Waa in Nidaamka Federaalka lagu Saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland

Moment Media Group -Soomaalidu waa ineysan moogaan abaalka ay mudan tahay Somaliland. Deegaanka Somaliland waxaa ku wada nool beelo Soomaaliyeed oo si wanaagsan isugu dhex dhafan. Maamulka ka jira Somaliland waxey awood qeybsi u sameeyeen degaanada ay ka kooban tahay dowladnimadoodu. Waxaa Hargeysa si fiican uga hirgalay Somalilandnimo aan cidna si gaara loogu dulmineyn haddii aysan ku xadgudbin qawaaniinta u degsan Somaliland. Haddii aad tagtid Hargeysa waxaad dareemeysa awooda ay ku leeyihiin dowlada dadka Somaliland ee ka soo jeeda degaanada Awdal iyo Sool.Waxaad si gaara u dareemeysa sida ixtiraamka leh oo ay dowlada Somaliland kaaga fogaaneyso siyaasad ahaan marka aad ka soo jeedid Koofur, iyada oo aan inaba jecleyn iney wax kuu dhibto. Haddana dhinaca kale waxaad dareemeysa sida ay dadaal buuxda u gelineyso sidii ay isugu soo aruurin lahayd degaanada waqooyi, wax kastana ay u hurtay isku soo dhaweynta shacabka Somaliland.

Somaliland waxey abaal weyn ku mudan tahay ineysan marna ogolaanin in maamul-beeleedyo ay ka hirgalaan degaanada ay maamusho. Waxaa dowlada Somaliland tijaabo halis leh geliyey rag siyaasiyiin xuna oo damacoodu aha in beelahooda ay yeeshaan dhul ay dowlad ka noqdaan, kuwaas oo koofur, waqooyi,galbeed, iyo bariba u hulaalaya si ay u helaan aqoonsiga maamul-goboleed ku dhisan hal beel. Wadajirka Somaliland wuxuu wadar ahaan waxtar badan u leeyahay midnimada guud ee nolol ahaan u dhexeysa shacabka Somaliland oo aan sina u kala bixi karin. Wax la wadaago waxaa u wanaagsan nabada iyo awooda dowladnimada, dhaxalka la wada leeyahayna waxey tahay in qaab dowladnimo lagu maamusho, dadkuna ay wada helaan ku manaafacsigeeda.

Waxey sidoo kale dowlada Somaliland dadaal badan u gashay ineysan deegaanadeeda ka curan abaabulo ay hogaaminayaan koox-diimeedyo. Ciidamada ay horkacayaan wadaadadu waxey dhuungal ku yihiin nidaamka dowladnimada ku dhisan dimuqaraadiyada ,taas oo shacabka ogolaanshahiisa ka turjumaysa. Waxaa koofurta dhiig badan ku daadiyey wadaado hubeysan oo xukunka dowladnimada ku doonaya iney marooqsi iyo cabsi gelin ku noqdaan madax aan laga daba hadlin. Waxey Somaliland mudan tahay abaal haddii ay dadkeeda ka badbaadisey daadashada dhiig ay horseedayaan wadaadada degaankooda.

Waxaa xusid mudan in hanaanka dowladnimo iyo dimuqaraadiyada ka hirgashay Somaliland ay tahay horumar mudan ku dayasho iyo in loo qiro amaan weyn. Waxa abaal mudan madaxda Soomaliland oo wadankooda oo saboola ka hirgeliyey nidaamka xisbiyada badan oo ay kala siman yihiin heerka wadamada hodonka ah, si nabadana iney madaxdoodu xilka ula kala wareegaan iyaga oo aan la kaashan shisheeye. Arrintan waa mid madaxda Somaliland ay ku mudan tahay qadarin weyn iyo iney ku dayasho wanaagsan u noqdaan Soomaalida inteeda kale. Ma sahlana in wadan saboola ay ka hirgasho dimuqaraadiyad dadkeeda siisa xoriyad iyo xuquuqdooda wadaninimo oo buuxda.

