Xisbiga Xuriyada ( The People Of Freedom ) oo ka tacsiaydeeyey geerida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

DCIM101MEDIA

Moment Media Ethics

Xisbiga Xuriyada ( The People Of Freedom ) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xisbiga Xuriyada ( The People Of Freedom ) ayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Marxuumka, wuxuuna EEBE uga baryay inuu ku abaalmariyo Janno.

Xisbiga Xuriyada ( The People Of Freedom ) ayaa sheegay in Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu ka mid ahaa Isimada Soomaaliyeed ee Nabada ka shaqeeya.

dhinaca kale, Hogaanka dhaqanka deegaanada Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geeridii naxdin lahayd ee ku timid, Ugaas C/raxmaan Ugaas Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, kaasoo maanta si lama filaan ah ugu Geeriyooday Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Prof.Ibrahim  oo ka mid ah Xisbiga Xuriyada ( The People Of Freedom ) ayaa geerida ku timid Ugaas C/rixmaan ka tacsiyadeeyay, isagoo xusay in geerida Ugaaska ay la qayb-sanayaan dhamaan umadda Somaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxaanan Ummadda Soomaaliyeed leeyahay samir iyo iimaan Allaha inaga siiyo, isagana Allihii abuurtay baan Janno uga baryeynaa iyo in uu u dambi dhaafo,” ayuu yiri  Prof. Ibrahim oo ka hadlayay geerida Ugaaska.

Wuxuu kaloo Prof.Ibrahim  sheegay in Ugaas Khaliif uu ahaa ruux wanaagsan oo nabadda jecel, isla markaana uu ka qayb-qaatay dadaaladdi nabad raadinta Somaaliya wax yar ka dib markii uu xilka kala wareegay Aabbihii Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo sanadkii 2001-kii geeriyooday.

Moment Media Ethics

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s