DAAWO: SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SHABEELAHA DHEXE OO MAANTA SI RASMI AH UGA FURMAY MAGAALADA JOWHAR

imageXISBIGA XURIYADDA  12 APR 2016: – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa maanta si rasmi ah dib u furay wajigii labaad ee Shirka Jowhar, kaasoo maamul loogu dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana bilihii u dambeeyay hakad ku jiray.

Socoshada shirkaani ayaa ku dhawaad laba bil hakat u galay Khilaaf salka ku hayay tirada Ergooyinka iyo arimo kale kaasi oo ugu danbeyntii maanta lagu guuleystay in dib loo furo xili ay madasha ku sugnaayen Wasiiro, Xildhibaano iyo Ergada labada dhinac.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay ergooyin ka tirsan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo shirkaan maamul loogu dhisayo, walow ay diideen inay shirkan ka Qayb-galaan qaar ka mid ah Duubabka-dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dowlada Federalka dhismaha maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Odawaa waxa uu sheegay in dowlada ay muddo dheer u soo adkeysanaysay in shirkan uu hakad ku yimaado, haatana ay ku wareejisay in ay shirka hormuud ka noqdaan duubabka dhaqanka-DAAWO

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s