ka bilbowdeen kacdoonno  shacbyadeed ee looga soo horjeedo hogaamiyayaasha kaligitaliskaa aha. waxaana isticmaalay dhamaan rajiimiskii xilka laga tuurey sida hogaamiyihii libiya “mocamr alqadafi” madaxweynhii masar “xusni mubark” iyo madaxweybihi yeman “cali cabdlah saalax” ,iyagoo dhamaantoodba  markaa shucuubtooda ugu goodinayey in ay doonayeen in wadamadooda u badalaan sida Somalia oo kale. waxaa sidoo kale adeegsaday ilaa hadanna  adeegsada kuwo kale oo shucuubtoodu ku kacsanyihiin,siyaasiyiin, wariyaal iyo dad caadi ah intaba.

Waxaa xusid mudan in dhowr bilood ka hor xilligii abaarta Somalia, mid ka mid ah wargeysyada wadanka masar laguna magacaabo “Akhbaarul-yowm”  in uu si aflagaado iyo jeesjees ku jiro,bogiisa hore ku soo daabacey sawirka wiil yar oo qalfoof noqday gaajo/macaluul owgeed  ka dibna sii raaciyey “”cifriid ama jinni ayaa qof somali ah ku dul degay, kadibna jinnigii waxa uu u dhintay gaajo/majaaco”” …erayadaas foosha xun dad badan oo soomaaliyeed iyo kuwo aan soamaali aheynba  aad ayey uga xumaadeen . waxaana qaar kale  uu soo xusuusiyey  gabeygii  hal ku dhigiisu ahaa “beerka ka ogsooni”oo uu tiriyey allaha u naxariistee abwaan xaaji gabeey-xaddi :

“bowdada markii aan ka jabey, boqonka taagiisa

“Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey “
“Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ujeedka qoraalkeygan ma ahan in   aan muujiyo  naceyb ay carabtu ama siyaasiyiintoodu u qabaan somalida ama soomaalidu ay u qaadaan carabta, waxaanse uga danleeyahay in aanu wax ku qaadano xaalka aan maanta ku sugunahay iyadoo dib loo eegayo taariikhda  Somalia  ay lahayd iyo  heerka ay  kaga jirtay caalamka intiisa kale waqtiyadii na soo maray. waxaanu nahay dad islaweyn,waxaaan isku heysanaa gob,  aan xaqiraad ogoleyn, gacmaha ma hoosrsano,dad iyagu iskaal meeya, caalamka meel kasta waxaanu ku faanaa in aan leenahay wadan la dhaho Soomaaliya,. xaqiiqduse waxey tahay, in maanta  magaceenu uu maryo heer shaqsiyaad ama kooxo aan dal iyo darajo midna laheyni ay u soo qaatan waxkasta oo xumaanta la xariira,waxaana la ga yaaba in durba ay maskaxdaada ku soo dhacdo mahahmaahdii ahayd “lax waliba shilalkey isdhigto ayaa lagu qalaa !!!!!. “..

Waxaan kuu soo afmeerayaa qoraalkeyga tixdan aan ku cabirayo su’aalo dad badan oo somalyeed  is waydiiyeen lkn ilaa hadda aan  wax jawaabo loo heyn !!!!!!

 

Maxaa macaga dooriyey, ?

Maxaa daahey sharaftii ?

Aaway darajadii shalay ?

Digashadu maxey tahay  ?

 

Ma dalkaa ibliis helay ?

Ma dadkiiya ka haajiray ?

Nimcada may dareershaan ?

Duulka yaa indhaha tiray ?

 

Yaa dal shisheeya ka aflaxey ?

Debad yaa ka taa jiray ?

Dan miyeyse noo tahay ?

In doqomadu na caayaan ?

 

Dowladii maxaa helay?

Aaway dowrkeedii shalay?

Damiirkii miyuu lumay ?

Arrinta may daweeyaan ?

 

Dagaalka may dhameeyaan ?

Dabka soo afmeeraan ?

Qaluubta maa la daahiro ?

Xumaantana la dabar jaro ?

 

Dhalinyaradii yaa duray ?

Maskaxda yaa ka duufsaday ?

Maxaa tooda kala diray ?

Saan miyey dan moodeen ?

 

Yaa diiday culimadii ?

Diinta may iftiinshaaan ?

Xaqqa may ka duulaan ?

Ducadana adkeeyaan?

 

Dumar  yaa ka shaqa badan ?

Maxaa  tooda daahiyey ?

May xumaanta deyrshaan ?

Meeday daacadnimadiii ?

 

Duubabkii  ma daaleen ?

Ma dadkaa ku caasiyey ?

Talada may isku duubaan ?

Reerkana daryeelaan ?

———————————————-

I have made this letter longer, because I have not had the time to make it shorter.Prof.Ibarhim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s