Soomaaliyeey halkee baanu usoconaa?

 calanka

(Maqaalkaygan haddii dadka qaarkii ay dhibsadaan halayga raalli noqdo, maxaa yeelay cid gaara iyo qabiil gaaraba ulama jeedo! Keliya aan soo bandhigo’ the last five decade’s events” dhacdooyinkii khontonkii sano udambeysay. Ulajeedaydu ay tahay keliya in dhibaatooyinka oo qabiilka u horeeyo iyo cuqdadiisa layska daaweeyo, waa marka hore qabiilka la magacaawo ee aan waxba la qarin, saa Rabbi (S.W.T) ayaaba sidaa noo qeybiyay shucuub iyo qabaa’il. Marka dadka soomaaliyeed waa hal shacab,walow adduunka qaarkii ayba noo arkaan “one clan” hal qabiil,haddii lasii kala saarsaarana waa sub-clanas. Isku soo duuduuboo qabyaaladeysi baa dambi noqonaayo waa markii qabiilkii si xun loo isticmaalo, ee qabiil waxba dhibaato maleh.Haddaba fikradda suuban waa in aynu runta iyo xaqa isusoo bandhigno, oo ah boogaha soomalidu ay xannunka ka dareemeyso in la tilmaamo ee aan laga xishoon lagana baqin. Intaas waa iga hordhac, ee maqaalkii waa kan inoo bilaabanaayo….)

Soomaaliyeey halkee baanu usoconaa? Yaase dusha logu tuura dhibka Somalida heeysta tan iyo waagi xornimada la qaatay? Ma masu’uliyintii dalka iskaga dambeysay baa mise shacabka qaarkii? Haddii aynu soo koobno khaladaadkaas. Aan kasoo bilaawno markii xornimadii qaadanay iyo isku darkii labadii maxmiyadood ee  Talyaaniga Iyo Ingiriiska;  markiiba soo shaacbaxaysa is-afgaranwaa, ilaa 9kii sano ay jirtayba labadii dowladood ee madaxda ka ahaayeen Mudane Aden Cabdulle Cusman, iyo Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke( Allaha u wada Naxariiste ) aad ayay Xaakimiintaas iyo wasaaradahoodaba u dadaaleen; si qunyarnimo ayay howlaha dowladdu usocdeen. Hayeeshe, waxaa ka jiray dhowr qof oo baarlamaanka iyo wasaaradahaba ka tirsanaa oo waqooyi iyo kofurba leh oo rabshado hoos ka waday. Labadii dhacdadood oo mucjisa ayaa dhaceen waqtiga, Mid waxay ahayd in Jabuti ay geleysay doorasho kalana dooranaayay Isticmaarka rabnaa mayee Xornimaan doonaynaa. Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee berigaas ayaa la sheegay in isagaas laga soo dhameeyay. Jabuutina gacantii Isticmaarka Fraansiiska ay kusii hartay. Tii kalena waxay aheyd markii Arusha (magaalo Tanzania kamida), dowladoo Afrikaana ay ku lafa gurayeen sidii loo damin lahaa dabka muddo ka holcayay Gobolka NFD ee Somalidu degto loona gaarsiin lahaa gobolkaas doorasho lakala dooransiiyo inay Kenya kusii haraan iyo inay Somalida walaalahooda raacan. Nasiibdarrose Ra’iis wasaarihii waagaas Allaha u naxariiste Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa markiiba u saxiixay NFD inay tahay dal iyo dad ka tirsan kenya.Arrinkaas oo fajaciso ummaddii Soomaliyeed kunoqotay, waxaase lakala garan waayay in Madaxweyne C/rashiid iyo Barlamaankii iyo Golihi Wasaaradaha ay la ogaayeen iyo inuu isaga keligi go’aanka qaatay. Magacii dowladdahaas loo baxshay wuxuu ahaa “La Tomba degli aiuti Internazionali ” Qabrigii Caawinaadaha Adduunka,waxaana taas u sabab ahaa musuq-maasuqii iyo laaluushkii oo batay . Waxayna dadku isweydiin jireen maxay labada fadeexadood ay ugu dambeeyeen laba nin oo waqooyi kasocda, oo weliba jagoyin sarsare hayay?….

