Xisbiga Xuriyadda “NewSomalia” oo Talooyin Muhiim ah loogu soo jeediyay R/Wasaaraha Somalia

imageXisbiga Xuriyadda “NewSomalia” wuxuu U Hambalyeynayaa Ra’isulwadaaraha maanta la siiyay codka kalsoonida Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, wuxuuna usoo jeedinayaa talooyinkaan : 

1. Dhaqangelinta dastuurka kumeelgaarka ah oo kala qeexaya awoodaha Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Garsoorka iyo Madaxweynaha anaga oo u aragna in Xad-gudub kasta oo lagu sameeyo awoodaha dastuurka horseedi karo khilaaf soo cusboonaada iyo isqabqabsi aan laheyn dhamaad.

2.  Dhismaha xukuumad loo dhanyahay sla markaas la tix geliyo Datka laga tira Badan yahay.

3. Mudnaanta koobaad in lasiiyo la dagaalanka musuqmaasuqa , ninjecleysiga , laaluush siyaasadeedka baahay, kuwaas oo dhamaantood khatar ku ah nolasha iyo jiritaanka dawladnimada Soomaaliya.

4. Dedejinta in la qaado talaabooyin cad-cad oo lagu hirgelinayo Hiigsiga 2016, si loogu gudbo dawlad dimoqaraadi ah oo haysata taageerada dadweynaha, awoodna u leh dib- u dhiska ha’yadaha qaranka iyo ilaalinta karaamada iyo sharafka umadda.

5. Xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka si loo hello kalsooni wada-shaqeyneed oo joogta ah, taasoo yareynkarta soo noqoshada khilaaf ragaadiya habsami usocodka howlaha xukuumadda

6- Ugu danbeyntii, waxaan u rajeyneynaa Ra’isulwasaaraha guul, waxaana Ilaah uga baryeeynaa inuu waafajiyo wixii ummada kheyr u ah, kuna toosiyo waddda saxda ah, dadkeyna gaarsiineysa nabad, midnimo iyo barwaaqo.

_________________________________________________________________________________
Xisbiga Xuriyadda “NewSomalia”

DOOD XASAASI AH: Hoggaankii dhaqanka Beelaha Somaliyeed ee soo jireenka ahaa oo siyaasaddii ku milmay.

Xisbiga Xuriyadda – Ilaahay qur’aankiisa Kariimka ah, waxa uu innoogu sheegay in uu dadka u abuuray shucuub iyo qabiilooyin, laakiin ka ugu khayr badani uu yahay, ka agtiisa u dhaw, oo ah ka waajibaadkii uu Alle faray fuliyey, camalkiisana uu Eebbe raalli ka noqday.

Iyada oo ay sidaasi tahay, ayaan haddana dhaqan ahaan isku kala qaad qaadnaa qoys qoys, jufo jufo, jilib jilib, beel beel iyo qabiil qabiil. Jaran jarooyinkaa dabiiciga ah ee abtirsiinta iyo ollogga ama iskaashiga ku dhisan ayaa ah kuwa ay Somalidu muddo dheer u lahayd dhaqan soo jireen ah. Oo nabaddooda, maamulka gudahooda iyo wada noolaashahooduba ku xidhnaa.

Oday, beel daajiye, malaaq, qotin, caaqil, duub, Islaan, Imaan, Suldaan, Ugaas, Garaad iwm, ayaa ah magacyada hoggaanka ama madaxda beelaha, Jufooyinka iyo qabiilka. Hoggaanka magacyadan sitana waxa aan ku soo dhaqmeyney muddo boqollaal sano ah, oo jiilba jiil isa soo dhaxlayey.

Wakhtigii gumaysigu yimid dhulkeennana habkii dhaqan ee noocaasi ahaa meesha kama suulin ama kama bixin, balse ninkii caddaa ee dhulka Somalida gumaystay waxa uu taladii dadka dhulka ku noolaa u daba fadhiistay ama mudnaanta koowaad siiyey hoggaamiye dhaqameedyadii magacyadaa lahaa.

Xilligii gumaysiga ka dambaysayna waxa habkii dhaqanku noqday mid ixtiraamkiisa mudan, shaqadii uu shacabka u hayeyna uu halkiisii ka sii socdo. Dawladihii illaa muddadii xorriyaddii soo talin jirayna waxa ay wada shaqayn la yeeshaan oday dhaqameedyada. Laakiin sida maanta ay u dhaqmaan amma ay maamullada Somalida ula shaqeeyaan uma ay dhaqmi jirin.

