Godane Tegye Yaa Xigi?

Godane Tegye Yaa Xigi?

Godane Tegye Yaa Xigi?

Monday 8 September 2014 | Xisbiga Xuriyadda |  Waxaa hogaamiyaha Soomaaliya u buuxsameysa bisha September 10 keeda Labo Sano, wuxuuna hadda bilaabay labakacleyn ku dhisan dhaqanka kelitalisnimada oo ah aniga keliya hadalkeyga dadku ha ka maqlaan warbaahinta, kooxdeyda keliya ha sidato hubka oo cida ay rabto ha ku bartilmaameysto hana isku difaacaan inta kalana ha noqdaan kuwo aan isdifaaci karin oo kooxdiisuna aysan awoodin iney difaacaan ama aysan dooneyn iney difaacaan.

Wuxuu xooga saaray caburinta warbaahinta oo wax badan shacabka Soomaaliyeed banaanka u soo dhigtay, gaar ahaan qorsho la’aanta dhalisay in dalka lagu hogaamiyo taloxumo ku saleysan haamaanimo, waxeyna hogaanxumadaas dalka baday in dowladda hadda jirta ay noqotay dowlad Soomaaliyeed mida ugu xaaraansan ee soomarta. Waxay dowladu afduubatay suxufiyiin, waxeyna boobtay qalabkoodi, waxeyna u geysatey jirdil muujinaya dhaqan bahalnimo.

Waxey maleeshiyada sirdoonka dowlada bilowday iney dadka guryaha ugu dhacaan oo dadka ay siyaasad ahaan u bartilmaameysanayaan ay dhacaan hantidooda, qoysaskoodana ay argagixiyaan. Waxey si joogto ah handadaad ugu soo jeediyaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo odeyaasha dhaqanka oo mucaaradsan hogaanxumada dalka ka jirta, waxeyna dil ugu hanjabaan iyagoo afka iyo adinka ka xiraya cid kasta oo diidan siyaasadxumadooda ama dareensan baada lagula kacayo ganacsatada aan taageersaneyn danahooda.

Dowladu waxey abuurtay maxkamad ciidan waxeyna gudoomiye uga dhigtay madax aan qaadi karin masuuliyada culus ee xaakimnimada, kuwaas oo ka dhigay maxkamada goob dadka lagu laayo iyagoon helin cadaalad sax ah. Amarada ka soo baxaya madaxdaas ma ahan kuwo ku dhaqanka sharciga wax u taraya, gaar ahaan in qofka dembiilaha ah la marsiiyo miisaanka ciqaabtiisa uu mudan yahay, laakiin aan lagu xukumin ciqaab ka badan dembiga uu galay.

Sida muuqata waalidiin iyo dhalinyaro aan dagaal lagu soo qaban, wax qareeno ahna aan loo sameyn ayey maxkamadu xukuntaa, waxaana halheys u noqtay madaxda maxkamada “Ama na taageer oo annaga naga mid noqo ama noqo edeysane ah Al Shabaab oo ku xukuman dil toogasho ah”, wax labadaas u dhexeysa oo ay xukumayaan xagooda ma jiraan.

Shacabka waxaa argagax ku abuuray xaalka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaana soo ifbaxaya heshiisyo qarsoodiya oo marba marka ka dambeysa warbaahinta ay soo gudbineyso, waxaana lagu tuhmayaa hogaamiyaha dalka Soomaaliya inuu xudun u yahay musuqmaasuq baaxad weyn iyo qiyaamooyin qaran.

Waxey aqoonyahanka Soomaaliyeed ay aad uga deyrinayaan dhibaatooyinka ka dhashay damaca Kenya ay ciidameeda bada oo ka tirsan AMISOM ay kula wareegeen dhul badeedka Soomaaliyeed ee u dhow xuduudooda iyo sida ay dantu biday hogaamiyaha dalka oo uu xeelad guracan ugu adeegsadey xalinteeda isagoon la tashan khubaro wadaniyiin ah oo arrimahaas ku taqasustay.