Haddii aynu u imaano kacaankii shuuciga ee 21kii Oktobar oo gacan bir adaga dalka ku xukumayay waxuu ka bilaawday nimaankii SRCda oo 25 sarkaal ka koobnaa inay faraha is-ku fiiqfiiqaan oo isu rogtay markii dambe in qaarkood la xixiro kaddibna la toogto kuwaasoo kamida kuwii golihi sare ugu fir-fircoonaa oo la oran jiray iyagaba horseed u ahaa in towraddii ay guuleysato, waa Gafeyre, Ceynaanshe, iyo Dheel. Waxaa arrinkaa ku xigay 10kii wadaad ee harcad lagu dilay barxadda weynee Scuola Polizia. walow la oran karay sumcaddii dalka ay kor usii socday, dhaqaalaha dalkana wuu kobcayay taasoo ku imaneysay calaa xisaabi diinteena (in the expense on our religion). Waxaa dhibaato ka jirtay xagga masalan shaqo qorista iyo in qof shaqo laga ceyrsho, ama basaboor bixinta ha noqoto iyo waxyaabo kaloo sidaaso kale u fulinteeda ay sahal u egtahay waxaa laga soo ogolaanayay ama laga diidayay madaxtooyada. Go’aan qaadashada ha ahaato ama mid weyn ama fududba waxayntaas gacanta ugu jirtay Jaalee Madaxweyne tasoo ka dhigtay taliye aan cid kale ka daba hadli karin. middan waxay na xasuusini ninkii faajirkii ahaa ee awoodda Ilaahay kagala dooday Nebi Ibraahim(C.S), kaasoo sheegtay inuu isagaba wax dilo waxna nooleeyn karo, kolkaas ayuu 2 qof loo keenay midna u amray in la dilo midna lasii daayo. Markaas ayaa N. Ibraahim usoo jeediyay faajirkii kibray arrin jahawareer ku riday oo aheyd in Rabbigeen (S.W.T), uu qorraxda kasoo saaro xagga bariga, ee bal adiga awoodaada kasoo bixi qorraxda dhinacaa galbeedka. Halkii dowladdaas uu madax ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed siyaad Barre, ay ku dambeeysay waanu la wada soconaa.

Kolkii ay burburkii dowladdii dhexe bilaawatay waxaa majaraha u qabtay J.Ceydiid iyo Cali Mahdi. Dowladdii Jabuuti lagu soo dhisayna waa dhaqaaqi weyday.  Jeneraalku Allaha u naxariistee wuxaa loo baxshay waagaas Jeneraal Woow. Dowladdii uu u baxsaday magaca ah Salballaaran, meelba waa gaari weyday. Waxaana u sabab ahaa sida muuqataba iyadoo dagaalo badan ay dhinacyo badan ugu socdeen dowladdaas iyo dadkii deganaa magaaladii Caasimadda u aheyd dalka la qixiyay, intaa laguma deynine loga daba tagay magaalooyinkii ay badidood ay qabeen in haddi dowladdi hore meesha laga saaro oo ay ku noqon doonaan guryahoodi; laakin intii laga daba yimi la geyay silliga xuduuda Kenya qaar kalena dooman ku baxsadeen. “USC yaxaas miyaa waxay aragtaba yalamsii miya..”” ayay caruurtii kismayo joogtay waaga ay qaadi jireen, dadkaa la ceyrsanaayo waxay u badnaayeen maxeysato dumar ilmo iyo odoyaal oo 80% ka ahayeen dadkii halkaa laga qaxinaayay, wax sarkaal cidamadedda ama dowladeedba ah way ku yaraayeen waxi meesha maraayay. Intaa keliya maahee qabaa’iilki kale ee marki hore islahaa idinka la idinma rabo oo kala duwan, iyo dadka lagu magacaawo “Gibil cadda” Reer-Xamar, Brawaan, Muwalad, Baajuun iwm ayaa ka daba yimi qaxootigii hore, waxaana loo dhisay “Utange Benaadir, Xero-Brafo, Xero-Baajuun iyo kuwa kaleba.

Tii C/Qaasim ee lagu soo dhisay Jabuuti aad ayaa loogu riyaaqay qabiilkastoo Soomaaliyeed meel kastoo ay joogeenba way ku faraxday inyar mucaarad ku noqotay mooyee. nasiib xumase noqotay goortii madaxweynihii dowladdaas uu kaleexday tubtii lagu soo heeshiiyay oo eheyd in xukuumaddu degto marka hore magaaladda Baidao kolkay isku dabadhacdana loo wareejiyo xamar oo laga sifeen doona dagaal ogayaasha heysta caasimadda. Dowladdii waxaa lasoo dejiyay xamar wax sabab macquula aan lasoo sheegin. Dadkii horey ugu farxay dowladdaas hal mar ayaa salka logu dhuftay dhulka. Afar sanoo kale oo ummadda Somaliyeed ka luntay iska dheh. Waxayna ku dhammaatay iyadoo waxba Somalia u qabsoomin.