Mar aan haddaba is bar bar dhig ku samaynay oday dhaqameedyadii hore nooca ay ahaayeen iyo oday dhaqameedyada xilligani nooca ay u dhaqmaan, waxan hellay arrimo xaqiiq ah oo sidan u dhigan:

Oday Dhaqameedkii hore

Oday dhaqameedkii hore waxa uu ahaa nin garaad badan, oo lagu yaqaan dhaqan diimeed toosan, gar yaqaannimo, nin xeerka Somalida yaqaan ama ku xeel dheer. Sidoo kale waxa uu ahaa nin daacad ah oo aan lagu xaman caddaalad darro. Dadkiisna ugu dooda waxa ay xaq u leeyihiin, wixii xaq loogu leeyahayna u sheega.

Wakhtigii hore iyo wakhti walba xeerka Somalidu ma lahayn ama ma oggolahayn oday dhaqameed ka sareeya oday dhaqmeed kale, beel badi sheegata ama odaygoodu ku faano waan badannahay way jirtay, laakiin may jirin beel ku faanta in ay ka fiican tahay beesha kale ama ka mudan tahay beel kale.

Xilliyada colaadaha ee dadka Somaliyeed dhexdooda colaadi timaaddo ama is dilaan waxa ay oday dhaqameedyadu ahaayeen kuwo ka door fiican ka ciyaari jiray, had iyo jeerna talada ay galaan waxa ay ahayd mid aad u wanaagsan oo nabad soo celintu ka kaw tahay, manay jiri jirin in maxaabiix la kala qabsan jiray la laayo ama si xun loola dhaqmo, dhul lama kala qabsan jirin, hantida la kala qabsadaana waxa ay ahayd mid xeer ku jirta. Oday dhaqameedyada ayaana xeer fiican ka lahaa oo ka fekeri jiray waxa hadhow taariikhdu qori doonto ee reeraha is garab deggen xeer u noqon doonta. Sidaasi daraaddeed may jirin in la is addoonsado amma si xun loola dhaqmo maxaabiista, haddii ay dadka dagaalka lagu soo qabtay ay dumar yihiinna wixii gabdho ah waa la guursan jiray. Kuwa kalena sharaftooda ayaa la ilaalin jiray.

Oday dhaqameedka xilligan

Siyaasadaha cusub ee xilligan bur burka la kowsatay, waxa soo baxay oday dhaqameed-siyaasadeed, inta badan isagu is bokhray, amma kooxi meel mijilis ah ku caleema saartay ama siyaasi dan lihi dhaqaale ku soo saaray, kadibna si fiican loo suuq geeyey. Halkii uun kumuu ekaanne, waxa uu u tallaabsaday in uu sheegto magacyo guud oo kaba sarreeya beeshii loo caleema saaray, sida Suldaanka guud, Guddoomiyaha Salaadiinta, Af hayeenka Salaaddiinta iyo Suldaanka Suldaannada iwm. Dhaqankan cusubi waxa uu wax weyn u dhimay hannaankii soo jireenka ahaa, welina ma helin dad ku soo celiya halkiisii.

Sidoo kale waxa iyana taa garab socota, in dhaqankii uu oday dhaqeedku aqoonta u lahaa iyo tayadiisiiba ay meesha ka baxday. Oo aanu oday dhaqameedka xilligani garanaynba xeerkii ay beeluhu isku xukumi jireen amma aanu tayadii oday dhaqameed lahaan jirayba lahayn.

Hab dhaqankan cusub ee noocan ah ayaa waxa dhiirri geliya maamullada la bilowsaday bur burkan iyo kala goo go’an uu dalkii Somaliya la odhan jiray uu ku danbeeyey. Oday dhaqameedka xilliganina waxa uu noqday tusbax furmay, oo aan cidna sheegashadiisa laga xigin. Titles ka ay xilliyadan la baxaan ee aan kor ku soo sheegnayna waa mid xataa suuq joogga ( qaaq laha ) ama baalashlayaashu isugu yeedhaan.

