Riyada Keenya ee Kismaayo!

OPINION / FIKRAD |

 Yaa ka maas’uul ah in dowlada Kenya ay ku amar taagleyso Magaalada Kismaanyo isla markaana ay Garoonka diyaaradaha ee Kismaanyo ka soo celiso wafdigii Madaxweeynaheenuu uu diray?

Sida taariiqdu sheegeyso  Keenya iyo Itoobiya waa laba doowladood oo aan deris nahay mid kasta oo ayaga ka mid ahna waxay waligeed ku hamineysay, in ay dhulkeeda balaarsato oo ay dhulka Soomaaliya qayb ka mid ah qabsato, kadib markii ay xalaaleysteen kii hore ee isticmaarku ku wareejiyay.  Wax badan ayay indheergarad, aqoonyahano, saraakiisha milateriga ah, dumarkii xureynta dalkeena naftooda u huray iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka digeen in dowladaha  aan deriska nahay aan ciidamadooda loo ogolaan in ay dalkeena soo galaan xaalad kasta oo dhacda  laakiin arintaas waxaa diiday oo maya yiri madax Soomaaliyeed oo dalkooda iyo dadka Soomaaliyeed  ka doortay in ay xagsadaan jagadoodana ilaalsadaan.

Sida Madaxweynihii hore Abdullhi Yusuf (AUN) uu si sharcidara ah dalkeena u soo geliyay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka badan 30,000 (Sodon kun) oo ku qalabeeysan hub casri ah, sida Diyaaradaha dagaalka, Tangiyada, Gawaarida gaashaaman, Boobayaasha darandooriga u dhaca oo casri ah,iyo weliba meelaha qaarkood dadweynuhu sheegeen in ay isticmaaleen sun halis ah oo dilaa ah. Ciidamadaas cadawga ahi waxay shacabka Soomaaliyeed u geysteen xasuuq iyo barakac baahsan.

Al-shabaab waa cadawga dalka, dadka iyo diinta Islaamka, waxaase ka sii daran Itoobiya iyo Keenya oo doonayo in ay dalkeena qabsadaan gumeysi cusubna nagu celiyaan.

Gumeeysi ma kala jecla Hawiye, Darood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ee Soomaalidu waa iskugu mid, taariikhda dib u eeg aaway kuwii saaxibka la ahaa isticmaarkii dhulkeena gumaysan jiray, waaxay ku dhinteen gacantii gumeystaha,  kuwa hadda dabadhilifka u ahna sidaas oo kale ay ku danbeendoonaan.

Marka aan ka jawaabo su’aasha uu xambaarsan yahay maqaalkan, waxaa qabsashada Keenya ee deegaanada Jubooyinka qaarkood iyo magaalada Kismaanyo ka mas’uul ah xukuumadii Cabdiwali Maxamed Cali  Gaas uu R/wasaareha ka ahaa,  Madaxweynihii hore Shariif  Sheekh  Axmad, Gudoomiyihii hore Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha maamul  Gobaleedka Puntland Cabdirahman Faroole, oo kadib markii dowlada Keenya ciidamadeedu ay si bareer ah oo gardaro qaawan ah weerar ugu soo qaadeen dalkeena  aan mooqif adag  la iska taagin sidii ciidamada Keenya dalkeena looga saari lahaa.  Laakiin nasiibdaro ayaga oo aan tixgelin Barlamaankeenii iyo dadweynaha Soomaaliyeed rabitaankooda u ansixiyay una sharciyeeyay  inay ka mid noqdaan ciidamada AMISOM taas oo suurtagal uga dhigtay Keenya in ay qabsadaan deegaanada dalkeena ee ay hadda ay heystaan, kuna amar ku taagleenayaan.

Sidee dalkeenu horumar u gaarayaa haddii kuwii dhacay xoolaha dadweynaha, kuwii cadawga u soo horseeday dalkeena iyo kuwa wax matarayaaasha ah ee aan garaneyn xilka ka saaran dalkooda  ay qaar ka mid ah ka mid yihiin xubnaha Barlamaanka jagooyin sar-sarana ka hayaa dalka ayaga oo ku kasbaday  laaluush ay ku bixyeen lacagihii ay dadweynaha ka dheceen.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aad la shaqeeysaan Madaxweynaha cusub Prof. Xasan Sh. Maxamud, R/wasaare Cabdi Faraax  Shirdoon iyo Barlamaanka, wax walbana ay idinkala weynaato Nabadeynta, Midnimada iyo Madaxbanaanida dadkeena iyo dalkeena.

 

Aaway hobaladii murtida, gabayada,  geeraarka, guurowga, heesaha iyo riwaayadaha ku caanbaxay ee shacabka Soomaaliyeed ku hanuuninjiray difaaca dalkooda iyo xoojinta midnimadooda.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s