Qaramada Midoobey kooxda u qaabilsan dabagalka hantida qaranka Soomaaliyeed waxey dhowaan soo saareen warbixintooda sanad laha ah, waxeyna soo bandhigeen sida hogaamiyaha dalka uu u marooqsaday awooda gudoomiyaha Bangiga Dhexe, isagoo haddana awoodaas si qaldan ugu adeegsaday isdabamarinta hanti ay lahayd shacabka Soomaaliyeed oo abaaruhu ay ku leynayaan dalka gudihiisa, shacabkaas oo qaarkood ka rajobeelay dalka kuna dhamaaday badaha adduunka. Waxaa la tuhun sanyahay in hanti lagu qiyaasayo tobaneeyo milyan oo Dollar ay ku maqan tahay madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo aan wax cadeyna loo hayn meel ay ka baxday.

Kooxda dabagalka waxey raadiyeen meesha ay ku dambeysey lacag Soomaalida dibeda u tiiley oo lagu qiyaasay 700 malyan, waxeyna kooxda soo xaday qeyb ka mida lacagtaa ay ku warameen in qiyaasta 33 milyan oo Dollar iney lacagtaas kala soo baxeen, waxa ay sheegayaana wixii ka run ah lama xaqiijin karo.

Wadanka gudahiisa waxaa si xowliya uga socda dhismo loo sameynayo maamulada gobolada oo dano gaara laga leeyahay, kuwaas oo aan la aqoon cida ay matelayaan, waxaana degaan walba ka taagan qalalaase ay dadku ku diidan yihiin maamulo xun oo aan ka turjumeyn rabitaanka dadka in gobolada dalka laga hirgeliyo, waxaana u muuqata shacabka meel kasta oo ay joogaan iney handadaad uga imaneyso IGAD iyo Qaramada Midoobey oo dadka lagu cabsi gelinayo ooraahda leh “Haddii aadan yeelin waxaan kuu soo jeedino waxaad la kulmeysaa waxaad ku qasban tahay oo aadan raali ka ahayn.”

Waxeysan dadku raali ka ahayn waa cidamada shisheeye oo Afrikaanka ah oo degaanadooda la geeyo, cidii la dagaalantamna loo aqoonsanayo argagixiso caalamiya oo dhan walba lagala dagaalamayo. Waxysan dadku dooneyn in shirkado shisheeye oo dowlada ruqsado ka heysta, watana ciidankooda ay la baxaan kheyraadka dhulkooda iyagoo ay weliba kor ka ilaalinayaan xoogag caalamiya, dadku waxeysan dooneyn in wadamada deriska ay hub isgu dhiibto oo kii laga adkaadana uu galo xeryaha qaxootiga kii adkaadana uu ku shaqeeyo danaha cadowga.

Hogaamiyaha dalka wuxuu marayaa sannadguuradiisa labaad, dadkuna kuma hayaan waxqabad, wadaniyad, daacad, iyo dowladnimo wanaagsan. Shacabku waxey ka waayeen hogaankiisa talo wanaagsan oo dalka lagu hago, nabadgelyo ay ka helaan ciidanka dowladiisa oo qaab maleeshiyaad u abaabulan, cadaalad ay ka helaan dowlada, iyo maamul dowladeed oo dadka iyo dowladda kala badbaadiya. Shacabku waxey hadda ka fekerayaan sidii ay uga badbaadi lahayeen dowladxumida xuquuqda wadaninimadooda halista gelisey iyo sidii ay isaga difaaci lahayeen iyaga iyo shisheeyaha ku daaban. Gobolkasta oo Soomaaliya ka mida waxaa maanta sugaya shirkado lala galay qandaraas oo laga iibiyey iney kheyraadka gobolkaas xoog kula soo baxaan, waxeyna sugayaan qorshooyin dhowaan la dhameystiri doono iyo ciidamo koofiyado caalamiya iyo kuwo wadankaba wata.

