Soomaaliya waxey gashay xaalad halis badan.

cropped-ibrahimipad.pngNovember 26, 2013 Opinion-Soomaaliya waxey gashay xaalad halis badan. Isbedelkii la rumeysnaa inuu dalka u horseedayo mustaqbal wanaagsan wuxuu noqday mid dhicisoobey. Waxaa abuurantay koox yar oo kelitalisa oo madaxtooyada taladeeda ay la rogmatey. Waxaa dalka doonaya inuu awood ku dirqiyo wasiirka arrimaha gudaha oo xaruuntii dembi baarista booliska u rogey xabsi siyaasadeed oo lagu caburiyo siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta, isaga oo amar ku bixinaya in la soo xiro cidii ka hortimaada tala xumida kooxdaas. Waxaa halis xoogan ay la soo deristey haweenka Soomaaliyeed oo kufsi qarsoon ay kula kacayaan dad u muuqda iney taageersan yihiin kooxdaas.

Wadanka taladiisa waxaa soo dhexgalay qalalaase saameeyey dhaqaalaha, siyaasada, iyo dareenka bulshada. Waxaa dumey awoodi dowlada, ku dhaqanka sharciga, iyo xoriyada ay dadku u leeyihiin iney aragtidooda wadaninimo ay ka dhiibtaan talada dalkooda. Waxaa soo muuqata saansaankii dalku soo maray 1969, taas oo ka dhalatay awoodi dalka oo uu si dadban u marooqsaday wasiirkii arrimaha gudaha, baarlamaankuna uu awoodi waayey inuu talaabo sharciya ka qaado. Xaaladaas khatarta ahayd waxaa ka dhashay shirqoolkii lagu diley madaxweynaha dalka. Waxaa dalka ka jira xaaladaas mid la mida oo kicineysa halis dhalisa masiibooyin ay waxyeelo raagta ka dhaxleyso shacabka Soomaaliyeed. Dadkii rumeystay kooxda isku koobtay talada dalka ayaa ku hungoobey hayiin raaci quruxda badnaa ee farxada loogu gacan haatiyey, maantana si xanuun badan ku garwaaqsaday sida loogu been guurey.

Khilaafka madaxda dowlada waa mid ku soo biyo shubanaya in codka baarlamaanka lagu shubto, taasna waxey na xasuusineysaa 1969 in ay ahayd midii horseeday in wadanka uu ka dhaco afgembi militari kadib markii madaxda dalka ay ku shubteen doorasho ku sheegi la qabtay Agoosto 1969. Wadanku ma laha maanta ciidan xoogan oo dalka ka badbaadin kara qas siyaasadeed, waxeyna u muuqataa in qalalaasaha ay wadaan kooxda madaxtooyada ay dalka gelin doonto dhiig badan oo daata, hanti iyo naf badan oo lagu waayo. Dhagartii ay maleegeen xildhibaanadii 1969, midkoodna kama badbaadin, waana sidan sida ay ku socoto kooxdaas qaab dulmiyeedka u abaabulan.

Haddii ciidanka sharci fulinta iyo awoodaha maxkamadaha loo adeegsado ujeedooyinka siyaasadeed ee kooxdaas oo ay dhacdo in madaxtooyada laga soo gooyo xariga iyo maxkamadeynta shaqsiyaadka ay halista u arkaan inuu khatar gelinayo damacooda siyaasadeed, waxaan la hureyn in adeegsiga xeeladaas ay muujineyso in adeegyada ciidanka booliska iyo maxkamadaha uusan noqon doonin mid la isku haleyn karo madaxbanaanidooda, kuna tilmaameysnayaan kuwo loo soo diyaariyey fulinta awaamiirta loo soo qorsheeyey.

Khatarta maanta ay leeyihiin maleeshiyaadka ciidanka dowlada waa mid abuuri karta iney u kala qeybsamaan qaab beeleed iyaga oo ka turjumaya dareenka kacsan oo ay tabenayaan bulshooyinka kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa madaxdeeda lagu soo xulaa si qarsoodiya oo aan waafaqsaneyn sharciga lagu maamuuso shaqaleynta howlwadeenada dowlada, taas waxey dhalisay hilaac beena in loo bidhaamiyo masuuliyiin si qaldan loo soo gacan geliyey, kadib marka ay arkaan hadaanta loo qoday iyo qiyaanada lagu gelinayo dembiyo culus ayey go’aan sadaan iney ka baxsadaan xilka maqaar saarka loo huwiyey. Cararakii gudoomiyaha Bangiga Dhexe ceeb weyn baa ka raacday madaxtooyada iyo madaxda sare ee dowlada.

Saraakiisha ciidanka Xooga Dalka ayaa intooda kartida wanaagsan laga fadhiisiyey howl gudashadoodi, waxeyna kooxda madaxtooyadu garwaaqsatay ineysan saraakiishaas u dhega nuglaan doonin awaamirta kooxdaas ku daaban sirdoonka qaar ka tirsan wadamada Carabta. Kuwii lagu bedeley kuwaas ayaa maanta quus ka jooga kuwii ka soo shaqeeyey in xilalkaas loo magacaabo, waayo maanta waxaa u cadaatay ineysan jirin halgan qaranimo oo loo dagaalamayo, laakiin ay dareemeen in loo dhimanayo koox yar oo qorsheysatay talada dalka iney si dirqisa ku muquunsato. Dadka Soomaaliyeed waxey walaac weyn ka qabaan waxa uu noqonayo mustaqbalka Soomaalida haddii kooxdaas ay afka u dhigtaan adeega baarlamaanka, garsoorka, iyo ciidanka qalabka sida. Waa saddex taariikhda Soomaaliyeed si xor ah in la isula helo horay loo waayey. Haddii cadaalad darro, xoriyad la’aan, iyo xadidid la’aan awooda madaxda fulinta ay ku soo wada kulanto shacabka Soomaaliyeed, waxaan shaki lahayn in Soomaaliya ay dowlad la’aan dib ugu noqoneyso, taas oo aysan jirn cid faa’iido gaara ka heleysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa qaaday wadadii uu horay ugu dhumay mid ka horeeyey ee dowladdii milateriga,kaas oo u geystey dadka dhibaato si uu u muujiyo inuu daacad u yahay howlaha kacaanka, nasiibdarose ay isaga ku soo biyo shubatay gabood falkii uu geystey, xushmad darrina uu dadkiisa kala kulmay burburkii ka dib.