Haddii aynu usoo gudubno dowladdii Abdullahi ee soodari lagu soo dhisay iyadana dagaal ba’an oo soo wajahay ayaa waqtigeedi badi ay la galleen dadkii casimadda xamar afduub ku heystay kuwaasoo ahaa qabaqabalayaal dagaal, ilaa markii dambe dowladdi ay madaxa isla jiireen dagaal faraha logu gubtay lagallay dalladdi labaxday Maxkamadaha. Walow ay daladdaas 6 billood ay maamuleysay Muqdisho ay nabad waafiya ka dhigtay. Dowladdaasi oo uu Primo Ministero ka ahaa Mudane Cali Geedi wuu ka diiday kooxaas marba shaar usoo gashanaayay inay Xamar ku heystaan qasab iyagoo mar mooryaan mar wadaad,(macneeheedu maaha in Soomaalidu rabin in diintooda lagu xukumo, balse ummaada waxay markastba ay diidan yihiin cunfi iyo qasab iyo nabad gelyo xumo oo intaasba Diinteenu kasoo horjeedo) . Cali M. Geedi wxuu isku dayay inuu ka nadiifiyo kuwaas iyo wixii lahal maala, hase ahaatee waqtigii ayaa u saamixi waayay.

Waxaa innoga xigay Xukuumaddii ay madaxda ka ahaayeen Sh.Shariif iyo Cabdi Weli . Haddaba maxay qabatay dowladdaan? Muddo gaaban waxay xaqiijiyeen ayaa la oran karaa xagga amniga: Shabaab Xamar waa laga saaray, shucuubtii Somaaliyeed ee dagaaladii sokeeye kala fogaadeen ayaa isku soo dhawaaday, cuqdadii jiri jirtay meesha ay kasii baxeeysay, sumcaddii dibadda aanu ku laheyn wuu soo wanaagsanaanayay. Waxaa kaloo lama illawaana in mudoo sanada ay ka saartay dowladdaasi dalka waxii loo yiqiin : KuMeelGaarnimo. Dowladdaas waxay ka koobneyd madaxweyne Sh. Shariif, R/Wasaare CabdiWali iyo wasaaradahii iyo ku xigeenadoodi, qaarkood haddan halkan ku xuso : C/Qaadir Jahaweyn, Xuseen Carab, Xoosh Jibril, Godax Barre, C/Wahaab kuwi kaleba… Dhammaan waxay ahaayeen rag dhalinyaro u badan oo aqoon iyo karti u yeeshay shaqadii lagu aaminay, si hufan uga soo baxay. Waxaana rajeyni in maalin un taariikhda xusi doonto dhammaantood. Bulshada soomaaliyeed ee kala duwan sidee buu xiriirkooda yahay? Isdhexgalkooda , wax wada qabsigooda, istaakuleyntooda, isku dubnidooda, ma xuma ayaan daraja ahaan siin lahaa (grade: Good). Isku soo duudubo dadka Soomaaliyeed si wadajira ayay dalkooda u wada jecel yihhin. Inkastoo marar badan la dhex dhigay neceeb iyo colaado badan oo keentay qabil qabiil kale aaminin. isku dirkaas iyo cuqdad dadkii la dhex dhigo waxaa ka shaqeynayay kuwo siyaasiin isku sheega iyo odoyaal isku tilmaamay inay yihiin isimo danaha qabiilkoodana ilaalinayaan kuwaasoo ka shidaal qaata shisheeye (kuwo Muslim isku shego iyo kuwo gaala ahba).

Haddaba Umaddan Soomaaliyeed maxaa ka maqan? Ilaa hadda ma heyno hogaan tabiyaha toosan ku rida ummaddani. Haddaba aaway hoogaan toosan? Halkee loo raadsha?