Hogaamiyaha Soomaaliya wuxuu dalka u horseeday boob loo geysanayo kheyraadkiisa,wuxuuna ku qancay isagoon waxqabad lahyn inuu taloxumo dalka ku sii xukumo, shisheeyuhuna ay maskaxdooda ku maalaan oo mashruucyo irmaan ay ka dhigtaan dadka iyo dalkaba. Midna hadda kuma qanacsana iney sii socoto dowladda hadda jirta haddii ay noqon lahayd shacabka Soomaaliyeed iyo shisheeyaha yar ee daacada ka ah in Soomaaliya laga saaro shirqoolka ay ugu jirto qeybo ka mida beesha caalamka iyo hogaanka taloxumayaasha Soomaaliyeed ee dalkooda u horkacaya dembiyada lagula kacayo dadka wadankooda u danqanaya oo damiirkoodu diidey hogaanxumida dalka dhaxalsiisay iney dib u soo noqdaan dagaaladii beelaha, macluusha, abaaraha, iyo kelitalisnimadii burburisey qaranimadii Soomaaliyeed.

Xisbiga Xuriyadda wuxuu talo ugu soo jeedinayaa Hogaamiyaha Soomaaliya inuusan dadaalkiisa aan waxtarka lahayn uusan ummadda Soomaaliyeed ku gumeyn, taas oo u muuqata waxaan daal, murugo, iyo tacab beenaad ahayn ineysan soo kordhineyn, wuxuuna xisbigu u soo jeedinayaa in uu xilka iska casilo inta aysan imaan in shacabku abaabulaan kacdoon ay isaga tuurayaan xukunkiisa taas oo ay hadeerba taagan tahay iney kacasan tahay dareeenkooda xoogan oo ay uga danqanayaan culaabta ay dowladiisu ku hayso noloshooda iyo xuquuqdooda wadaninimo.

Wakhtiga lagu jiro addunyadu waa col u joog oo cadow la’aan ma shaqeynayaan mashruucyo fara badan oo lacago badan lagu maalgeliyey, waxaana ay dano badan ay ku mideysan yihiin marka laga gudbo mid inuu abuurmo mid kale. Waxaa taas tusaale kaaga filan markii uu gabaabsi soo noqday mashruuca Al qaacida, haddana waxaa bilowday ISIS ama Daacish. Cadowga laga adkaanayo iyo kan la abuurayo miyeysan ku jirin cashar lagu tusaale qaato inaan fahano sida dalalka soo koraya dushooda loogu kor shaxayo iney muujineyso in maskax ururtay ay ku mideysan tahay iney hamiga ku hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay yihiin milkiyad ay leeyihiin oo ay imaneyso xiliga ay sugayaan sida ay cabireyso ooraahda leh “Rab ama ha rabin waa lagu rabsiin.” Waxaa sida badan hindisahaas la adeegsadaa marka cadow la dilo kan xigana la caleemosaaro bartilmaameysigiisa.

Hogaamiyihii Daraawiishta ayaa laga soo xigtey xiligii kala guurka oo uu baxsadka galay isaga oo dardaaran ugu jawaab celiyey in ku diganayey cararkiisa, wuxxuna reebay suugaantan “Waxba yaan la igu digane, waxaad iga dambeysaanba waa deyrta maantaye.”

Haddii hogaamiyihii mucaaradka hubeysan ee xagjiriinta Soomaaliyeed uu geeriyoodey, sida lagu yaqaan dhaqanka gulufyada siyaasadeed miyeysan mudnayn in la is weydiiyo cida xigta marxuum Godane oo ay seeftu ku soo socoto? Bal idinkuba saadaaliya waxa uu filan karo madax soo muuqda oo wax garawshiyo ah aan lahayn, shacab iyo shisheeyana uusan midna ku tiirsaneyn, mashruuca dagaalkuna uu doonayo mowjad cusub oo la maalgeliyo inuu curiyo, iyo labakacleyn si xowliya oo xoog ku dhisan uga soo curatay madaxda sare ee dowlada oo mid walba xoog ku hiigsanayo gaarista 2016.

Sharta madaxtooyada, sharta shisheeyaha, sharta deriska, iyo sharta ka dhalan karta dareenka kacsan ee dadweynaha mid ka mida waahubaal inuu kicin wuxuuna jawaab ka bixin donaa su’aasha ah: Godane Tegye yaa xigi?

Xisbiga Xuriyadda

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s