Xisbiga Xuriyadda Oo Iftiimiyey Doorka Warbaahinta & Doorashada Dalka 2016

imageFARRIIN KU SOCOTA MEHNELEYDA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED (SOMALI MEDIA PRACTITIONERS).

Xisbiga Xuriyadda-Noocyada kala duwan ee warbaahinta waa Gole ay dadka isbedel doonka ah (reformists), dadka u ololeeya dhowrista xuquuqal insaanka, iyo siyaasiyiinta ay fekerkooda ugu gudbiyaan dadweynaha taasoo dhalineysa inay dadweynuhu raacaan ama taageeraan ajendayaasha, bayaanada (Manifestos), aragtiyada (visions) iyo siyaasadaha la rabo in bulshada lagu dhaqo oo ay kala wataan kuwa doonayo inay iyagu hoggaamiyaan shacabka.

Sida darteed, door sidee ah baa warbaahinta looga baahan yahay inay ciyaarto marka la tixgeliyo xaalada uu dalku maanta u marayo.

Warbaahinta waa in shacabweynaha daalan oo ay dagaaladu aafeeyeen u kala bixiso in siyaasiyiinta hoggaanka dalka heysa ay ku joogaan amase inay leexdeen tubti la rabay in dalka looga sara qatarta ku soo fool leh mustaqbalka. Muddo hadda laga joogo 4 sano, dawladda hadda jirta waxay wacad ku martay inay dalka ku soo rogi doonto isbedel keena horumar ay ummaddu u aayi doonto.

Haddaba, su’aalaha soo socda iyo kuwo kale ayaa u baahan in warbaahintu ay u ifiso shacabka bacdama lagu jiro olole cusub ee ay dawladda hadda jirto isugu diyaarineyso doorashada.

Maxaa isbedel ah oo la taaban karo ay dawladdu keentay? Hiigsiga 2016 ma hirgeliyay mise waa lagu hungoobay? Ma la maleynsan kara in hanaanka lagu bedelay kii hore ay dawladdu u ballan qaaday ee qof iyo cod uu noqon karo hanaan ku-shubasho ka badbaadi kara? Yaase damaano qaadi karo inay dhacdo doorasho ka fayo cabsi iyo eex ?.

Warbaahinta ayaa laga raba in arrimhaas ay ku lafa gurto barnaamijiyada kala duwan ee ay soo bandhigi doonto inta ka horeysa doorashada la sheegay inay dhici doonto August 2016 oo hadda ay naga xigto muddo 3 bilood ah, inkastoo la sheegayo in muddo Laba bilood ah oo kale lagu daray xilliga doorashada.

Xisbiga Xuriyadda ( THE PEOPLE OF FREEDOM )

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s