XASAASI: Madaxweyne Xassan oo la wareegay hawlihii aqalka sare ee Baarlamaanka aan weli la dhisin & Garsoorka (Qodobada Dastuurka)

imageXASAASI: Madaxweyne Xassan oo la wareegay hawlihii aqalka sare ee Baarlamaanka aan weli la dhisin & Garsoorka (Qodobada Dastuurka)


Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inuu xilkii ka fariisiyey Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare, isagoona magacaabay Gudoomiye cusub.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Banaadir isagoo aan magacaabin ciddii beddeli lahayd.

Haddaba waxay doodi ka taagan tahay Awoodda uu adeegsaday Madaxweynaha iyo inuu xaq u leeyahay Dastuur ahaan xil ka qaadista Garsoorayaasha.

Sida ku cad dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan farqadiisa 3aad, Garsoorka Soomaaliya waa mid madax bannaan kana mid ah sadexda awoodood ee dowlada.

Qodobka 3aad
Mabaadi’da Asaasiga
4. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.

Sidoo kale Hay’adaha dowlada kama dul tilaabsan karaan waddada uu Dastuurka u jeexay iyo awoodda loo kala qeybiyey sida ku cad Qodobka 4aad ee Dastuurka.

Qodobka 4aad
Sarraynta Dastuurka
Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Qodobaka 72aad ee Dastuurka wuxuu qeexayaa awoodda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaana ku xusan in Aqalkan uu yahay kan dhisaya Guddiga Adeega Garsoorka oo ah guddiga awoodda ulleh in ay xil ka qaadis ku sameyn karaan Garsoorayaasha iyo go’aanada la xiriira xil ka fariisinta xubin kamid ah isla guddigaasi.

Sidoo kale Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo aan weli la dhisin ayaa ah midka laga doonayo inuu ansixiyo Guddoomiyayaasha Maxkamada ee uu Madaxweynaha soo magacaabo.

Awooda Madaxweynaha

Qodobka 90aad ee Dastuurka oo ka hadlaya awoodda Madaxweynaha Federaalka ayaa si cad u qeexaya in awoodda Madaxweynaha ee dhanka Garsoorka ay ku kooban tahay oo kaliya:

Farqada 11aad. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, kadib soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka.

Farqada 17aad. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.

Sida ku cad halkan Madaxweynaha ayaa ah inuu mar walba go’aanadaasi kala tashado Guddiga Adeega Garsoorka oo aan isagu kaligiis go’aanka iska gaarin.

Guddiga Adeega Garsoorka

Haddaba Guddiga Adeega Garsoorka (The Judical Service Commission) intee buu ka kooban yahay? Guddigan la doonayo inuu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la doonayaa inuu ka koobnaado 9 (Sagaal) xubnood oo kala ah:

1-Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga;

2- Gudoomiyaha Maxkamada Sare;

3- Xeer ilaaliyaha Guud;

4- Gudoomiyaha gudiga xuquuqda bini’aadanka;

5-6. Laba xubnood oo aqoon iyo waaya aragnimo uleh sharciga kana mid ah ururka Garyaqaanada Soomaaliya, oo uu soo magacaabo ururka Garyaqaanada mudo dhan afar (4) sano;

7,8 & 9- Golaha Wasiiraddu waxay Madaxweynaha usoo jeedinayaa 3 Qof oo sumcad ku leh bulshadda si uu u magacaabo;

Kadib marka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Ansixiyo Guddigan wuxuu dhexdiisa kadooranayaa Gudoomiye.

Xubnaha guddiga adeega garsoorka waxay shaqeynayaan mudo dhan afar (4) sano oo la cusbooneysiin karo hal xili.

Sharci ay meel mariyeen guddiga adeega garsoorka oo ku saabsan anshaxmarinta, ayaa qabanaya xubin kasta oo kamid ah guddiga adeega garsoorka. Sida sharci iyo xeer ay soo saareen gudiga adeega garsoorka, waxaa gudiga adeega garsoorka sameyn karaa:

A. Magacaabis, anshax marin, baddalid xubin kasta oo kamid ah garsoorka heer federal;
B. Go’aan kagaarid mushaarka iyo howl gabka;
C. Go’aan kagaarida xaalada shaqo ee garsoorka.

Kala Diridii Guddiga Adeega Garsoorka

Xili Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu ku dhawaaqay inuu yahay Murashax ayuu horaantii sanadkii lasoo dhaafay 11kii Maarso 2015, soo saaray Digareeto uu ku sheegayo inuu kala diray Guddigii Adeega Garsoorka ee horey u jiray markuu xilka qabanayey.

Arrintan ayaa waxaa sheegay inay Sharci darro tahay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Cabdullahi Ilkaxanaf iyo Golihii Adeega Garsoorka oo horey u jiray oo arrintan qoraal kasoo saaray taariikhdu markay ahayd 14kii Maarso 2015.

Golaha Adeega Garsoorka oo cuskanaya qodobada Dastuurka ee 105 & 106 ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan awood ullahayn kala dirida Guddiga Garsoorka ama Garsoorayaasha taasina ay tahay mid u taal Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalkii Guddiga Adeega Garsoorka

image image

Goaan-Ilkaxanaf-2015-1-524x740Goaan-Ilkaxanaf-2015-2-524×740

Goaan Ilkaxanaf 2015-1 Goaan Ilkaxanaf 2015-2

Sida ku cad Qodobka 105aad ee Dastuurka ee qeexaya AWOODDA GARSOORKA, wuxuu u qoron yahay sidatan:

Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada Federaalka
1. Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.
2. Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer gaar ah kasoo saaraya Baarlamaanka.

Waxaa arrintan kasii horeysay Magacaabistii Madaxweynaha Dowlada Federaalka uu magacaabay Xeer Illaaliyaha Dowlada taasi oo aan awood u siineyn inuu ku dhawaaqo haddii uusan ogolaansho ka heysan Guddiga Adeega Garsoorka.

Hadaba Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa u muuqda inuu kala diridii guddiga Adeega Garsoorka iyo magacaabistii guddi uu isaga dhistay uu gebi ahaan la wareegay awooda AQALKA SARE ee Baarlamaanka Federaalka oo aan weli la dhisin.

Tilaabada Madaxweynaha ayaa ah mid u muuqata in looga sii hordhacayo Hawlihii ugu waaweynaa ee horyiilay Aqalka Sare ee Federaalka ee la doonayo in lagu soo dhiso doorashada soo socota, taasi oo saameyn kusii yeelan karta Doorashada 2020.

Waxaa taasi usii dheer Maadaama aysan Dowlada dhisin Maxkamadii Dastuurka oo ay Villa Soomaliya 4tii sano ee lasoo dhaafay dib u dhigaysay, ayaa keentay hawshaasi in ay sii hayso Maxkamada Sare oo ah tan la horgeyn doono wixii khilaaf ah oo ka dhasha doorashada soo socota ee sanadka (2016). Waxayna fursad dahabi ah u tahay Madaxweyne Xassan oo kamid murashaxiinta tartanka ku jira.

XISBIGA XURIYADDA | People OF Freedom |

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s