Inkasto borobagaandada raadiyaha dowlada aysan wax horumara ku soo kordhin hiigsigii ay ummadu ku haminayeen, haddana waxaa kooxda madaxtooyada ka soo ifbaxay iney ku xadgudbaan xuquudda haweenka Soomaaliyeed oo kufsi iyo xarig ay isugu daraan. Haddii aysan gabdhihii Soomaaliyeed ku badbaadi karin madaxtooyada, meelaha ay joogaan maleeshiyaadka dowlada, iyo xaafiisyada dowlada oo ay ka raadsanayaan shaqada, miyeysan u muuqan in dowladu ay halis weyn ku tahay magan gelinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa guuldareystay magacaabista madaxda aan maamulka aqoonta u lahayn oo sida xun loogu abaabuley dhismaha gobolada dalka, gaar ahaan maamulka Juba. Waxaa fashilmay hanaankii maaliyada dalka oo musuqmaasuq baahasan uu dhabarka ka jebiyey. Waxaa waxba tari waayey qowleysato wasiirnimo ku bahaloobey oo dadaalkooda laga dhaxlay khasaaro isugu jirta amnidarro, mariin habaabin, iyo xulafeysi qaldan.

Dad badan oo aaminsanaa, una riyaaqayey dooga ay ruxayeen kooxda madaxtooyada, ayaa maanta ay u cadaatay wajigooda dhabta ah oo ku saleysan qiyaamada iyo awood boobka ay ku kacayaan. Qaawanaanta ku dhacday kooxdaas waxey abuurtay carro badan oo kooxdaas ay u qaadaan suxufiyiinta, siyaasiyiinta, milkiilayaasha warbaahinta madaxa banaan, iyo shaqsiyaadka iska diidey xilalka looga been abuuranayo. Burcadnimada ka dilaacday madaxtooyada waxey sababtay in dil loogu hanjabo gudoomiyaha Bangiga Dhexe oo dalka isaga baxsaday, in la xiro milkiilaha warbaahinta Shabelle, in la casilo qaar ka mida madaxda sare ee dowlada, kuwaas oo dhamaantood loo heysto in dhaqaalihii dowlada dibeda ka soo geli lahaa ay ku noqdeen caqabad.

Kooxda ka talisa madaxtooyada waxey iska dhaadhiciyeen in haweeney haddii loo dhiibo madaxa golaha wasiirada iney wax badan u dabac sanaan doonto, waayo waxey aamineen haweenku iney raga madaxda u ah ka amar qaadan ogyihiin, wax walbana ay kala weyn tahay xilka loo magacaabo. Hadda waxaa xilkaas loo raadinayaa haweeney ka soo jeeda beelaha Muqdisho looga awooda badan yahay si caga jugleyn iyo handadaad wax walba looga dhameysan karo. Waxaa sidoo kale shaxda lagu qotomiyey in xulashada markaan laga doono waqooyiga Soomaaliya oo la aaminsan yahay in shacabkaas aysan kalsooni cidna koofurta ugu soo magacaaban. Waxey kooxdaas is tusiyeen haddii lagu guuleysto helida haweeney ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya oo aaminsan in si qaldan lagu soo xushay iney danahooda u adeegeyso oo amarada la siiyo aysan war ka soo celineyn.

Waxaa wakhti dhow soo muuqanaya inuu dulqaadka ka dhamaanayo bulshada caalamka oo ay hogaamineyso UNka, kuwaas oo sir badan daboolay si aysan caalamka waji gabax ugala kulmin, maadaama ay yihiin iyagu kuwa soo hindisey qaab dhismeedka dowladan, xog badana ka hayey musuqa siyaasadeed oo ay ku yimaadeen madaxda talada haysa. Haddii aysan bulshada caalamka digniin hore ku soo banaan bixin ceebaha qarsoon oo ay xogteeda ka warqabto, waxaa dhaceysa in UNka iyo bulshada caalamka ay qaadan doonto masuuliyada afooyinka ka dilaaca Soomaaliya. Waxaa sidoo kale dhowaan la filayaa in madaxda la casilayo ay xog badan oo dadka ka qarsoon dibeda soo dhigi doonaan, iyagoo sida runta u dhow daaha uga qaadaya cida ka dambeysey masuuliyada waxqabad la’aanta dowlada. Sida muuqata cid kasta oo qabta miyirkeeda kama badbaadeyso dulmiga madaxtooyada ka holcaya. Haddii Soomaalida iyo bulshada caalamka aysan si wada jira uga gaarin xal deg deg ah, waxaa hubaal ah iney kooxdaas wadanka gelineyso xaalad ay adkaan doonto inuu dhaqso uga soo kabto. Dadkii horay wada shaqeynta ula sameyey madaxtooyada haddii ay noqon lahayd shisheeye iyo sokeeyaba waxey ku qaldameen qosolka waraabaha oo ay rumeysteen.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s