Marwo Fawzia Yusuf X. Adan way u qalantaa xilka culus ee loo dhiibay

 

Qof walba oo leh han iyo damac siyaasadeed waxaa mararka qaarkood soo food saara arrimo adag oo u baahan in uu gaadho go’aan uu og yahay in aanay ka wada farxinayn dadkoo dhan una soo jiidi kara eedaymo iyo far ku fiiq inta badan aan lahayn sal iyo raad.  Waxay reer galbeedku yidhaahdaan “Politics makes strange bedfellows” oo si fiican u qeexaysa sida siyaasadu isu  bedeli karto.  Waxaa kale oo hubaal ah in hadii qofka qaaliga ku ah dadkiisa iyo dhulkiisa hagardaamooyin iyo duudsi lagula kaco uu shaqsigu wakhtiga uu helo fursad qaali ah qaadanayo.
Bishan November 4 teedii ayuu Raiisal Wasaaraha Somalia Abdi Farax Shirdon ku dhawaaqay golahahiisa wasiirada. Waxaa loo magacaabay wasaarada ugu muhiimsan Golaha ee Wasarada Arimaha Dibedda Marwo Fawzia Yusuf X. Adan oo ka soo jeedaSomaliland.
Waxa kale oo xilkaa u raacsan xika Raisul Wasaare ku Xigeen. Haddaan si kooban u tilmaamo Marwo Fawzia waa aqoonyahan, indheergarad, qoraa iyo siyaasiyad. Waxay muddo soddon sannadood ah ku hawlanayd wax u qabashada, horumarinta, u gargaarka iyo daryeelka ummadda Somaliyeed.
Marwo Fawzia waxay kasoo shaqaysa hawlaha diblomaasiyadda, gargaarka aadmiga, horumarinta iyo saxaafadda.  Waxaan si taariikhaysan idiinku soo gudbinayaa wax barashadeedii iyo wax qabadkeedii. Marwo Fawzia waxay  ku dhalatay magaalada Hargeisa, dugsiga hoosena ka dhigatay. Dugsiga dhexe waxay ka gashay magaalada Burco.  Waxbarashadeeda sarena waxya ku qaadatay meelahan soo socda:
a)    Khartoum/Umdurmaan, Sudan ; Dugsiga Sare iyo Kuliyad Waxbarasho ka gashay oo oo ay macalinimo ku soo barayatay
b)   Washington DC, USA – Waxay shahaadada labaad ee Masters ka qaadatay Jaamacadda Canka ah (prestigious) ee Johns Hopkins University oo ay ku takhasustay  Culuunta Siyaasadda iyo Xidhiidka Caalamiga ah (Master of Arts in International Relations and Public Policy, SAIS-Johns Hopkins University) c)    Paris, France  ; Cilmiga Saxaafadda waxay ka qaadatya Jammacadda maraykanka  (Journalism, American University) Tariikhda Shaqada Marwo Fawzia shaqadeedii ugu horeysy waxay ahayd macalinimo dugsigii la odhan jiray Cabdicasis ee ku yaalay xaafadaLido, Muqdisho  oo ay ka shaqaysay muddo sannad ah.
Diblomaasiyaadda Shaqada macilinimo ka dib ayey u wareegtay Wasaarada Arrimha Dibedda eeSomaliahalkaaso ay ka bilowdaya shaqadii diblomaasiyaadda. Mudadaas, Marwo Fawzia iyada oo dhalinyaro ah waxay ka shaqaysay oo lagu aaminay safaarado aad u muhim ah oo ay kasoo qabatay xilal culus.  Shaqooyinka diblomaasiyeed ay soo haysay waxay ahaayeen:   1971–1976  ;
Safaaradii Somalida  Moscow, Soviet Union 1976-1978  ; Kuxigeenka Madaxa waaxda maamuska ee Wasaaraddii Arimaha Dibedda ee Somalia(Deputy Chief of Protocol)   1978-1981 – Safaaradii  ee Maraykan (USA) oo ka gaadhay xilka loo yaqaan  Councilor  ama lataliyaha Danjiraha 1981- 1982    Safaaradii  Berlin, East Germany – Waxay ka shaqaysay  safaarada oo ay ka gaadhay ku simaha danjiraha  (Charge D’Affairs)
Waxaa xusid mudan wakhtigaa ay Marwo Fawzia ka shaqaynaysa dalalkii addunyada markaa ugu xoogga badnaa (Super Powers) inay ahayd muddadi dagaalkii qaboobaa ee aduunka soo maray uu joogay heerkii ugu xasaasisanaa (height of the cold war). Dagalkiii sokeeye eeSomaliaka dib waxay Fawzia weli ka muuqatay masraxa siyaasada.  Waxay isu soo sharaxday xilka Madaxweyne nimo eeSomalilandsanadkii 2003.
