Maxay Somalidu u dhaafi la,dahay Qabiil?

Waxaan in badan isku taxalujiyay in aan raadiyo asbaabaha dhabta ah ee kalifaya in umada soomaliyeed ay u dhintaan, u dhaartaan, kuna dhegnadaan qabiilka xataa wakhtiyada ay garowsadaan in reerkoodu uu khalad ku dheganyahay.

Hadaba waxaan soo ogaaday in uu yahay hal qodob oo aad u wayni midka kalifaya in Somalia marka lagasoo bilaabo aas aasankii dhulkeena ilaa manta aynu noqono dad uu qabiilku u yahay midka wax walba laga horumarinayo,

Markaad eegtid aduunka iyo sida umad weliba oo meel degan ay isugu xirantahay, isuna kaalmayso maadaama ay leedahay kuwo gaajo ah iyo kuwo taajiriin ah aysana suurto gal ahayn in ay timaado isku xirnaan hadii aanan la,helin hab wada simaya labadaas koxood oo dareensiinaya in ay yihiin kuwo siman .

Hadaba si,ay taasi u dhacdo waxaa jira labo hab\Qaab oo aduunka ka jira waana kuwo balan qaadaya caafimaadka, amaanka, quudka, iyo sharafta qofka u asal sheeganaya siistamkaas ama habkaas  waxay kala yihiin.

1: formal social security habkaani waa hab sharci ah maadama ay jiraan shuruudo iyo sharciyo uu leeyahay waxaa inta badan maamulkiisa haysa dawlada ama xukuumada ka jirta dalka sidoo kalana wuxuu leeyahay qayb ah private oo si gaara loo leeyahay waa maxay wax tarkiisu?

Wuxuu balan qaad u sameeyaa muwaadiniinta isagoo ka caawiya helida lacago deeq ah hadii muwaadinku uu yahay mid aan ku filnayn maaraynta noloshiisa, tan family giisa waxaana la wadaa in mudo ah ilaa inta uu awood u yeelanayo in uu isku filnaado.

Wuxuu ka caawiyaa muwaadinka in uu helo dabiib caafimaad oo fudud iyadoo lagu qotominayo qof walba awoodiisa maxaa yeelay dadku waxay isugu jiraan kuwo awooda in hadii ay caafimaad daro soo dhacaan  is dabiibaan iyo kuwo aan ka bixi Karin weliba wakhtigaan aadka loo horumar waxaa afka qalaad loogu yeeraa (health insurance) waxaa kaloo jira (education insurance) oo iyaduna balan qaadaysa wax barashadii .

Waxaa kaloo jirta kuwo balan qaadaya quudka muwaadinka marka uu waayo shaqo oo lasiinayo wixii uu ku noolaan lahaa inta uu ka helayo shaqo, waxaa kale oo uu system kani balan qaadayaa gabowga markii uu muwaadinku gaboobo waxaa jira taageero lasiiyo maadaama uu san awood u helayn in uu shaqaysto.

Intaas oo keliya ma aha balan qaadka uu sameeyo system kaan sharciga ah ee aad ayay u badan yhiin ilaa uu balan qaadayo guud ahaan nolosha muwaadinka waana mida keenta in shacabku ay jeclaadaan, kuna dheganaadaan state ka ama dawlada.

2: traditional social security system habkaani waa hab ay isticmaasho Africa guud ahaan wallow uusan ku xoog badnayn intooda leh dawladaha xooga badan kafaala qaadkana u sameeya muwaadiniinteeda, wax qabadka habkaan oo aan oran karo inaga soomali ahaan waa mid inoo leh faa,iidooyin badan iyo khasaare badan ayaa ah

Habkani ma aha mid leh sharci degsan oo lagu dhaqo waxaa maamula xeerkeedana dejiya  madaxda dhaqanka ee goobtaas ku nool wuxuu guud ahaan balan qaadayaa nolosha qofka u abtirsiinyo sheeganaya kooxda meeshaas ku dhaqan

Hadii aad xanuusato waxaa lagasoo qaadaa lacagta qabiilka, dhib hadii aad gaysato waxaa lagasoo qaadaa qabiilka, hadaad gaajo dareento waxaad wax u doonataa ruux ka tirsan qabiilka, shaqada xataa inta badan waxaad ku doonataa hab qabiil, hadii dhibaato lagusoo gaarsiiyo waxaa ka jawaabaya qabiilka, hadaad guursato waxna aadan haysan waxaad yaradka iyo dhismaha u doonataa qabiilka.

Systemkaan waxaa lagu tilmaamaa mid aad u xoogbadan yimaadana xiliga kan hore ee sharciga ah uu meesha ka baxo waxaana uu leeyahay sadex principle ama sharci oo dadka ku dhaqma aamin sanyhiin the obligation to give, the obligation to receive and the obligation to pay back. Waxaa khasab kugu ah in aad bixisid oo siisid hadii aad la kulantid ruux ka tirsan cidaada oo dhibaato haysato isna waa in uu kaa gudoomo hadhowna laftigiisu wuxuu ku khasban yahay in uu bixiyo markii u la kulmo ama adiga ama ruux kale oo ay dhibaato haysato.

Habkaan waxaan oran karaa waa midka Somalia markii ay dawladii dhacday shacabku uga gudbeen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen waana midka kalifay in reerkaaga xumaan iyo samaan labadaba aad ugu hiiliso maxaa yeelay waxaad ka fakaraysaa hadii reerkaagu ku dayriyaan ama ayba meesha ka baxaan cida ku difaacaysa, ku taageeraysa kuna caawinaysa  waa sababta aynu u aaminay qabiilka una ilownay dawladnimada maxaa yeelay dawladu waxaynu aaminsanahay in aysan inoo qaban inta uu qabiilku inoo qabto.

Arintaan waxaad ku arkaysaa xataa shacabka soomaliyeed ee tegay dalalka aadka u horumaray ayna ka shaqayso system ka sharciga ah ee hore ardada somaliyeed ee aduunka wax ka barata waxay leeyihiin habkaan dambe oo ay isku taageeraan iskagana war qabaan hadba inta isku haybta ah.

Qoraalkaan aadka u gaaban kumasoo koobi karo waxtarka iyo khasaaraha system kaan dambe laakiin waxan isku deyayaa in aan soo bandhigo hadii ay suurto gal ii noqoto maqal kale

===========================

Sometimes when I think how good my book can be, I can hardly breathe.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s