Taariikhda Liiska golaha Wasiiradda cusub iyo qabiiladooda

04 November 2012  

1. Marwo /Fowsiya Yuusuf X Aadan – Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen / Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:
Khabiir-hawleed xirfad iyo aqoon aad u durugsan u leh Xiriirada Caalamiga ah, Maaraynta, Gargaarka Bani-aadamka, Saxaafadda, Qaramada Midoobay, Tacliinta, Awoodeynta Dumarka, iyo la-tacaalidda Saboolnimada.
• Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay jaamacado caana oo ku kala yaalla Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo Maraykanka
• Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Maraykanka
• Aasaastay, agaasimena ka noqotay RAAD International TV.
• Aasaastay, noqotayna hormuudkii ugu horreeyey ee Jaamacadda Hargeysa.
• U dhalatay Qabiilka,Dir ,Isaaq,Habar yoonis,Isxaaq.
• U dhaxday Jeneral Abukar Aftooje,oo u dhashay qabiilka Hawiye,Habargidir,Sacad,reer Hilowle.

 
2. Mudane/Abdullahi Abyan Nuur – Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta, 
Malahan taariikh dheer laakiin wuxuu u dhashay Dir,Biyomaal.

3. Mudane/Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.
• Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla carriga Maraykanka
• Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Maraykanka.
• Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York
• Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kanada
• Khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ka badan 25 sano u leh maamulka iyo Maaraynta
• Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga
• U dhashay qabiilka Raxanweyn gaar ahaan Digil,Dabare.


4. Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Xirfadle hawlo badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maaraynta. 
• Agaasime-daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
• Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
• Guddoomin jirey Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
• Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
• U dhashay qabiilka Hawiye ,Habargidir,Sacad, Reer Ayaanle.
• Ka tirsan Xisbiga Dhiiga cusub ama Dam Jadiid
5. Mudane/Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta
Aqoonyahan ku takhasusay khibradna u leh maaliyadda iyo qorshaynta:
• Ka qalin jebiyey Jaamacadda Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
• Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
• Soo qaatay tababbarro badan oo xirfadeed oo ku saabsan maaliyadda, maalgashiga, iyo qorshaynta
• Muddo ku dhaw afartan (40) sano ku soo dhex jirey mihnadda maaliyadda iyo xisaabaadka.
• Si wanaagsan ugu hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
• U dhashay qabiilka Daarood,Harti Majeerteen,
• Ka tirsan Xisbiga Dhiiga cusub ama Damu Jadiid.


6. Mudane/Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
Aqoonyahan khibrad u leh u-saldhigidda iyo kobcinta is-gaarsiinta iyo ganacsiga, ahna sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya
• Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadka ee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
• Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
• Khibrad shaqo iyo aqooneed oo ka badan 35 sano u leh mihnadda Is-gaarsiinta casriga ah iyo Saadaalinta Dhaqaalaha.
• U dhashay qabiilka Daarood,Ogaadeen


7Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed – Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.
Aqoonyahan ku takhasusay dhaqaalaha iyo culuumta bay’adda, khibrad , faham durugsanna u leh wax-soo saarka.
• Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada
• Maareeyaha Barnaamijyada ka ahaa xafiis bulshada Soomaaliyeed ee Kanada ku nool looga qaban jirey adeegyada kala ah: caafimaadka, shaqo-helidda, u-doodidda saboolka iwm.
• Agaasime sare ka ahaa Hay’adda Horumarinta Hiiraan oo qalab caafimaad iyo adeegyo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu deeqday cisbitaalka weyn ee Beledweyne
• Guddoomiye ka ahaa Hay’adda la yiraahdo “Danta Soomaalida” oo u ololayn jirtey wanaajinta xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya
• Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga.
• U dhashay Qabiilka Hawiye, Xawaadle, Ibraahin Ciise, Arwaad, Yabadhaale . waxay Ibraahin Ciise isla yihiin Milkiilaha Labada Hotel Ambassador iyo Lafweyn ee Muqdisho Xaaji Daauud.


8. Mudane/Muxyadiin Maxamed Kaalmooy – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.wuxuu u dhashay qabiilka Jareerweyne.


9. Marwo/Drs Maryan Qaasim – Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Dumarka & Daryeelka Qoyska. Dhakhtarad ku takhasustay Cudurrada Carruurta iyo Taranka Haweenka.
• Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
• Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
• Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
• Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
• Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka iyo caafimaadka aadamiga
• Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga.
• U dhalatay Reer Xamar.


10Mudane/Maxamud Axmed Xasan – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Wuxuu u dhashay Raxanweyn gaar ahaan Mirifle.

Formalka Xukumada cusub waxaa laga maanguuriyay hab dhismeedka Dowladda Qatar,iyadoo la rumeeysan yahay inay ka shaqeeyeen Sirdoonka Qatar maadama Xisbigu Dam Jadiid u badan yihiin,lacagtii uu ku guuleeystay Madaxweynahana Qatar bixisay.

Beelaha Dhulbahante iyo Gadabuursi oo Somalinimo u dhimanayaan Caruurtooda iyo hooyooyinkooda ayaa lagu qadiyay Golaha Wasiirada taas oo ka marqaati kacday inaan maanta Somalinimo la rabin balse qofka Somalinimada neceb ka mudan tahay qofka jecel.

Taariikhda Somalia sooma marin Xukumad aan Wasiir Dhulbahante ku jirin.

Xukumadda cusub uma muuqato mid barlamaanka ansixin doono waxaana jira dareen la xiriira in afka Ciida loo dari doono.

Waxyaabaha la yaabka leh ee formalka Dowladda Qatar laga qaatay waxay tahay in Wasaaradihii Caafimaadka iyo Sports-ka lagu dirin golaha Wasiirada,waxaa kale oo meesha ka maqan Wasaaradii Waxbarashada iyo tacliinta,waxaana laga dhigi doonaa Agaasime ama Hay’adaha

======================

 

To send a letter is a good way to go somewhere without moving anything but your heart.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s