Reer Hiiraan Xujo Mafalantee Xaajo Ayaa Falanto..

image

Reer Hiiraan Xujo Mafalantee Xaajo Ayaa Falanto..


XISBIGA XURIYADDA – Hadii aan u fiirsato arimaha maalmahaan danbe ka socdo maamul u sameynta gobalada Shabelle iyo Hiiraan waxaad arkeeysaa in ay beelaha qaar ay rabaan in ay ka badsadaan beelaha kale sadka ka soo gaarayo maamulka in ay heleen sad ka badan beelaha dagan 2gobal ee maamulka loo sameynaayo, waxaan ku tirinaayaa arintaan in ay ka tarjumeeyso arimaha ay ku xereen dowlada dhexe in ay ka baxsan yihiin wax aan caadi eheynin sababtoo ah waxa ay ku andacoonayaan 8gobal ee dalka ka jirtay,in gogosha dib loogu soo celiyo magaalada baladweyne,iin beelaha loo sameeyo dib u heshiisiin ah, hadii aan soo qaato arinta ah dib u hishiisiinta waxaan ognahay in uu Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka furun shir dib u hishisiin beelaha dagan gobalka Hiiraan gogashaas oo ilaa iyo maanta aanan la heynin meeshii ay ku danbeysay, ma weysan eheynin af iyo dhago aan is maqal hadala ka soo yeraayo reer Hiiraan.

Arinta 8 Gobal waxa ay tahay arin ah mid xujo ah oo lagu xujeeynaayo Dowlada dhexe ee Soomaaliya taas u muuqtay in looga dhameeyo waqtiga yar ee u haray dowlada taasoo ay ka biyo diiday dowlada dhexe, iyada oo ku adkeysatay in uu shirka maamul u sameynta labada Gobal uu socdo cidii cabasho qabtana ay timaado miiska cabashada halka lagu murmilahay godubo aan waqti xaadirka ah taagneynin ee hore loo wado maamulka sameyntiisa.

Rarida gogosha maamul u sameynta 2-Gobal in loo soo wareejiyo Magaalada Baladweyne arintaas waxa ay keeni kartaa in ay caroodaan dadka degen Reer Shabelle oo uu shirka maamul u sameynta ku dhamaad car iyo car oo maamulka larabay in la dhiso uu ku dhamaado Fashil iyo lama maqal lamana arag taas oo dowlada dhexe ku ah arin waji gabax ah.

 Reer Hiiraan waxaa la haboon in ay fiiriyaan hurumarka iyo maamul wanaagsan in ay dhistanee aysan fiiriin wax kala dheereeynaayo Dowlada Dhexe iyo Reer Hiiraan,
Teeda kale maanta waxa ay mareeysa in aan helno maamul mideysan ee aana helin maamul uu kala qeybsan Reer Reer ee ku dadaala in aan tanaasul u sameysan dowlada dhexe oo aad tusisan in ay jiraan dad jecel wanaaga u taagan in ay taageeran dowladooda ee aadan eheeynin dad Xujo ah, oo taariiqda maanta socota ka gala baal dahab ah sidii horayba leedinkugu yiqiinay ee aheyd daád jecel midnimada iyo hurumarka Dalka.

Arinta yeeysan noqonin wa loo darsaday Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif  Ugaas Rooble, oo dad badan ay ku xasuustaan in uu ahaay Ugaas jecel nabada iyo midnima Reer Hiiraan, Allaha Unaxariiste Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ka mid ahay hogaamiyo Dhaqameedyada Soomaaliya Kuwooda ugu Fiicnaa ee ilaa iyo maanta soomaray Soomaaliya. Ugaaska ayaa waxa uu ahaay nin maray wadadii uu maray Abihii Ugaas Khaliif  Ugaas Rooble Allaha Unaxariiste oo ahay madax Dhaqameedka ugu Sareeyay Konfurta Soomaliya oo uu ahay ninka ay uga danbeyay talo goynta dhaqanka

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s