Lacagtii Carabta laga soo qaaday oo la isku haysto

Baraaruga Ra’iisal Wasaare Saacid iyo Bixida badan Xasan Sheekh, 4 Wasaaradood oo Madaxweyne hoos tagaysa iyo awooda Faarax C/qaadir, Lacagtii Carabta laga soo qaaday oo la isku haysto, Warbixin

Ra’iisal Wasaare Saacid markan fadhiga ayuu ka kacay waxaa uu bilaabay inuu Siyaasadda gudaha iska soo dhiso, waxaa uu kulamo Siyaasadeed la leeyahay waxgarad reer Muqdisho ah, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiro.

Muranka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo shaaci bixi doona maalmaha soo socda marka Ra’iisal wasaaraha gacanta u geliyo Ganacsato isaga ku xiran mashruuc dib loogu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Mashruucaas ayaa la aaminsan yahay inay ku baxayso lacag tiro badan, ninka hadda haaya Jagada wasiirka Warfaafinta ayaa isku bedeli doono qaab ganacsi, waayo dhawaan ayaa la filayaa in xilka laga qaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in 4 Wasaaradood isaga hoos tagi doonaan kuwaas oo kala ah, Wasaaradda Maaliyadda, Gaashandhigga, arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda.

Arrintan waxay soo shaac baxday markii dhawaan ay is qabteen Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan intii ay ku sugnaayan Magaalada Adis ababa oo shirkii Midowga Afrika ka socday.

Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa ka carooday hab dhaqanka (ninka ka soo jeeda Beesha Sheekhaal – Reer Aw-Xasan OO ah Faarax C/qaadir waxayna taasi keentay in Wasiirka Maaliyadda ka baaqsado safarka Madaxweynaha ku yimid Beljamka iyo London.

Waxyaabaha la isku haysta waxaa ka mid ah Faarax C/qaadir Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada oo soomaali u metelayay Shirkii dhaqaalaha ka dhacay Switzerland, waxaa lala yaabay iyadoo ay joogan Wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha dibadda sababta ku qasabtay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu shirkaas u diro Faarax C/qaadir.

Faarax C/qaadir dhawaan ayuu tagay dalalka Carabta, Lacagihii dalalkaas laga soo qaaday waxaa la siiyay ganacastadii maalgelisay olihii Madaxweyne Xasan markii u tartamayay Jagada Madaxweynaha.

Lacagtaas waa la isku haysta waana mida kicisay Ra’iisal Wasaare Saacid.

Faarax C/qaadir :Waa nin haysta Darajada Masterka, Ma qoslo, Saxaafada lama hadlo, Waa ninka kaliya ee Madaxweynaha dhegta wax ugu sheego, waxaa uu ku dheereeya arrimaha carabta, waxaa madax ka ahaan jiray Hay’adaha Waxbarashada ee ku xiran Carabta, waxaa uu ku hadlaa Luuqadaha Carabiga iyo Engelish.

Kamaal Daahir Guutaale, Agaasimaha Madaxyooyada waxaa uu u shaqeeya sidii wasiir arrimo dibadda, mararna waxaa uu u shaqeeya Lataliyaasha Madaxweynaha, waa nin dhalinyaro ah oo aad u awood badan, waa ninka kaliya gacanta ku haaya sirta iyo jadwalka Madaxweynaha, waxaa uu ku xiran yahay dhamaan Safaaradaha dibadda oo xad iyo jeer warka soo siiya.

Waa ninka kaliya ka war qabo Wafdiyada Caalamka ka socda ee taga Xamar, xataa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha war kama haayan waxaa dalka imaada iyo waxaa tagaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh 13 safar oo dibadda ah ayuu baxay, Laakiin Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Xamar ma dhaafin.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Aden Jawaari Xaaladiisa ma fiican waxaa uu dhawaan baandheyn doona turubkiisa Siyaasadeed marka uu ka soo laabto booqashada qoyskii Oslo.

Guuxa dadweynaha Magaalada Muqdisho waxaa ay sheegayan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Aden Jawaari uu sugayo furitaanka kala fadhiga Baarlamaanka markaas oo seeftiisa galka kala soo bixi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu ka daran yahay kaligiisa taliye hab dhaqankiisa oo isku soo koobay awoodii Dowladda.

Xaq waxaa uu u leeyahay in wax walba laga tashado laakiin ma laha awood fulineed, waayo waxaa jooga Golihii Wasiirada.

Ilo Wareed muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu soo jeediyay in shaqada laga eriyo Wasiirada Maaliyadda iyo Warfaafiinta Maxamuud Xasan Suleymaan iyo Cabdullaahi Ciilmooge.

Haddaba waxaa la arki doona Ra’iisal Wasaaraha talaabada uu arrintan ka qaadan doona.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha waxaa looga fadhiyaa inuu meel isaga mooso magacyada loo bixiyay ee la xiriira is muujin la’aantiisa.

Waxaana muuqata inuu maalmahan soo buraarugaya, waxaa la leeyahay waxa uu bilaabay inuu ku xirmo qoyska ay ka soo jeedo Xaaskiisa.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s