 Markii ay meel martay in la furo xisbiyadaSomalilandayey asaastay, Gudoomiyana u noqotay urur siyaasadeedaka NDB oo uu xukuumada Silaanyo ku reebay si sharciga ka baxsan. Gargaarka iyo Adeegyada Bulshada 1989-1993: Marwo Fawzia  waxay  Nairobi ka asaastay kana madax ahayd  Herer International oo isugu jiray Travel Agency iyo xafiis ganacsi. Waxay aad ugu hawlanayd u gargaarka dadkii Somaliyeed ee kasoo barakacaySomalia xiligii u socday  dagaalkii sokeeye.  Waxa dunida daafeheeda ku nool dad tiro badan oo ay xiligaa ka soo dhoofisayNairobi oo usoo baxayey waddamada Europe iyo waqooyigaAmerica 1993-1995:
Waxay ahayd Agaasime African Centre for Women oo ka tirsan United Nations Economic Commission for Africa,Addis Ababa, Ethiopa. Xilligaa waxay mashaariic badan oo haweenka lagu hormarinayo iyo la dagaalanka gudniinka fircooniga ka hirgalisay dhawr dal oo bariga iyo galbeedkaAfricaku yaalaa. Waxa kale oo ay door wayn ka qaadayatay u diyaargarowgii shirkii Haween waynaha aduunka ee ka dhacayBeijing. Halkaaso ay xidhiidhiye u ahayd wafdiyaddii ka socday dalalkaAfrica 1997: Asaasaha iyo Agaasimaha RAAD International oo ahaa xafiis u adeega dhammaan dadka udhashay qoomiyadda Somalida ah ee qaxootinimada ku yimmaadda dalka ingriiska, dalkasta haka yimaaddaane. 2000-2006 Guddomiyaha Jaamacadda Hargeisa (Chancellor) Waxay Assaastay 1992 – Association of Somali Women Advancement (ASWA) 2000 – Jaamacadda Hargeisa (HargeisaUniversity) 2001 – Raad International; 2006 – Raad TV Waxay Qortay 2007  ; Geeddi  Nololeeddkii Yusuf X. Adam Waxay Wax Ka Asaastay (Co-Founder) Somali Aid and Development (SOMAID) CSO Umbrella Group for Somali Diaspora Community Organizations in theUK– Gudoomiyihii ugu horeeyey ee CSO Abaal Marin (Awards) 1992:  Award  ; Honouring Outstanding Refugee Women ; Waxay Marwo Fawzia ku mutaysatay u gargaarka dadkii soo qaxay aaablmarintan oo ay wadajir u siiyeen  Women’s Commission for Refugee Women and Children, New York iyo International Rescue Committee oo lagu siiyey New York, USA. 2007:  Award  ; Lloyds TSB- UK Jewel Awards for Public Excellence – Waxaa Marwo Fawzia loo magacaabay abaal marintan  caalmiga ah taasoo lagu abaal mariyo dadka danta guud ee bulshada  sida hagar la’aanta ah ugu shaqeeya. 2007: GARGAR Award  ; oo uu siiyeye ururka Gargar Lawyers Association iyagoo ku maamuusaya assaskii ay asaastay Jaamacadda Hargeisa. Waxay Xubin ka tahay urrurada ay ka mid yihiin: CSO, One International, Clinton Foundation, Business Fights Poverty,  Resolution 1325 Taskforce for Somalia,  African women Political Aspirants, REFWID iyo qaar kaloo badan.   Luqadaha Marwo Fawzia waxay ku hadashaa luqadaha Somali, Ingriisi, Carabi iyo Ruush.  Waxa  kale oo in lagu shaqayn karo ka taqaan luqadda Fransiiska. Gunaanad Waa markhaati ma doonto marka la derso tariikhda waxbarasho iyo ta shaqo ee arimaha dibedda, tacliinta iyo arimaha bulshada in Marwo Fawzia si fudud uga soo baxayso hawshaa culus ee loo igamaday.  Waraysigeedii ugu horeeyey ayeey ku mujisay in ay tahay qof waxa ay aaminsantahay ka waabanayn si aan gabbasho lahayna  ugu hawlgalaysa. Jagadan ay qabatay Fawzia waxay kor u qaadaysaa hanka hablaha Somaliyeed ee soo kacaya iyo kuwa muddada dheer ka dhex muuqday saaxadda  siyaasad oo sadkooda ay duudsiyaan ragga mar walba isku herdiya masraxa siyaasada.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s