Waa sahal. Haddii aan raaceyno Qowlkii Rabbiigeen (S.W.T): Alle qowm ma beddelo (hadday fiicnaayeen xumaan uguma beddelo, hadday xumaayeen wanaag uma yimaado : Suuratu Al Racd ) illaa ay iyagu isbeddelaan. Yacni dhexdooda ay Islaax iyo cafis isu muujiyaan, wixii muuqdo ee lakala heysto la isu celiyo sida guri gaari beer iyo wixi la mida, inti tagtayna la isu dhaafo iyadoo caloosha saafi la iskaga dhigayo. Hoogaanka daacada maxa calaamadahiisa kamida? Dalka inta xudududisa ah uu adkeeyo nabadgelyada, oday dhaqameed walba ee isima ama duuba in la isku keeno caasimadda, markaa lasiiyo tabatabar ah siduu ugu dhaadhiciyo qabiilkiisa inay iska soo dhiibaan qof walba ama qoys walba wixi hub ay heystaan ama guriga uyaal. Kaddibna laga soo aruursho hubka ay heystaan xitaa Bistoolo yar, haddii wax la qariyana soo sheego , isimkaas ayaa maxkamad lagu keeni haddii dib loo arko dhalinyaro qabiilkiisa katirsan oo sidata qori.

Kaddibna cadaaladda uu hogaamiyahasi sugo isagoon cidna u eexanaynin, qabiilkiisa iyo qabiil kale iskusi u la dhaqmo. Si siman ayuu hagaamiyaha( Leader) ugu qeybini kheyraadka dalka. Sidaasoo kale shaqaale qorista shaqaalaha iyo militerigaba (Aggregate Emloyee), loo qoro iyadoon loo eegin qabiilkooda waxa laaluusha laga qaadan, balse “category”ga loo fiirinaayo ay tahay maxaad taqaan,maxaad qibrad ah oo aad leedahay lana xaqiijiyo qofkan (weliba jagooyinka xasaasiga ah) ma ku habboon yahay,ma lagu aamini karaa howshaas, mise u qalmaa? Waxaana la heli karaaba dad iska wax u qabso ku shaqeeya inta waddanka dhaqaalihiisa isku filaanayo. Sida dadka dibaddaha jooga niyad wanaag la tuso loona tago ee aan la dhihin kaalaya keliya, lagana codsado inay dalkooda maalgashtaan. haddiise madaxda sarsare ee dowladda ayan noqon kuwo dadka u siman sida diinteena na fareysana u dhaqmin ee cadaaladda sugin (unbiased), taas waxay keeni kartaa mid xukuumaddii la dhisay dudumiso. Waxaanu aragnaa ee noo muuqda in ciidan baa la dhisi oo dalka difaaco, kuwaasoo larabay in dalka oo idil laga soo arrursho, ilaa hadda ma dhicin; shaqaalaha sido kale meel gaara laga soo qoraa, haddii la doono waa laiska dallacsiiya. Mid hadda lasoo qoray ayaa laga dhigi “Capo Ufficio”, maye waxaaba tahay Maareeyihii Wakaaladda, amba kiyon weli kuruudkiba dhameysan ayaa lagu magacabi Jeneraal. Waa masiirki umadda oo lagu ciyarayo iska dheh. Waxaa la hubaa, haddii kalsoni loo muujiyo in gabar iyo wiilba ay heygan u yihiin in dalkooda ay dhisaan. Iyagoo ku dayanaayo dhowr dowladood oo dadkiisi dibadda u qaxay sida annaga nagu dhacday. Haddii misaal ahaan usoo qaadano dalkaa Jabbaan oo dagaalo xun qabsaday WWII, dad badan u qaxeen Yurub, gaar ahaanTalyaaniga iyo Jarmalka oo ay ahaayeen marki hore xulufo. Dhalinyaradii halkaa wax ku bartay 15-20 sano kaddib ku noqday dalkoodi iyagoo culuum badan xambaarsan oo kala geddisan, waxay taasi keentay inayku hormaran dhinacyo badan ee xagga Technology-yada, gaar ahaan sameynta baabuurta (Toyota, Honda), electronikada ( TV,yada, telefonada) iwm…kuwi caalamka ugu heystay Jarmalka, Talyaaniga farsamadihii adduunka laga jeclaa ay muddo gaabanba kaga hormareen.

