Madaxweynaha Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyay dacwad ka dhan ah Kenya

 

Muqdisho 13 Nov 2012 (moment media group— Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqad dacwo ah u gudbiyay Qaramada Midoobay taasi uu kaga dacwoonayo dowladda Kenya ee ay Ciidamadeedu qeybta kayihiin howlgalka AMISOM. Warar hoose oo aan ka heleyn illo ku sugan Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ku waramaya in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya warqad uu uga dacwoonayo faragalinta dowladda Kenya ay ku heysto maamul u sameynta Jubooyinka.
Ilaha ayaa tilmaamaya in Madaxweynu uu maalmihii danbe wada tashi ka sameeynayay waxa uu ka yeeli lahaa dowladda Kenya taasi oo sidoo kale wafdi uu Madaxweynuhu u diray Magaalada Kismaayo ka soo celisay. Ashtakada Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa ka danbeeysa muranka faraha badan ee ka jira arrinta Jubooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo ay hada gacanta ku hayaan Ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni oo ay taageeraan.
Waxayaabaha ugu daran ee Madaxweynaha ku qasabay in uu dacwad u diro Qaramada Midoobay ayaa waxaa kamid ah in lagu bilaabay dhoofin dhuxul uu Mamnuucay isaga iyo Qaramada Midoobay. Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan fasiraad uga bixinaya arrinta Kismaayo waxaana ay Madaxweynaha ugu baaqayaan in uu jawaab cad ka bixiyo dowladda Kenya oo aan ixtiraameyn Dowladda Soomaaliya AMISOM iyo Qaramada Midoobay midoodna. Ugudanbeyntii Barlamanka Soomaaliya ayaa jawaab cad  ka sugaya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaraha Soomaaliya arinta Magaalada Kismaayo iyo gobolada Jubooyinka.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s