Sarifka dollarka oo hoos u dhac hor leh sameeyey iyo qiimaha maciishada oo weli halkeeda taagan

Jahwareer xoogan oo dhaqaale ayaa ka taagan Suuqyada sarifka lacagaha Qalaad iyo kuwa ganacsiga ee magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka dib markii saaka uu hoos u dhac hor leh sameeyey sarifka lacagta dollarka Maraykanka marka loo bedelayo shilinka Soomaaliga.

Qiimaha dollarka oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa $100, labo milyan iyo labo Boqol kun Shso ayaa todobaad ka hor hoos u dhacay isagoo gaaray 1,900,000 (hal Milyan iyo sagaal boqol oo kun Shso) taasoo dadweynaha Soomaaliyed ku beeray walaac ku aadan arintaas.

Hase ahaatee xaalada ayaa ka sii dartay saaka ka dib markii sarifka lacagta dollarka ah ay sameysay hoos u dhac kale oo hor leh, waxaana $100kii Dollar uu gaaray 1,700,000 (Hal milyan iyo todobo boqol kun Shso)

Hoos u dhaca sii socda ee ku yimid sarifka dollarka ayaan wax isbedel ah ku keenin qiimaha maciishada iyo badeecadaha kale ee ganacsiga halkii la doonayey in iyana qiimahooda hoos loo dhigo lana waafajiyo dollarka qiimaha uu hadba caga dhigto.

Arintan ayaa waxay saameyn ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee lacagaha biilka ah dibeda looga soo diro iyo dadka shaqaalaha ah ee mushaharkooda ku qaata dollarka, kuwasoo sheegaya in lacag shilin Soomaali ah oo ka yar intii hore ay ku bedeshaan dollarka, halka qiimaha cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ee soo raaca uu qiimahoodu weli sidiisii yahay taasoo ay sheegeen iney khasaare ku tahay.

Ganacsatada cuntada iyo badeecadaha kale iibiya ayaa iyana sheegay in sababta ay qiimihii hore u iibinayaan alaabada ay hayaan ay tahay labo arimood oo ay ku ku kala sheegeen waa tan hore qiimaha dolarka oo weli sabeynaya meer loogu soo hagaagana aan laheyn iyo tan 2aad oo ah badeecadaha ay hayaan oo ay sheegeen iney ku qabaan qiimihii sare oo ay ku soo qaateen ka hor inta uusan dollarku qiimihiisu hoos u dhicin.
  
Lama oga rasmi ahaan waxa sababay hoos u dhaca ku sii socda qiimaha dolarka inkastoo la aaminsan yahay iney ka dambeeyaan ganacsatada ugu sarifka oo kala rog roga lacagahaas ka sameeyo faaiido dhaqaale oo badan, iyadoo wasaarada Maaliyada ee Somalia ay horey u sheegtay iney arrimahan wax qaban doonto.

Waxaaa jira sababo kale oo loogu maleyn karo in loo daliishado qiima dhaca ku yimid dollarka kuwasoo ah kulamada uu madaxaweynaha Somalia la yeeshay madaxda dowladaha Maraykanka iyo midowga Yurub oo dowlada loogu balan qaaday dhaqaale aqoonsina loogu fidiyey.

Hoos u dhacii ugu horeeyey ee xiligan ku yimid dollarka ayaa todobaadyo ka hor ku soo beegmay saacado ka dib markii uu dhamaaday kulan madaxweynaha Somalia iyo madaxda Maraykanku ku yeesheen magaalada Washington.

Hoos u dhaca maanta markii 2aad ku yimid qiimaha dollarka ayaa isna ku soo aaaday ka dib markii saaka uu soo baxay warka sheegaya in madaxweynaha Somalia uu magaalada Brussles kula kulmay madaxda midowga Yurub, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan waxaa isku soo beega hoos u dhaca qiimaha dolllarka iyo kulamada madaxweynaha uu la yeeshay madaxda maraykanka iyo kuwa Midowga Yurub.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s