Sidoo kale Dadka tirada badan ee dibadda soo jira si niyad sami oo somalinimo iyo muslinimo ku jirto logu soo bandhigo inay dalkooda u si daruuriya maanata iyaga logu baahan yahay. Jawigii ay kusoo noqon lahaayeen, sidaanu sheegnayba loo diyaariyo. Waxaa la hubaa, haddii kalsoni loo muujiyo dadkaas, in la arki doono gabar iyo wiilba ay haygan u yihiin inay wax ka dhisaan dalkooda. Wiil boqor dhalay ayaa ka dareemay noloshii qasrigii uu ku noolaa inu ku caajisayay (he felt boring in the palace of his father).Maalin ayuu wuxu ka arkay daqadda qoys buul yar ugu dhisan qasrigii uu ku noolaa agtiisa. Wuxuuna kaloo uu arkayay in reerkass caruurtoda, iyo dadka waaweynba ay si wadajira ay uga muuqatay farax, reyreyn, qosol iyo ciyaaro aan kala go’ laheyn. Subaxii dambe ayuu wiilki goostay inuu iskaga tago noloshaan ciriiriga ahoo uu arkayay inuusan noqon karin Boqor aabihis dhaxlo, maxaa yeelay ugama muuqan inuu howshaas qaban karo.Wuxuuna yimi magaalo kale halkaas oo uu ka bilaabay hoos, nolol cusub oo uu ku qanacsan yahay.Waa saasee qof walaba wuxuu door bidaa shaqada uu qabana karo ee uu karti u leeyahay, amaba uu aqoon u leeuahay; taas ayuu ka dareemi qalbi qaboob iyo himmo sareyso.

Sidee kalsoniddii hore oo kale la isu usoo noqon kartaa? Iyada oon marwalba ka eegeyno in lagu dhinac wado sinnaan iyo cadaalad, ayaa la isku yeeri Duubyada dhaqameedka oo dhan oo ah in la dhageysto fikradaha ay kasoo jeedinayaan in ummadda oo dhan isu calool fiyowaato,iyo habkii lagu gaari lahaa. Markale iyo markaleba ahmiyadda ay leedahay ayaan ugu soo celinaayaa: Odayaashaas lagasoo aruuriyo min Raskambooni- Raascaseer – ilaa Lowyacadde. Kaddibna amar lagu siiyo in isin walba qabiilkiisa uu ka soo uruuriyo hubka dadka shacabka ah gacantooda ku jiro. Si isku mar ahna gacanta dowladda logu wareejiyo. Dabcan howshaas dowladda iyo ciidamadeeda ayaa qaban karo. Markaa ayaa muwaadiniinta gudaha iyo dibadda joogto ay ku soo dhiiran karaan in dalkooda wax u qabtaan, waxna ka qabsadaan. Arrinkan maaha sida an qabo aniga iyo inta ila fikrada, inay dowladdan waxkale isku mashquuliso ama iska indha tirto. waa ulawiyaadkii (primary Objectives) loo doortay xukuumaddan, markaas ayaa “International communities” wax noo qaba karaan. Yacni waxaa imaneyso in Xududaha dalka ay “under control” ahaadaan, xukuumadda awoodeeda ay ku fiddo. Saa ayaa “Sovreignity” kusoo ceshan kareynaa. Haddi kalese, Kenya iyo Ethiopia seday doonaan ha yeellenee, kolkey rabaan way soo geli yaa ka ceshene. Maxxa yeelay gobol walba amba iraahdee qabiil walba wuxuu ka fejigan yahay uu ka baqi hubka qabiil kale gacanta ugu jiro. Waxaan aaminsanahay inaan arrinka dowladdu dhayalsan isla goor dhowba ku dhaqaaqdo, maxaa yeelay berri iyo badba nalaga heysto, taasna ay sababta ugu weyn ay tahay annaga oo isu jeedno midba mid kale uu cadaaweystay qoryo iyo tekniko la isu heysto. Gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya namaba soo haweeysteen anagoo isku duuban balse kala jabjabkeeni ayaa waxaasoo noo keenay. Maahmah talyaaniya waxay aheyd ” Due litiganti il terzo gode” oo ah laba walaal ah hadday colleytamaan cadowgood ayaa ka faa’ideysta. Anigoon jecleyn inaan dib ugu noqdo,ayay tahay inaan istaabsiino runta waxkastaba haka qaraaraatee.Cuqdad waaweyn baa qabaa’ilka dhexdooda ka jirta: Hawiye-Daarood, Daarood-Hawiye, Isaaq-Darood, Daarood-Isaaq, Hawiye-Isaaq…waxaa mar walba huriyo dowlado shisheeye markay dano naga leeyihiin, oo waaba noo caddahay Kuwa la baxay Puntland, Somaliland, Ahlusunna waljameeca, iyo kuwo kaleba in markey u arkaan in danahooda loo soo dhigtay ay qeylo dhaan afka ka yeerayaan ‘Tolbeelayeey”! (waa kuwa goboladaas xooga ku heystee ee Madaxweynayaal sheeganayo, ummadda somaliyeedna aan ka xishoonayn, kolkii xalka ku xun yahayna ula carara Ethiopia. Xaasha-Lillaahi dadweynaha gobolladaasi deggan waa dad Somali dhab, meel ay wax kaqabtaan bay la’yihiin…) . Intaas oo idil kuma imaneyso sida hadda wax lagu wado; ee waa in Somaalida quluubtooda la isu soo dumaa. Soomaliyana maaha Xamar keliya ee 18 gobol ayay ka kooban tahay, sidii berrigii hore oo kale maaha ee Xamar keliya wax walba ahaayeen, xitaa hadda waxaa jira magaalooyin latartamayo amaba ka horeeyaanba, sida Hargeisa, Bosaso, Galkacyo, Garoweba. Marka Cidan qaran la dhisayo waa in laga soo qoraa Gobollada Somalia oo dhan, ee aan ciidan gobolled lagu sheegin ciidan qaran .Cuqdadii Soomalida dhexdeeda isu qabtay waxay soo darsatay markii Dowladdi hore meesha ka baxday,qabiil walbana isku dayay inu maamul goboleyd sameysto, uuna la hoos galo Kenya ama Ethiopia, waxaana abaabulay dadkii xamar laga ceyrsaday oo is-habeeyay dhistay maaulo ku meel gaara ee maaheen wax rasmiya ama madaxweyne iyo wasiiro la isku magacaawo. Haddaba haba la is buriyee ma xumee, sideedaba yaa Xamar iska leh? Ma dadkii soo duulay baa leh mise dadkii laga soo ceyrshay? Taariikhda ayaa na xasuusini casrigii la oran jiray “European dark age” waa casrigii yurub mugdi gashay taariikhdeeda [Waana isla casrigii Nabigeeni Maxamed (S.C.W),lasoo saaray ee Risaalada loo soo dhiibay iyo Nuurkii adduunka oo dhan ifiyay kaddib]. Waa waqtigii kuwo la oran jiray “Parpari” ay kusoo duuleen Boqortooyadii Roomaanka (Roman Empire) ee aad ugu hormarsaneyd caalamakana ugu weyneyd,laakiin kuwaas oo xagga badda kasoo hujuumay ayaa dakan dakan ka dhigay kalana diray. Sida kuwaa “parpariga” ah u dundunsheen boqortooyadaas ayay kuwi 91kii kusoo duulay xamar u burburiyeen Somalia.

