Soomaalida Qaadka Cuna ee ku nool dalka Holland oo soo wajahday qaad la’aan ba’an iyo qiimaha qaadka oo sare kac ku yimid

Die Säcke waren randvoll mit frischen grünen Kath-Pflanzen. Die Drogen-Ware sollte von Holland nach Dänemark gebracht werden

Soomaalida qaadka cunta ee ku nool dalkaas Holland ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday qaad la’aan ba’an iyo qiimaha qaadka oo uu ku yimid sare kac ka dib markii uu dhawaantaan ka hirgalay dalkaas sharci lagaga mamnuucaayo gebi ahaanba qaadka dalka Holland.

Sharcigaan qaadka looga mamanuucaayo dalka Holland oo dhaqan galay laga soo bilaabo 5tii bishaan Janaayo ayaa waxaa uu ku noqday Soomaalidaas qaadka cunta mid lama filaan ah oo lagu kadiyey, iyadoona inkastoo horey loo ogaa in dalkaas laga yaabo in laga mamnuuco qaadka ay hadana Soomaalidu u qaadatey oo ay iska dhaadhiciyeen inay tahay arin mudo qaadan doonto taas oo markii dhawaantaan mar qura ay ka warheleen in la joojiyey ayaga oo aan u diyaar garoobin ay ku naxeen arintaas, Sidoo kale ayaa warbaahinta dalka Holland oo xilligii ay socotey dooda ku saabsan joojinta qaadka si weyn uga hadli jirey arintaas aysan hada gebi ahaanba soo hadal qaadin hirgalinta iyo dhaqan galida sharcigaas looga mamnuucaayo qaadka dalka Holland taas oo shaki iyo jaahwareer ku riday Soomaalida qaadka cunta ee ku nool dalka Holland.

Ugu dambeyntiina iyadoo qaadka ama jaadka laga mamnuucay dalka Holland ayaa waxay dowoladaas u cuskatey inuu waxyeelo qofka maskaxdiisa iyo jir ahaanba, Laakiin arintaas oo aan ahayn sababta dhabta ah ayaa waxay tahay anshax xumada is gacan ka hadalka Soomaalida qaadka isticmaasha iyadoona ay joogto ka noqotey goobaha lagu iibiyo qaadka gacan ka hadal iyo inay Soomaalidaas mindiyo isku qaataan taas oo keentay inay canasho ka muujiyaan dadka degaanka, Soomaalida Holland oo jaadka u wareejiyey inay ka soo qaataan dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhawaantaan markii ugu horeysay lagu qabtey Jaad nin ay warbaahinta Holland ku sheegtay inuu yahay nin u dhashay dalka Jarmalka oo 54 sano jir ah oo watay jaad gaaraayo ilaa iyo 40 kilo oo uu ka keenay dalka Ingiriiska oo uu damacsanaa inuu soo galayo dalka Holland asagoona lagu qabtey halka loo yaqaan Hoek van Holland ee magaalada Rotterdam ee dalkaas Holland. 

Sanadkii Guusha 2013

Marka aan dhaho sanadkii guusha waxaa durbadiiba akhristoow maskaxdaada ku soo dhici kara guushee Ololaha ladagaalanka qaadka oo socday mudo kabadan 7sano ayaad waxaad moodaa in sanadkan 2013ku noqon doono sanaadkii guusha .Aan kabilaabee Wadanka Holand ama netherlads ayaa ku dhawaaaqay in la madnuucay gebi ahaanba Soo dejinta iyo ka ganacsiga qaadka laga bilaabo 5ta Janaayo 2013 ka , Go aan kaas oo mudooyinkan danbaba la sugeyey ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey wax garadka Soomaalida ah ee kudhaqan wadankaas siiba hooyooyinka Soomaaliyeed oo ah dhibanayaasha dhibaatadu taabatay.

Aan ku xijiyee Wadankan ingiriiska oo si xooqa qaadka looga cuno dhibaatooyin aan lasoo koobi karina uu ku hayo bulshada ayaa waxaa dowlada ingriiska laga sugayaa todobaadyada soo socda go’aan ka dhan in gebi ahaanba laga madnuuco qaadka wadanka ingiriiska iyadoo go’aanka Holand gaartay uu culays badan soo Saarayo dowlada ingriiska oo noqon doonta wadanka kaliya ee reer galbeed ah oo qaadku sharci kayahay ,taasoo keeni karta in muqayiliinta Soomaalida ah oo kunool qaarada yurub oo dhami isugu soo uruiraan wadanka UK, oo ay London noqoto Marfish weyn.

Aan kuxijiyee waxaa isa soo taraya xogta aan ka helayno dowlada federaalka ee Soomaaliya oo uu qorshuhu ugu jiro inay qorsheynayaan sidii loo xakamayn lahaa loona yarayn lahaa isticmaalka qaadka Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin xaaji Maxamuud fiqi oo arintaas ka hadlayana wuxuu yiri waa in ciidamada Soomaaliyeed laga joojiyo gebi ahaanba cunista Qaadka si loo helo ciidan tayo leh oo uu mushaarkoodu ku filanyahay isagoo sheegay inay adagtahay in mushaarku ku filaado si walba oo mushaarka loogu kordhiyo hadii askarigu balwada qaadka leeyahay.

Aan ku xijiyo Soomaaliland wasiirka maaliyada Soomaaliland Cabdicasiis maxamed samaale iyo dowlada ayaa kor u qaaday canshuur xoog lehna saaray qaadka yimaada Soomaalilad si lacagtaas loogu daboolo qaar kamida dhibaatooyinka qadku u geysto Soomaaliland, dhanka kalena waxaa kasocda aqoon yahano badan iyo ururrada dhalinyarada Soomaaliland oo wada barnaamijyo looga wacyigelinayo bulshada dhibaatada qaadka..

