“ Shakhsiyaadka Xilalka Somaliya Looga Dhiibay Waa Wax Yare ,Dadkii Caadiga Ahaa Ayaa Maanta Xamar Ku Qul-qulaya Markii Ay ka Niyad jabeen Xukuumadda ,Waxayna Doonayaan Meel Dhaanta , Madaxweynahana Waxaa Laga Sheegey ……… Goboladda Bari Ee Sheeg

Muqdisho (Moment Media Group)- Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee hore  xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax  ayaa ka warbixiyey  safarka uu ku joogo magaalada Muqdisho iyo waxa keenay  in looga shakhiyo in xil looga magacaabayo xukuumadda Somaliya isaga oo xusay in aanu ahayn safarkiisu mid shaki gali kara madaama uu madaxweynuhuba la kulmay  madaxda  Somaliya  . “ waxaan joogaa magaalada Muqdisho waxaan u tagay arrimo shakhsi ah aniga iyo walaalahay  waxaanu u  tagnay guryo aanu halkan ku leenahay  arrimo ku saabsan    markaa sidaasi ayaan u tagnay   halkan waxanau kula kulmay dad badan oo Somaliland ka soo jeeda  oo aan arkay  Muqdishana waxaanu wada daganahay Hoteelka ha noqdaan xildhibaano ama dad kale oo  Somaliland ka yimi waanu is araganay hase ahaatee waxaan layaaba marka lagu mashquulsanyahay  cid halkan xil looga dhiibo maaha in lagu mashquulo ee waa in gudaheena la iskugu noqdaa , kolayna Somaliand cidii uun baa xukuumadda Somaliya  kaga kaga jiri lahayd  oo dee hore xukuumad kasta qaarbaa Somaliland kaga jiray oo xataa waxaa dhacday qaar ka magacweyn kuwan haatan ayaa  jiray  oo hore xilal ugu hayey xukuumadihii Somaliya soo maray “  ayuu yidhi Cabdiraxmaan  Cabdiqaadir .

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo Momentnews khadka taleefanka ugu waramyey isaga oo ku sugan magaalad Muqdisho ee xarunta Somaliya  ayaa meel ka dhac  ku tilmaamay wararka sheegaya in xukuumadda  Somaliya xil looga dhiibayo waxaana  isaga oo masuuliyad darrana ku tilmaamay  cidii wararkaasi faafisay hadalkiisa ka mid ahaa “ waxaan dareemay markii aan maqlay   warkaasi beenta ah in la iga gardanyahay oo  been la iga abuuray  waxaana ogaa in ay beentahay oo ay dadkuna ay  ogaanayaan beentaasi “.

Cabdiramxaan Cabdiqaadir oo  ka  hadlay arragtidiisa ku waajahan dadka  Somaliland ka soo jeeda ee xilalka ka qabta Somaliya iyo cidkasta oo quudaranaysa in ay xil ka qabato waxa uu yidhi “. Horta xilal loo magacaabo aad bay u yaryihiin horena way u dhacday in ay madaxdii SMN in ay halkan yimaadeen , taanse ka war-wer waa mid kale oo dadkii caadiga ahaa ayaa Somaliland si baas uga soo qul-qulaya oo  Xamar Miciin mooday taas ayaan ka war-wersanahay  ardaydii baa imanaysa madax-dhaqameedkii iyo shaqaalihii caadiga ahaa ayaa imanaysa khatar taas ayaan anigu u arkaa hoteelada Xamar oo dhan  haddii aad aragtid  waxaa ka shaqeeyaa dhallinyaro Somaliland ka timi  waayo waxayna halkaasi ku haysan muqstaqbal oo aanay ku arag, dee waxaaba madaxweyne Silaanyo laga sheegayey  in uu yidhi waxa laga baqayaa in uu sidii jarmalkii bari ugu guureen kii galbeed ay nugu dhacdo taasi oo muujinaysa awood darida xukuumada haatan talada haysa  iyadaana mutaysatay ceebaheeda  inay dadkii ka yaacaan oo ay xamar tagaan.

“Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  Waxa kale oo uu waraysigan kaga hadlay  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  sid ay xukuumadda Somaliya iyo shacabkeedu u arkaan gooni isu taaga Somaliland wada hadaladii labada dawladood dhexmaray ka dib waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ horta qofkasta oo halkan yimaada way u cadahay in dadka shacabka Somaliyeed u arkaan Somaliland dad walaalahood ah haddana dee ma ogola wax madaxbadnaani  ah oo ay Somaliland hesho “. Waraysigan  oo ahaa mid aad u dheer ayaa waxa kale oo aanu waxkaga weydiinay sida uu u arko go’aanka ay dhawaan  kaga dhawaaqeen  qaarka ururada iyo  madax-dhaqameedka  goblada bariga Somaliland ee ku saabsanaa qaadicista doorashada golaha deegaanka  waxaana uu kaga jawaabay Cabdiramxaan  Cabdiqaadir :

” way ku sax sanyihiin arrinkaasi qoloda soo saartay go’aanka, komishankuna wuu ka gardaranyahay umadda halkaasi degan  haddii uu yidhi meelihii aad ka codaynayseen  ayaanu yaraynayaa waxaana loo arkaa mid xaqoodii lagu duudsiyayo  oo loogu heelinayo cid doonaysa carqalad aan doonahaynin in ay doorashadu si xor ah oo xalaal ah u dhacdo  waxaanan odhan lahaa markaasi  komishanku dib ha ugu noqdaan midkaasi oo waxba yaanay ka debelin goobahaasi “. Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabahii uu ka hadlay cabdiraxmaan Cabdiqaadir xil uu  ka qabto xukuumadda madaxweyne Silaanayo  waxaanu yidhi “  Aniga Cumaraw darmiirkaygu I siin maayo  sharaftayduna  i siinmayso mab da’ ayguna I siin maayo in aan dawladaasi  wax ka noqdo iyo in aan wax  ku darsado toona  intii aan ka fogaan karay waan ka fogaaday  sidii umadda looga qaban lahaana ee  waxay yihiin wax dhaama loogu badalilahaana waa tan aan  u heelanahay “ ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee hore xisbiga Kulmiye. Waraysiga oo dhagaysi ah oo dhamaystiran  waxaanu idin soo gudbin doonaa dhawaan .

====================

If the writing is honest it cannot be separated from the man who wrote it.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s