Sawir marqaati noqon karo wuxuu surnaan jiray Bar Croce del Sud ee Caffe laga cabi jiray ee ku yaalalay bartamaha Xamar. Maxuu sawirkaa muujinayay? Sawirkaa waxa sawiray nin European “Explorer” ahaa sahmiye dhul, oo markaa saarnaa doon Xamar usoo siday ninkaas, waana qarnigii 18aad. wuxuu ku sawiray waxii uu indhihiisa uga muuqday oo aheyd in Muqdisho 4 xaafadood ay ka koobneyd: Dhinaca midigta xaafadda C/Caziiz iyo massajidkeed, iyo deked macaamila oo ka dhisan halkaa, bartamaha waxaa ka muuqday suuqa X/Weyne iyo Shingaani, dhinaca bidixda waxaa ka jiray xaafadda X/Jabjab oo laba buur guryo yar ka muuqday. Waxaan fili in markassi ay iska caddahay in dadkaas waagaas iyo kahorba degganaa magaaladaas, ay iyagu yihiin dadka asal ahaan u leh Xamar. Intaanba waxaan usoo maray, in waayahan la isla dhexmaraayo, in qabiil qabaa’ilka Soomalia kamid ah uu Xamar iska leeyahay : oo ah Qabiilka hawiye. Haddii arrinkaa sax tahay waxaa loga fadhiyaa in ay iclaamiso dowladdan in Caasimaddii dalka ay leeyihiin qabiilkan iyo inti soo raacdo, ayan aheyn sidii hore oo qabaa’ilka soomaliyeed u wada sinnaayeen.

