Xisbiga Xuriyadda OO HAMBALYO U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED MUNAASABADA MAALINTA CALANKA EE 12 OKTOOBAR

Xisbiga Xuriyadda

Xisbiga Xuriyadda

Xisbiga Xuriyadda SYL ; Xisbiga Xuriyadda ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada 60aad ee ka soo wareegatay maalinta calanka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

12kii Oktoobar 1954tii ayay ahayd markii ugu horeysay ee calanka Buluuga ah ee xiddigta shanta gees leh dhexda uga taal laga taagay Soomaaliya. Hase ahaatee labaatankii sano ee ugu dambaysay ayaa waxaa soo baxayay calamo kale oo ay yeelanayeen maamul goboleedyo laga dhisay dalka. Munaasabado lagu weyneynayo maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Xisbiga Xuriyadda  ayaa hambalyo ku aadan 60-guuradii ka soo wareegatay maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in caruurta la baro qiimaha Calanka leeyahay.

“Dadka Soomaaliyeed dhamaan meel kasta ay joogaan waxaa leeyahay Hambalyo, maalintii u horeysay oo Calan Soomaaliyeed laga taago ciida Soomaaliyeed 12-Oct.1954 maalintii u horeysay ee Calan Soomaaliyeed cirka loo taago”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xisbiga Xuriyadda ayaa sidoo kale sheegay in Calamka uu mideynayo shacabka, isla markaana uu yahay calaamad ay wada leeyihiin umada, caalamkana uu tilmaam ka yahay, isagoo cadeeyay in Calanka uu macno badan u leeyahay dadka Soomaaliyeed.

Calanka Soomaaliyeed ayaa halgan badan loo soo maray, iyadoo dadkii gobonimo doonka ay u dhinteen markii ay dagaal la galeen gumeystayaashii hore, isla markaana naftooda u huray Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Xisbiga Xuriyadda

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s