Soomaalida degan Somaliland waxey dhibaato ka soo gaartey dowladii milateriga ee xukumeysey Soomaaliya, inkasto dowlad kasta uu wajibaad ka saaran yahay iney la dagaalanto kacdoonada duminaya jiritaankeeda, haddana waxaa si gaara oo ku talogal ahayd loo bartilmaameystay shacab aan hubeysneyn oo loo adeegsadey awoodi xooga dalka. Sidaas oo ay ahayd oo ay cadeyd in gaboodfal ka baxsan Soomaalinimada loo geystey shacabkaas ayey haddana madaxdii Somaliland ka shaqeeyeen dibuheshiisiin dhaba, kana gudbeen dib u milicsiga waxyaabihii foosha xuma oo lagula kacay, kuna tilaabsadeen horumarinta danahooda mustaqbalka. Waxey madaxda Somaliland libin badan ku hanteen sida xeeladeysan oo ay uga gudbeen dagaal sokeeye inuusan degaankooda ku daba dheeraan, taasna waxaa abaalkeeda iska leh hogaaminta wanaagsan oo ay talo wanaagsan ku gaareen hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee madaxda Somaliland. Sow abaal aan la iloobi karin ma mudna hogaamiyeyaasha Somaliland oo baajiyey dhiig badan inuu ku daato degaanada Somaliland wakhti ay soo mareen xaalad adag oo tiiraanyo xoogan ay ka dhex jirtey gudaha shacabka Soomaliland. Hogaamiyeyaasha wanaagsan waxaa astaan u ah in shacabkooda ay ka leexiyaan qatarta soo foodsaarta,una jeediyaan rajada wanaagsan oo ay u abuuraan ayaaha mustaqbalka dadkooda.

Dadka ka soo jeeda Somaliland waxey hanti badan uga maqan tahay koofurta Soomaaliya oo in badan oo iyaga ka mid ah ay hantidooda ku maalgashadeen degaano ka tirsan koofurta Soomaaliya, waxaana maalgelintaas sabab u ahayd nidaamka isdhexgalka oo reer waqooyiga ku dhiirogelinayey in shaqaalaha dowlada iyo gancsigaba ay awood ku yeeshaan degaanada koofurta sida Jubada Hoose, Shabeelada Hoose iyo Banaadir. Ka dibna burburkii dowlada dhexe ay milkiyadaas ka maqan tahay gacanta hantileyaashi reer waqooyiga. Sidaas oo ay tahay ayey dowlada Somaliland garawsatay oo ay go’aansatay in la sugo goorta ku haboon in la gaaro marka laga wada hadlayo waxyeelada ka dhalatay midnimada iyo sidii loo kala mag qaadan lahaa ama loo kala bixi lahaa. Midnimada Soomaliya waa mid ku timid si xora oo koofur iyo waqooyi ay rabitaankooda ku midoobeen, maantana ma muuqato in cidna lagu jujuubayo haddii ay dooneyso si iqtiyaara iney uga baxdo midnimada. Waxey Somaliland amaan iyo abaalba ku mudan tahay ineysan marna muujin falal cadowtooyo oo ka dhan ah Soomaaliya ama shacabka koofureed oo nabad iyo naxariisba kala kulmay dowlada Somaliland. Somaliland waxey leedahay damiir dowladnimo oo hanaankeedu sareeyo, taas oo ku taagan ku dhaqanka sharciga iyo dhowrista xaqsoorka Soomaalinimada.

SOMALIA-qabyaalad

Somaliland inkastoo ay dadaal weyn u gashay madaxbanaanideeda, haddana waxyaabaha gaabiska u keenay waxaa ka mida iney ka marin habowday iney bariga, galbeedka, bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ay xoojiso iskaashiga ay ku hormarineyso degaanadaas sidii ay u sameysan lahayeen maamul wanaagsan iyo sidii ay degaanadaas uga taakuleyn lahayd hirgelinta nidaamka dimuqaraadiyada, tilaabadaas waxey u soo jiidi lahayd Somaliland iney degaanadaas hiilo iyo garawshiyo uga hesho aayo ka talintooda. Waxaa tilaabadaas xigi lahayd in dad magac ku leh degaanadaas ay fursad u helaan ka qeybgalka dowlada Somaliland, taasna ay ra’yiga caalamka geliso in rabitaanka Somaliland ay la qabaan masuuliyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda degaanada koofurta. Siyaasadaas waa mid seegtay madaxda Somaliland oo aragtidooda ku koobay degaanka Somaliland, taasna ay ka dhalatay go’doon iney gasho aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, taas oo loo macneystay aragti hal dhinac ku kooban.