Maxaase Jubbooyinka maamul u sameyntooda lola hoos gelayaa IGAD (Igad-ka lasheegayo waa Kenya,iyo Ethiopia)? Labadan dowladood ee jaarka nahay isma bareeno waanu wada naqaanaa, waa kuwan kuwa aanba qarsanin Soomaliya inaan ciidan loo dhisin, hubna lasiin.keliya Police loo dhiso, haddi ay noqoto xuduudaha somalia, innaga Igad ah ayaa u ilaalinaaya. Hadalladaas iyo wax kadaranba, iyagoo isku halleyn ka heysta reer galbeedka, ayay waayahanba lasoo baxeen inay ku hadaaqaan. Haddi dowlad adag ee Somaliyeed soo baxdo waa laa shaki in dowladahani dana badan ay waayayaan. Maxaa yeelay, waxay kobceen intii aan burburka kujirnay 22kii sano. Sidaanu isu leyneynay, isu qarxinaynay, isu dulminaynay, ayaa Somaalidii ‘Libaaxa’ laga baqo ahaan jirtay ayaa laga dhigay ‘Mukulaal’ miskiina. hadal badan haan ma buuxshee, Somaali dhan walba marka laga fiirsho waa hal ummadood oo walaala ah; hal dhaqan, hal diin (kulli muslim sunniya), hal af, midabkeena, dhalashadeenab waa isku nooc, waxaanu nahay hal qabiil ee geeska afrika dego. Waxaana loo socdaa, oo jig iyo jac loo leeyahay waa: Xeebteena dheer, waa Dhulkeena dihin, waa Hawadenaa saafiga ah, waxaa kaloo la rabaa in ubadka soomaliyeed la gaaleysiiyo hadhow dib lagugu soo cesho isagoo masiixi “cattolic” ah ama “Protestante” ah. Waxaasoo dhan ay wada muuqdaan, ee Soomaaliyeey wadajira ee iscafiya, waxii lakala heysto isuceliya, islaaxna dhexdiina dhiga. Taas macnaha aan ula jeedo maaha inaan waxba lala qabsan, reer galbeedka, kuwa jaarka nala ah iyo Caalamka intiisa kaleba. Laakiin waa inay jirta “Mutual Interest” maslaxa naga wada dhexeysa, ayan noqon mid annaga nolaga faa’ideysto keliya….

Mr. Presidente, Paragraph-kaygaan waxaan rabay inaan wax yar isu sheegno, Inshaa-Allaahu, adiguna ii ogolaato. Assaalaamu Caleykum Warraxmatullaahi Wabarakaatu! Waxaan ka bilaawi Xadithki Rasuulkeeni Suubanaa [S.W.C], Toddobada qofoo harsan doonta Harka Illah, Maalinka Qiyaamaha waxaa ugu horeeya ‘Imaam Caadila”.

Fakhaamatu Raa’iis, sidaanu arkeenaba waddankii Somalia hoogaan dheer ayuu ka laalaadaa, waxaana u ah dad dadkaad taqaanid, ee la isku diray cadowgoodina si fiican ugu faa’ iideystay, waxaana logu soo ganbaday qabiil. Qabiilkasta lagu yiri qabiil hebel inuu idin tirtiro ayuu rabaa. Kolka xaalku sidaa yahay waa inaad la timaadaan adiga iyo dowladdaabu “shafaafiya” ee wax mugdi mugdi ku jira aydaan lasoo shir tegina, idinkoo u dhaartay weliba dadka dalka iyo diintaba, inaadan ku sifoowin qof meel ujanjeersan. masalan dadku waxay isweydiiyaan “Damul jadiid” maxay yihiin? Ma xisbi diiniya? Ma urur siyaasadedd baa? Ma koox isku qabiil tihiinbaa? Dadku waa fahmi la’yihiin weli. markaa waxaa loo baahan yahay in arrintooda si ‘Transparent’ ah dadka u bandhigto. Masalan, maxay dalka u qabtaan, iyadoo la og yahay inaad u magacaawday jagooyin sarsare adigoon Barlamaanka kala tashan weliba. Haddii ay kuu ahayeen “campeigners” kuu ahaayeen markaad isa soo sharaxday, taa waa laga soo gudbay ayaan fili. Haddiise aad leedahay ‘Lobbies’ ee kuusoo dhameeya ama kaa dhameeya, ayey isu beddeleen iydana caddee. Wixii la qariyo qurun baa ku jira la yiraahdaaye, meel un arrintooda saar. Way jiraan siyaasadaha qaarkood in la daboolo oo u qofkasta inuu ogaado aan loo baahneyn, waase arrimo uruursan oo si gaara dowladuhu u fuliyaan hadba duruufta siday tahay ah. Sidoo kale siyaasadihiina aad dooneysaan inaad dowladda ku socodsiisaan, si bayaana usoo jeediya adiga iyo Ra’iisu-Wasaarahagaba, dadkana u sharraxa waxaa damac san tihiin. Kolaaka ayaa bulshooyinka kala geddisan ku qanci karaan qalbigoodana u degi karaa. Wabillaahi-Towfiiq……

