Dhul Badeedka Soomaaliya Waa 750 KM!

Dhul Badeedka Soomaaliya Waa 750 KM!

Dhul Badeedka Soomaaliya Waa 750 KM!

 July 15, 2014 – Xisbiga Xuriyadda – Waxaa jira in wadamada ay kor u kacday awoodooda dhaqaale oo u badan kuwa reer Yurub ay had iyo jeer horor ku yihiin kheyraadka dabeeciga ah ee addunka oo ay doonayaan si toosa iyo si dadbanba iney u dhacaan, gaar ahaan wadamada saboolka ah oo soo koraya. Wadamada reer Yurub horay waxey ugu guuleysteen in wadamo fara badan ay dhaceen macdantii dalkooda ku jirtey iyo waxyaabo badan oo kale oo qiimo leh oo dalalkaas ay hodan ku ahaayeen xiligii ay gumeysanayeen. Waxaa laga soo gudbey xilgaas, waxaana loo soo gudbey xilgii aqoon wax lagu xadi lahaa oo madax aan waxba kala fahamsaneyn lagu xadi lahaa sharciyo caalamiya oo cilmiyeysan, kuwaas oo dhaxalka dalalkaas ka dhiga mid xaquuqdooda loo wada siman yahay lahaanshihiisa.

Wadamada horay u maray sharciyada iyo shirarka caalamiga ah oo ay soo abaabulayaan waa kuwo ay ka soo fiirsadeen, dantoodana ay ku soo jaangooyeen, haddana si aan loo maleyn karin oo la cilmiyeyey looga soo fekerey naqshadeyntiisa iyo u qurxinta wadamada loo maleegayo hagar daamooyinka. Wadamadaas awooda weyn waxey heshiis ku yihiin in qaab kasta oo loo mari karo in loo maro sidii loo dhici lahaa dhaqaalaha ku duugan wadamo badan oo aan lahayn awooda ay kula soo bixi karaan, maxaa yeelay aqoonta iyo qalabka loo adeegsanayo sahanka, gadiidka, iyo soo saarida iyaga ayaa iska leh, mana jirto cid awood aqooneed isaga hubin karta baaristooda iyo qarsoodiga ay u daldalanayaan kheyraadka qarsoon ee ku hoos jira badda hoosteeda.

1958 ayey bilaabeen wadamadaas horarka ku ah kheyraadka wadamada soo koraya iney maleegaan shirar caalamiya oo ay ujeedooyinkoodu ku soo koobeen iney ku saleysan tahay dadaalo ay ugu jiraan samatobixinta lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka ka taagan kaluumeysiga iyo qoditaanka shidaalka laga soo saarayo baddaha dhexdooda. Natiijooyinka shirarkaas ma uusan noqon mid loo dhan yahay, waxaana dadaaladooda dhantaalay xilgaas oo uu Dagaalka Qabow dhaliyey xasarado xamaasadahoodu ay aad u sareyeen.

Shirarkaas waxey xoog u bilowdeen mar kale 1973, wuxuuna soo gabagaboobey Disember 10, 1982, halkaas oo laga soo saaray qawaaniinta lagu dhaqayo xuduudaha wadamada ku yaala badda, waxaana xeerkaas lagu dhaqayo xuduudaha badaha uu noqday howlgal Nofember 16, 1994.

Waxey qorayaan xeerarkaas in wadan walba oo xeeb badeed leh in biyaha badda uu ku leeyahay 22 km oo keliya, waxaa xiga dhul badeed 22 km oo uusan lahyn wadankaas, laakiin ay weli awoodiisa wadankaas hoos imaneyso, waxaa xiga dhul badeed marka laga soo bilaabo xeebta ilaa balaciisu uu noqonayo 370 km, kaas oo noqonaya dhul badeed ay dowladaas sharaf ahaan loogu maamuusay iney u leedahay xaq u ogolaanaya in kheyraadka ku hoos jira badda ay ka faa’ideysato, wixii gaadiida ee dul maraya ama hoos marayana aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Ogolaashahaas waa mid ku saleysan hab maamus lagu sharafay wadankaas xaq ahaan, laakiin uusan lahayn dhul badeedkaas. Waxaa jira dhul badeed marka laga soo bilaabo xeebta ilaa dhererkiisu gaarayo 750 km oo lagu qiyaasay inta dhulka wadankaas uu badda hoosteeda ka soo gelayo. Waxaa si cad xeerarkaas loogu qeexay in wixii ka badan 22 km dhul badeedka wadamada xeebaha leh in aysan wadamadaas milkiyadooda lahayn oo uu dhulalkaas ka mid noqonayo dhul badeedka Caalamka, sidaasna uusan dalna dal kale ka xigin.

Somaliya waxey ku leedahay dhul badeed dheer xeebaha ku yaala galbeedka badweynta Hindiya, mana jirto wadan ku yaala xeebaha bariga badweynta Hindiya oo dhul badeedkoodu isi soo gaari karo oo Soomaaliya ay kala dhexeyso muran ku saabsan dhul badeed.