Ugu danbayn tiina madax weynaha galmudug Mudane cabdi xasan Qeyb diid ayaa ku timamay dhibaatada qaadka galmudug mid aan loo dulqaadan Karin isagoo sheegay in qaadku masuul kayahay dhamaan ,falalka xun xun oo ka dhaca Galmudug oo dhan, sida burco badeeda ,isbaarada, Kufsiga, dilka iyo dhaca wuxuu kaloo madax weynuhu intaas ku daray inuu soosaari doono dhawaan go,aano ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arimahaas.

Dhinaca puntlandna JU iyo JA kama hayno anagoo fahmi kartna in dowladu xiligaan ku mashquul san tahay geedi socodka dimoqraadiyada puntland iyo samaynta Xisbiyada waxaana la oran karaa Muqayaliinta Puntland ayaa si shanqar yar qaadkooda isaga daaqa,

Gebagebadii sanadkan 2013ka ayaa waxaa muuqata rajo weyn waxaa soo carfeysa saxansaxada guusha waxaana ku soo wejehanahay Soomaaliya inaan Soo gaarsiino ololihii qaad diid waa hadii alle idmee.

———————————————–

Dhaqaalaha&Qaadka

ibrahim67

Aan u dhaadhaco muhiimada qoraalka dhanka kale markaan fiirino dhaqaalaha wadankeena kabaxa oo looqaato qaad ayaa wuxuu 10 laab kabadanyahay miisaaniyada dowlada. Bal ila eeg qarashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca Aan ka soo qaado xasuusin yar, qarashka ka soo baxa qaadka nuuca loo yaqaan miirow ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, wasaarada Beeraha Kenya waxa ay cadaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo qaadka Mirrowga. 2011 waxaa la diyaariyay Warbixin la magac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:- 16 TON! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Ton oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata. 20-kaan Ton iyo kabadan oo si qal-qalooc ah lagu dhoofiyo waxay Aadaan Somalia, qarashka maalin kasta Soomaaliya ka Aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 Million oo Kenya money ah oo u dhiganta qiyaas ahaan $315,000 Doolar maalin kasta oo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal Malyan Afar Boqol iyo Konton Kun oo Doolar) bil kasta! Sanadkii ma is weydiisay? Waa $113.400.000! Hadaba markaan Sanakiiba $113.400.000 aan siino Kenya aanan ku badalano Caafimaad daro, Mustaqabal La,aan iyo dhalinyaradii wadanka usoo koraysay oo lacuryaamiyo,iyadoo loo adeegsanayo qaadka, Mudane Madaxweyne miyaan la oran Karin waa gumeysi casri ah oo u baahan in loo istaago lagana hortago si loo badbaadiyo aayaha ummada soomaaliyeed. Mudane madaxweyne anigoon doonayn inaan waranka kugu gilgilo,dareensana in howlo badani kuhor yaalaan ogna inaad hogaaminaysid ummad qalafsan oo ay iska jiraan caqabado badan oo kaa hor imaan kara, aan kuxasuusiyo dhaartii aad ku dhaaratay inaad u adeegaysid ummada Soomaaliyeed kana talinaysid DANTA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED. Mudane madaxweyne waxaan kaloo kuxasuusinayaa in laguu hanweyn yahay ,waxaa kaloo xusid mudan in madaxweyne hore oo wadanka kasoo taliyey Alle ha u naxariistee Maxamed siyaad bare uu garoowsaday dhibaatadaas kuna dhiiraday inuu wax ka qabto.
Dhibaatada qaadka oo oo la orankaro halka ay manta marayso 100 laab ayay kayareyd markaas ,dhanka kalena way jiraan madaxweynayaal ku dhiciwaayey oo indhaha iyo dhagaha kadabooshay TAAHA,IYO OOHINTA, kayeeraysa gayiga soomaaliyeed iyagoo diidaya inay iska hor yimaadaan ama ay ka xanaajiyaan dowladaha Qaadka keensada wadanka waxaana kamid ahaa Madaxweyne shariif. Waxaan kaloo meesha kamaqnayn madaxweynayaasha Puntland iyo Soomaliland oo arintaas si weyn uga gaabsaday iyagoo kaxishoonaya ama kabaqaya dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo aan marnaba raali ka ahayn in lasoo hadal qaado ganacsigooda koowaad kaasoo usoo xareeya Sanadkii Bilions doolarka Maraykanka ah.
Dowlada dariska ah ayaa waxay kaloo doonayaan inay kahortagaan inay Soomaaliya usoo kacaan dhalinyaro xayi ah oo miyir qabta oo waxbaratay oo boqolka sanoo soosocota latartami kara wadankooda ,si ay dowladaha dariska ahi arintaas uga hortagaana waxay adeegsadaan qaadka in lagu curyaamiyo dhalinta Soomaaliyeed.laguna qaato dhaqaalaha wadanka. Ugu danbeyntii Mudane madaxweyne waxaan kuu rajaynayaa in ilaahey kuu fududeeyo xilkaas aad qaaday,oo aad kudhaaratay inaad kashaqayn doontid danta dadka iyo dalka. Waxaan kaloo ilaahey kaaga baryayaa inuu kusiiyo karti buuxda oo aad kudhiirato go’aan adagna kaqaadato ,haday dacar kaqaraartahayna aad fool kafool u wajahdo dhibaatadaas Qaadka. Waxaa iga xasuusina qaadashada go’aanada ad-adag waa calaamadaha lagu yaqaan hogaamiyayaasha dhabta ah.

Guuleyso’ Wa bilaahi towfiiq

Halkaan Ka Akhri Warqad-furan-oo-Kusocota-Mudane-Madaxweyne

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s