Somaliland waxey Somalida ka mudan tahay in lagala shaqeeyo abaalka ay geysatay in dib loogu celiyo, lana siiyo fursad ay Hargeyso ku noqoto caasimad Soomaaliyeed, raisulwasaaraha jamhuuriyadana la gudoonsiiyo, diblomaasiyiinta shisheeyahana ay xaruumo ka sameystaan Hargeysa, Hargeysana ay si gaara magaalo madax looga arrimiyo u noqoto gobolada waqooyi, bari iyo bartamaha, loona qeexo wakhti ku haboon oo lala hirgelin karo afti Soomaalida looga dhex goobo taageerida madaxbanaanida Somaliland. Hirgelinta howlahaas in badan waxey ku xiran tahay madaxda Somaliland oo looga baahan yahay iney dabac siyaasadeed ka muujiyaan xagjirnimada ku dhisan Somalilandnimada ay isugu koobtay degaanada Somaliland. Aqoonsiugu waa inuu ka dhaqan galo guddaha oo dadaal adag loo galo sidii shacabka Soomaalida looga dhaadhicin lahaa in curashada dowlad kale oo Soomaaliyeed ay waxtar badan u leedahay Soomaalinimada.

Inkasto siyaasiyiin xun ay horkacayaan kacdoonka ay wadaan dadka ka soo jeeda Sool, haddana Soomaalidu dadka degaankaas waxey u hayaan qadarin wadaninimo oo ah iney naf iyo maalba ay u soo hureen xoreynta waqooyiga.

Madaxda Somaliland waa iney aad uga fiirsadaan xal u helida dadka Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Sool. Sida muuqata muwaadiniintaas ku dhaqan ma ahan gobolada bari ama kuwa koofureed, mana ka maqnaan karaan degaanada waqooyiga oo dad ahaan iyo dhaqan ahaan ay isku milmeen, waxaa lama huraan ah in dib loo raadiyo dibuheshiisiin dhab ah oo la dhex dhigo dowlada Somaliland iyo shacabka Somaliland ee gobolka Sool. Taasna waxey ku imaan karta wadahadal lagu xoojinayo xoriyada iyo xuquuqda degaanka, wada noolaanshaha dadka wada degan gobolka iyo ka qeybqaadashada awooda dowlada dhexe ee Somaliland.

Ma dhowa mana dheera aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland. Somalilandnimo mitida oo keliya ma keeni karto, laakiin waxaa ii muuqata rajada wanaagsan in Soomaalidu ay kala shaqeyn doonto walaalahooda waqooyi abaalka ay mudan yihiin oo ah in madaxbanaanidooda la aqoonsado, iyaguna ay xasuustaan in ay la yimaadaan isbedel siyaasadeed oo wakhtiga ku haboon abuuraya jawi u hiilinaya madaxbanaanidooda.

  1. Waqooyi iyo Koonfur
    Figradda hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliland ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta SoomaaliyaDadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd laba gobol oo ay kala gumeysan jireen laba gumeyste. Markii ay iska xoreeyeen gumeysigana, labada gobol iskood ayay iskugu tageen. Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka billowday ku xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol midoobaan, ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka. Inkastoo aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani ku doodaysaa, ujeeddadu way iska caddayd. Haseyeeshee, reer Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna ku duudsiyey reer Waqooyi. “Guuxa keenay dagaalkaba wuxuu salka ku hayaa nidaamka federaalka oo lagu xadgudbay,” ayey dadkani qabaan. “Marka haddii Soomaaliya ay isku soo noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo oo loo gorgortamo Waqooyi iyo Koonfur” ayey dabadhigaan.Dhanka kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka) waxay u arkaan inaysan macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale, waxaa iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door bidayaan in nidaamka lagu saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii militariga ee ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka kale, waxaa jira figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi dib ula noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar kale Koonfur kala hadasho midnimo. Marka la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis, waana lagu heshiin karaa wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in sidaas la isku oggol yahay. Haddiiba la qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta awoodda dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab ka dhigeysa in gobolladu ay yaraadaan. Tan kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku ay kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan lagu daro muhimadda ay leedahay in midnimada Soomaalida la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon tahay in tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo Koonfur. Marka dhinacaas laga soo fiiriyo waxaa la dhihi karaa waa arrin suurtagal ah in federaal laba gobol ka kooban la sameeyo.

Haseyeeshee, arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka uu wato nidaamka federaalka ah ee aan kor ku soo sheegay. Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii la imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha ka maqnayn in wax kasta oo nidaamka federaalka lagu samayn karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira sida waxa afka qalaad lagu yiraado Decentralized Unitary State (dowlad dhexe oo haddana gobollada iyo degmooyinka siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar ay is-weydiiyaan faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u dhexeeya faraq weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo mar kale

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s