Dhulka Soomaaliya oo ka kacaya xeebaha waa mid badda dhexdiisa ku soconaya ilaa 750 km, markaas kadib ayaa waxaa bilaabanaya salka bada oo uu ku soo dhamaaday dhulkii soo gelayey, sidaasna lagu gaarayo salxada salka siman ee badda, waana halkaas meesha ay sida rasmiga ah ay badweyntu uga bilaaban karto. Sidaas daradeed ayaa loo baahan yahay in la xaqiiqsanaado in dhulka Soomaaliyeed ee badda dhexgelaya uu si kala sareysa uu marba marka ka dambeeya hoos ugu dhacayo ilaa uu ka gaaro badda salkeeda siman oo uu ku dhamaanayo xuduudiisu.

Soomaaliya waxey lahaansho ay u madaxbanaan tahay ku leedahay dhul badeed gaaraya 750 km. Dowladii ay hogaamineysey xukuumada milateriga waxey Soomaaliya horay ugu saxiixday dhul badeedkeedu inuu yahay 370 km (200 nmi), waxey kaloo u qaadatay 370km ee xiga dhulkaas inuu yahay dhul ay kheyraadkeeda iyada ku keli noqonaya oo uusan ka mid noqoneyn dhul badeedka caalamka, waxaana arrintaas ka taagneyd muran aan si wada jira wax go’aana aan looga gaarin ilaa ay ka burburtay dowladii milateriga.

Markii Dagaalka Qabow uu dhamaaday, Soomaaliyana ay noqotay dowlad la’aan ayaa heshiisyadii dib loo bedeley oo sida ay doonayeen ay heshiis ku gaareen. Wadamada aan saxiixin heshiiskaas waxaa ka mida wadanka Mareykanka oo diidey inuu aqbalo heshiiskaas, sidaasna ay uga horyimadeen mar haddii aysan jirin wadan kale oo ay isku heystaan dhul badeed oo keeni karta in la soo gaabiyo lahaanshaha Dhul badeedkooda.

Wadamada reer Yurub waxey soo dacayeeyeen wadamada ay horay u soo gumeysan jireen oo Soomaaliya ay ka mid tahay, waxeyna ku qanciyeen dhaqaale ay ugu abaalmarinayaan saxiixida heshiiskaas, sidaasna waxaa ku saxiixay 165 wadan oo intooda badan aysan lahayn dhul badeed, waxaana diidey oo kale wadamo ay ka mid yihiin Eriteriya iyo Israil, wuxuuna heshiiskaas sidaas ku noqday mid caalamiya oo xeerarkiisu ay noqdeen kuwo caalamiya. Xeerarkan dhaqan gelintooda ma jirto cid qasab ugu xilsaaran, laakiin waxey noqonayaan kuwo qiil ahaan loogu soo daliishado marka ay wadamada awooda badan damcaan adeegsigooda ama ay timaado murano ka dhaca dhinaca xuduudaha badda, kuwaas oo dal walba u ogolaaneysa iney dhul badeedkaas ka baxsan 22 km iney kor marto, hoos marto, iyo iney wixii kheyraada oo ay awoodaan iney farsmo kula baxaan.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu UNka u qoray Qoraal taariikhdu marka ay ahayd Juun 30, 2014, qoraalkaas oo ujeedadiisu ay tahay in mowqifka Soomaaliya ay ka taagneyd 1973 dhul badeedka Soomaliya uu ku sameeyey isbedel, wuxuuna ogolaaday in Soomaaliya aysan lahayn dhul badeed oo ay ka tanaasushey, taasna bedelkeeda uu qaatay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in lagu xushmeeyo dhulbadeedka baaxadiisu gaareyso 370 km in kheyraadka ku hoos jira ay mudnaanta kowaad ku leedahay ka faa’ideysigeeda, wixii intaas ka soo hareyna ay caalamka intiisa kale ula siman tahay.

Taas xataa waxey meesha ka saartay 22 km oo dal kasta oo leh xeeb badeed inuu dhul badeed balacaas leh u lahaan karo. Qoraalka nuucaas faraya macnahiisu waxey tahay inuumadaxweynaha aqbalay inuu ka tanaasuley qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed oo uu ku daray dhulalka caalamka oo aysan cidna cid kale ka lahayn.

