Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo qarka u saaran in lagu kala tago | Xisbiga Xuriyadda )

image

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo qarka u saaran in lagu kala tago | Xisbiga Xuriyadda )

XISBIGA XURIYADDA – Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo hakad ku jira muddo laba bil ka badan ayaa u muuqda mid rajadiisu mugdi sii galeyso, kaddib markii ay dhicisoobeen dadaallo fara badan oo ay ku bixiyeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo ku guul darreystay in odayaasha beelaha diidan ka qeyb galka shirkaasi ay qanciyaan.

Rajadii laga qabay inuu furmo wejiga labaad ee shirka magaalada Jowhar ayaa iyana noqotay mid dhicisowday, kaddib markii ay shirka isaga baxeen odayaashii dhaqanka ee magaalada Beled Weyne heshiiska kula galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha degan gobolka Hiiraan oo maalmo kahor magaalada Jowhar ku yimid heshiis ay la galeen Madaxweyne Xasan ayaa gebi ahaanba shirka isaga baxay, iyagoona sheegay inay saluugsan yihiin qaabka ay dowladdu ku waddo shirkaasi.

Sidoo kale Imaamka iyo Ugaaska beesha Muddulood Imaam Maxamed Yuusuf, Maxamuud Cali Ugaas iyo odayaal kale ayaa iyana ka baxay gogosha shirka ee taala magaalada Jowhar iyagoo magaalada Muqdisho dib ugu laabtay sheegayna in shirka ay ka maqan yihiin duwoqda dhaqanka ee wax ku oolka ah u ahayd arrimaha gobolka Hiiraan.

LA SOCO WARAR GAAR AH

Arrimuhu si kastaba ha ahaadaane magaalada Jowhar waxaa weli ku sugan odayaal ka socda beelaha degan labada gobol, kuwaasi oo iminka ka soo yeereyso cabasho la xariirta deymo looga leeyahay hoteladii ay degenaayeen, iyagoona sheegay in dowladda Federaalka ay lugta jiideyso horumar laga gaaro arrimaha maamul u sameynta labada gobol ee deriska ah.

Waxgarad uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa si cad u diiday inay ka qeyb galaan shirka Jowhar ka socda ee lagu dhisayo dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyagoo magaalada Beled Weyne uga dhawaaqay shirweyne dib u heshiisiineed oo reer Hiiraan uga tashanayaan aayahooda.

Odayaasha beelaha gobolka Hiiraan ee Beled Weyne shirka uga socdo ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka ay ka jawaabi waayeen saddex shuruud oo ay hor dhigeen oo ku saabsan arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in caga jiidka dhinaca madaxda Dowladda Federaalka ka yimid uu sabab u yahay kaddib markii beesha caalamka ay diiday inay kharaj ku bixiso dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Saraakiil ku dhow xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya qaabilsan ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya xilligaan wixii ka dambeeya aanay munaasib ahayn dhismaha maamul goboleed cusub, isla markaana xaaladda dalka ay mareyso afartii bilood ee loo ololeynayay hannaanka doorashooyinka iyo dhismaha dowlad cusub oo ku imaaneysa qaab ka duwan xukuumadda hadda xilka heysa ee Federaaliga ah.

image

IQRA  READ MORE

GLOBAL PENFRIENDS

1 – Dusmo reeb – Beledweyn; shalay maanta ku baro!

2 – Reer Hiiraan Xujo Mafalantee Xaajo Ayaa Falanto..

3 – DAAWO: SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SHABEELAHA DHEXE OO MAANTA SI RASMI AH UGA FURMAY MAGAALADA JOWHAR

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s