Shaqada uu immiga qabtaa waa siyaasadda oo uu dillaalo, mashaariicda horumarinta oo uu dhiniciisa ka galo isaga oo is leh bal wax dheef ah ka hel, been uu u sheego dadkiisa si uu dhaqaale uga helo iwm. Dhinaca dawladda waxa ay ku mishahar qaataan la shaqayn hoose oo ay la leeyihiin, sida caadada noqotayna waxa ay kolba la shaqeeyaan xukuumadda jirta oo ay taabacsan yihiin, minshaharka ay qaataanna waa ka badan yahay ka macallinka ama askariga doorka joogaa uu qaato, oo weliba san dareero u dheer tahay. Oday dhaqameedyada qaarkood waxa ay hanti badan ka helaan qurba joogga dibadda, oo ay ku beer laxawsadaan in ay reerka sumcaddiisa iyo karaamadiisa kor u soo qaadeen, oo reer hebel ka kor mareen amma reeraha kale ay u daba fadhiistaan talada. Hawl adagna u hayaan reerka ay odayga u yihiin….taasi oo ah khurraafaadka ay ku xoolaystaan, guryaha iyo gawaadhida ay ku helaan.

Oday dhaqameedka xilligani mujtamaca uu leeyihiin.

Dadka gudaha joogaa way ka warqabaan dhaqanka noocan ah ee aan ka soo sheekaynay ee oday dhaqameedka xilligani caanka ku yahay, mana kala jecla waxa ay samaynayaan, waayo baahida jirta ee ay ku dhex nool yihiin ayey qayb ka tahay sida dadka qaar qaabkan ugu shaqaystaan, si ay biilkooda ugu soo ritaan. Laakiin dadka war moogayaasha ahi waa qurba joogga oo kalee, had iyo jeer ay oday dhaqameedyada noocan cusub ahi ay u xilli eegaan, waxana ay la eegtaan wakhtiyada ay siyaasado cusub, amma baahiyo ay ka jiraan dalka. Qurba joogguna kama koraan in ay baran waayaan sida dadka qaar hadal maal u yihiin ee ay beerlaxawsiga beenta ah gondaalka uga dhiganayaan mashaariicda beenta ah.

Oday dhaqameedyada xilligani inkasta oo ay qurba joogta war-moogga ah ay aad ugu xidhan yihiin, haddana waxba kama oga siyaasadaha ay dillaallaan ee dibadda ka jira ama kaga xidhan dalkooda, ee haddana ay barkintu u ag taallo maamullada ay wada shaqaynta la leeyihiin. Inkasta oo ay xarfaan ku yihiin in ay horta dadka qurba joogta ah waraystaan, talo weydiiyaan, kadibna sida ay dadkaasi jecel yihiin sheekada ugu dhigaan. Qurba joogta xiiqsanina maaha dad waxaasi war ka haya, ama og in odaygu dhaqaale uun ka doonayo, ee xammaasadda la geliyey ayaa maskaxdiisa asqaysa oo wax walba illowsiisa….xataa haddii uu ka fikiri lahaa, markaasaanu ogayn xaqiiqda iyo waxan uu ku daalayaa inta ay qodan tahay amma xaqiiqadeedu sida ay tahay.

Anigu weligay taageeri maayo oday dhaqameedka xilligan, weliba kiisa fartu ku godan tahay taageeri maayo.

Dhawr arrimood midna ku taageeri maayo:

Oday dhaqameedka xilligani in uu ii sheegto guddi, guddoomiye, Af hayeen iyo Suldaanka Suldaannada. Taasi oo aan u arko in uu qalloociyey hab dhaqankii soo jireenka ahaa, ee dadka ama beelaha Somaliyeed lahaayeen, ee oday dhaqameedyada beeluhu sinnaayeen ee aanu midna midka kale guddi iyo hoggaamiye u noqon karin ay tahay. Waxanan u arkaa in uu sheeganayo in uu Madax dhaqameedyada kale iska sarreysiinayo, amma laga sarraysiinayo isaga oo dan gaar laga leeyahay. Taasina ay dhaawac ku tahay madax dhaqameedyada aan iyagu sheegaynayn.
In oday dhaqameedka xilligani uu wax walba ka shaqeeyo, oo aanu dadka kale shaqada la qaybsanna ama u oggolayn kuma taageerayo.
Oday dhaqameed shidaalkiisu yahay hoo…oo aan oggolayn in uu ummaddiisa la gaajoodona taageeri maayo.
Oday dhaqameed dadkiisa qaybiya, oo danta guud marka loo dhaqaaqo boqnaha gooya ama cadawga u adeegana taageeri maayo.
Oday dhaqameed khaayin ah, aan daacad ahayn oo aan danta dadkiisu qiimo badan ugu fadhiyinna taageeri maayo.

Xisbiga Xuriyadda ” NewsSomalia”.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s