Xisbiga Faroole oo laga soo horjeestay Inuu Xafiis Siyaasadeed ka furtay Magaalada Gaalkacyo

 

Bayaan ka soo baxay wax-garadka iyo Guddiga Badbaadada Gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inaan gobolkaasi laga furikarin xisbiyo siyaasadeed  maadaama sida ay yiraahdeen maamulka Faroole ee hadda ka taliya puntland uu yahay mid an wax sharciyad ah heysan .
Sida bayaanka lagu yiri shir ay isugu yimaadeen  magaalada Gaalkacyo Aqoonyahanka iyo waxgaradka Mudug  shalay oo jimco aheyd kaas oo daba socday shirar ay horey u yeesheen bayaan ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka puntland waxaana baaqaasi uu u qaraa sida tan Ugu horey   in sharciyadda golaha sharci-dajintu uu dhammaaday 31-kii October, 2012-kii, halka kan fulintuna uu jiritaan beelay 8-dii January, 2013-ka, in xukuumaddii hore ku fashilantay inay si sharciga waafaqsan u maarayso marxaladda kala-guurka sidaa darteedna ay mas’uul ka tahay faraaqa bannaanaaday iyo wixii eel ah ee laga dhaxlo.
In shacabka Puntland guud ahaan iyo si gaar ah kan gobolka Mudug ay soo dhaweeynayaan geeddi-socod walba oo ku aaddan dimuqraadiyadeeynta iyo u guuridda hannaanka xisbiyada badan,  si kastaba ha ahaatee, waxan hoosta ka xariiqeeynaa hannaanka uu maamulkii hore ku wado barnaamijkaas masiiriga ah in uunan ahayn mid ku bannaan dadka reer Puntland, xisbiyada lagu dhisayna ayan ahayn kuwo sharci ah oo ka tarjumi kara rabitaanka dadka reer Puntland. Waxan hoosta ka xarriiqeeynaa in barnaamijkaasi uu Puntland – iyo meel walba oo hannaanka xisbiyada badan ka hirgalo ka suuragali karo marka la helo shuruudaha sal-dhigga u ah hirgalintiisa sida, qeexidda rasmiga ah ee dhulka iyo xudduudaha Puntland, aqoonsiga rasmiga ah ee dadka reer Puntland. Marka si sharci ah oo caddaalad ah loo xaddido degmooyinka Puntland iyo soohdimahooda, marka si buuxda loo sugo ammaanka, shacabkana lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda, marka la taabba-galiyo hannaan caddaaladeed oo hufan kana madax-banaan maamulka, sida Maxkamadda Dastuuriga ah ee lagama maarmaanka u ah duruufaha caynkan oo kale ah, inta ka horeeysa xilliga ay soo dhameeystirmayaan daruufahaas.   Talo soo jeedin:
Haddaba si Puntland looga gudbiyo duruufahan adag si nabad ah isla markaana waafaqsan xeerarkii asaliga ahaa ee lagu dhisay maamulka ay ku bahoobeen dadka isir-wadaagga ah, waxan soo jeedinaynaa:   In lagu mintido lana ilaaliyo ammaanka guud iyo kan gaarka ah ee dadka iyo dalka Puntland, iyada oo dhinaca kalena si buuxda oo dastuurka waafaqsan loogu ololeeynayo shariciyadda loogana hortagayo wixii xad-gudub ku ah heshiisyadeennii hore. In dadka reer Puntland, gaar ahaan dhallinyarada ayan ku khatalmin, kana gacma-buuxsadaan fahamka xisbiyada aan sharciyadda ku dhisnayn ee la doonayo in asaas looga dhigo aayahooda fog. In Isimada marjaca u ah reer Puntland ay hubiyaan in hantida guud ee Puntland aan loo isticmaali karin dano khaas ah, sida in taageero loogu soo jiido xisbi iyo siyaasad gaar ah. Waxan u soo jeedinaynaa ciidamada ammaanka meel walba oo ay joogaan in ay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida maankana ku hayaan in ay adeegayaal u yihiin dadkooda, dalkooda iyo ilaalinta dastuurka. Ugu dambeeyntii waxan Isimida Puntland u soo jeedinaynaa in ay si degdeg ah u soo fara-galiyaan cakirnaanta siyaasadeed ee ka taagan Puntland inta ayan xaaladdu gaarin meel fara-ka-bax ah, isla markaana ay sida qabata uga taliyaan masiirka dadkooda iyo dalkooda.   Wabiillaahi Towfiiq:   Saxiixayaasha:
Nabaddoon Maxamuud Sheekh Doon Nabaddoon Yaasin Cabdisamad Nabaddoon Siciid Faarax Nuur Dirir Nabaddoon Maxamed Maxamuud Kalajaban Nabaddoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle Nabaddoon Cabdi Siciid Warsame Cabdulqaadir Shoole Axmed Maxamed Jaamac Ex Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Cabdirashiid Cilmi Guure Maxamed Muuse Bile Cabdisalaan Faarax Hoolif Jamaac Darbaal Faarax Cabdi Doorshe Siciid Cabdi Firin Maxamuud Cabdi Yare Sugulle Cumar Cali Bashiir Faarax Cali Xabiib Maxamuud Samatar Abshir Maxamed Aadan Cabdicasiis Nuur Xaashi Axmed Cabdi Jaamac Doob Maxamed Cabdi Cali Dhoobeey Cabdiqani Shancad Maxamuud Cabdille Cabdi Cabdidaahir Faarax Bootaan Cabdirashiid Mursal Faarax Sanweyne Cabdullaahi Maxamed Cabdi Cabdulqaadir Xirsi Aw-Farax Cabdullaahi Maxamed Muuse Kadiido Xasan Maxamed Cabdi Shoombe Xasan Daad Cabdi Cali Xaashi Faarax Khaliif Xasan Cabdinaasir Xasan Warsame Cabdullaahi Xaaji Jaamac Cabdiraxmaan Aadan Dalab Axmed Yuusuf Shirwac Cabdiqani Wasame Surweelle Axmed Khaliif Faarax Shamuuke Maxamuud Diiriye

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s