Signor Presidente, waxaan intaas kugu darsan lahaa inaan kusoo xusuusiyo Madaxweynihii kaa hooreeyay Sh Shariif wixii ugu horeeysay ee logu horyimaado ay ahaayeen macaawinooyinkii dibadda laga soo qaaday qaarkood aanan la garaneyneyn meeleey mareen. Iyo sidoo kale,kooxdii la dhihi jiray “Ala-Sheikh” oo aheyd koox isaga keliya taageersan waddanka waxay u qabanaayeen aan la fahamsaneynba. Marka adiguna ka fiirso koxdan. Sidaadaba kala dooro inaad koox yar, ama hal qabiil u noqotid madaxweyne, iyo inaad tahay Mas’uulka ugu sareeyo dalkeena somalia, oo dhan saasna Madaxweyne kuu doortay.

Sidoo kale, qormadaana aan wax yar isniraahno Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mr. Tarzan Assaalaamu Caleykum Warraxmatullahi Wabarakaatu. Salaan kaddib, waqtiggi ‘Orfano’ aad aheyd annaguna waxaanu degeneyn degmadii X/jajab oo la dhihi karo guud ahaan dadkeedu way isjeclaayeen, dhallintii waaga waxay aad ugu dadaali jireen inay sare u qaadaan waxbarashadooda iyo isdhexgalkooda, kuwa cusubna aan la takoori jirrinee lasoo dhaweyn jiray kaftankana wax laga siin jiray, si guudna xaafadihii ‘Anzilootti Alla moda’ la isku oran jiray ay wada ciyaari jireen balloni. Yaan hadalka kugu badinee, annigoo derisnimadaas hore tixraacaya, ayaan ku oran lahaa waxaad ayaan dhoweyto u geftay Professor A.I. Samatar, kolkii aad fagaaro soo istaagtay kuna tiri “Qashin adigaa ah Samatarow”. Mr. Tarzan muxuu ku muteystay professorka inaad ka ceyso TVga keliya Xamar ayuu ku sheegay “Rabbish”. Waa runtiisee 22kii sano ee lasoo gudbay, Muqdisho waxay noqotay meel qashin quba. Qashinkii lagu tuurayay waddoyinka waaweyn ayaa buuro uu ekaaday. (kuna darso aniga iyo Professorka ayanaan aqoon isu laheyn), marka Guddoomiye adiga ma lihid Magaalada Xamar, kamana xigtid Professorka, balse Somali oo dhan ayaa Muqdisho leh, cidna logama heybeysanaayo, cidna marti loguma aha casimadda. Haddii aad fikradaas kasoo horjeedid inoo soo caddee…. Arinkaa waxaan usoo qaatay in adiga Tarzana, aan laga fileyn waxaasoo kale, balse markaan dad badan la kulmay ay isku afahaayeen qabiilkastana ku jiray waxay isku waafaqsaneen in adiga M.N. Tarzan ah ayaaba lagu waday inaad tahay “Future President of Somalia”, maadaama lagu arko inadd horumood u tahay siday Xamar isu beddeshay horumar xoog lehna sameysay. Taana waad ku ammaanan tahay. Waa sidaase, aniga iyo dad kaleba aan qabno inaad u qalanto jagadaas, oo adeerkaa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay uguna fiicnaa, keliya ay tahay inaad isu soo sharraxdo, haddii Alle Idmo mustaqbalka. Maxaa yeelay waxaad u muuqataa nin firfircoon, wadaniya mutacallima, reer magaala oo daacada. waxaase la leeyahay jagada adeerkii waxa ka xiga inuu ‘attitude’kaaga beddesho, afxumadana ha joojiyo ayaa lagu leeyahay. Wabillaahi-Towfiiq……….

==============================

ibrahim67

I do not like to write – I like to have written.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s