Waxaa arrintaas ka dhalan kara in uusan wadanka Soomaaliya u madaxbanaaneyn inuu maamusho kheyradka badda, inuusan awoodin ilaalinta badda oo cid walba kaa soo geli karto, inuusan xal ka keeni karin wasaqeynta badda oo sunteedu ku soo dhamaaneyso waxyeeleynta dadka degan berriga, iyo inuusan talo badan ku lahayn ganacsiga baaxada weyn ee ka dhexjira badahiisa. Taas waxey ka loo suurto gelineysaa inuu qiil uu u helo cadawga oo uu keensado maraakiib dagaal meel wadanka dhinaca badda ka jirta 22 km, isaga oo ku doodaya inuu dagaalka ka soo qaadayo dhul badeedka caalamka, taasna waxey u muuqata mid difaaca qaranka gelineysa halis, dalkana u horseedeysa inuu u nuglaado oo si rukuucsan ay madaxdiisu ugu adeegto danaha shisheeyah Sida ku cad Qoraalka madaxweynaha uu uga tanaasuley dhul badeedka ay Soomaaliya leedahay, wuxuu intaas raaciyey isaga oo ula jeeda dalka Kenya in haddii ay jirto wadan aan wadaagno bad oo dood ka qaba sida dhul badeedka Soomaaliya ay ugu wareejiyeen inuu noqdo dhul badeed caalamiya inuu diyaar u yahay inuu tanaasul kale ka galo wixii ay tabanayaan, taas oo looga jeedo inuu damacsan yahay in dhul badeedka ay Kenya daneyneyso oo soo jira xuduuda Soomaalida in lahaanshihiisa lagu wareejiyo.

Xisbiga Xuriyadda wuxuu qoraalkaas Madaxweynaha u arkaa inuu yahay qiyaamo Qaran, loona baahan yahay in lagala xisaabtamo oo baarlamaanku uu ka weydiiyo arrintaas inuu ka bixiyo warbixin dheeraada oo uu shacabka iyo baarlamaanka ka siinayo saxiixa uu UNka ugu gudbiyey dhul badeedka Soomaaliya.

Qoraalka uu gudbiyey Madaxweynuhu waa mid saxiixiisa lagu meelmarinayo ogolaanshaha heshiiskaas, kaas oo macnahiisu uu yahay in madaxweynuhu uu qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ugu ogolaaday Kenya qaabka fursad ahaan loogu saxiixayo sidii loogu hibeyn lahaa iyo weliba inuu u fasaxayo shisheeyaha sida dadban u doonaya iney ku xalaaleystaan hanashada kheyraadka badda Soomaaliyeed oo ah dhaxal ma guurto ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Inkasto shirqoolo fara badan ay shisheeyuhu u maleegayaan dalka Soomaaliya oo la doonayo dhan walba in laga cakiriyo sida dhanka nabadgelyada oo la doonayo markasta in laga curiyo amaandari qorsheysan, federaalnimo u abaabulan hurinta xasaradooyinka qabiilka iyo xuduud beenaadyo u dhexeeya beelaha, iyo cadaaladdarro lagu duudsiinayo wadaniyiinta xaqooda wadaninimo iyo hantidooda ay sida gaarka ah u leeyihiin, haddana shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbalayaan xukunka shisheeyaha uu ku fulsanayo adeegsiga madaxda uu dhintay damiirkooda dadnimo iyo karti xumadooda gabtay in dalka ay madaxbanaani buuxda ku hogaamiyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa ineysan marna yeelin hagardaamada ay wadaan madaxda sare ee dowladda oo dantooda shaqsiga ah ay ku soo uruurtay dhismo dowlad ku shaqeynaysa danahooda gaarka ah, kuwaas oo maanka ku haya iney wax walba ka doorbidaan difaaca naftooda iyo danahooda oo ay go’aansadeen iney isku wareejiyaan hawlwadeeno u adeegaya difaacooda, danna aanan ka lahayn u adeegida danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sida muuqata horay shacabka Soomaaliyeed uga soo galay dembiyo kala duwan, sidaas daradeedna lagu soo xushay damiir xumadooda liidata.

Cid walba oo ka mida madaxda sare ee dowladda waxey ku dadaaleysaa iney abuurato garabkeeda u fulinaya danahooda shaqsiyadeed iyo qorshooyinka la isaga daba wareejinayo rayiga dadweynaha, kaas oo lagu maleegayo qorshooyin been abuura oo la doonayo in shacabka lagu ma’aweeliyo inta laga meelmarinayo danahooda qarsoon oo shisheeyuhu ay caynka u dhuujiyeen.

Moment Media Ethics

Xisbiga Xuriyadda

Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi

Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi

Prof. Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo sidii musuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga jawaabey, ugana dalbaday raali gelin in laga bixiyo waraaqaha ay ku xuseen in xadka badda Soomaaliya tahay 12 nautical miles, isagoo sharaxa arrintaas waxa uu yiri “Saddex saac oo subaxnimo ama 9-ka subaxnimo ayaa la qaybiyey waraaqahaas, annaguna 10-ka (subaxnimo) ayaan qaybinay warqadaheenii .Waxaana raaligentii (apologize) laga bixiyey habeenkii markay ahayd 10-ka (fiidnimo), wixiina laga bixiyey, waxaana markaas la yiri Soomaaliya xuquuqdeeda (baddu) waa sidii aad u dhigateen ee raalli naga ahaada.”

Halkaan ka Akhriso

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s