XASAASI: Madaxweyne Farmaajo xiriirka ma u jari doonaa Qatar? [Tijaabo hortaalla DFS)

IMG_8714XASAASI: Madaxweyne Farmaajo xiriirka ma u jari doonaa Qatar? [Tijaabo hortaalla DFS)


Jun 5, 2017 – Somali DIASPORA Diplomatic – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajaheysa cadaadis diblomaasiyadeed iyo xaaladda kacsan ee ka oogan Khaliijka Carabta.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalka Qatar iyo xiriirka loo jaray Qatar wuxuu ku soo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay dooneysay inay taageero dhaqaale ka wada hesho saddexda dal ee ugu tunka weyn Khaliijka.

Socdaalkii ugu horeeyay ee Farmaajo ku tegay Sacuudiga isagoo maalmo qura dooran wuxuu xaqiijiyay in Sacuudigu yahay dalka ugu saameynta badan Soomaaliya, waxaana Sacuudigu uu hadda diyaarinayaa mashaariic dib u dhis u badan oo Soomaaliya laga fulinayo, kuna kacaya lacag ku dhow 4 Bilyan oo Doolar.

Waxaa kaloo jira dhaqaale Sacuudigu u qoondeeyay dowladda Soomaaliya oo lagu kabayo miisaaniyadda dalka, waxaana Sacuudigu ka codsaday dalalka isbaheysiga la leh inay xiriirka u jaraan Qatar.

Codsiga Sacuudiga waxaa durba yeelay oo ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dalka Qatar dalka Yeman iyo Jasiiradaha Maldives, waxaana la filayaa inay dalalka kale ee ku xiran Sacuudiga ay tallaabadaas qaadaan.

Iyadoo Wasiiradii ugu badnaa ee dowladda Soomaaliya ay Berrito Sacuudiga u tegayaan inay saxiixaan heshiisyada mashaariic Sacuudigu ka fuliyo Soomaaliya ayaa culeyska saaran dowladda Soomaaliya uu sii noqonayaa mid culus oo lagu qabsi doono inay xiriirka u jarto Qatar.

Socdaalkii Farmaajo ee Qatar iyo balanqaadkii dhaqaale ee uu kasoo helay waxaa shaki la’aan ka saameyn badan kuwa Sacuudiga, taasoo dowladda Soomaaliya ka dhigeysa mid aan ka bedelnaan doonin dowladii Xasan Sheekh oo si fudud xiriirka ugu jartay Iiraan markii Sacuudigu ka dalabday, kuna bedelatay deeq lacageed.

Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa halka in diblomaasiyadda Soomaaliya ay mar kale iibsato Boqortooyada Sacuudiga iyo in kale…!!

Somali DIASPORA Diplomatic

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • Daily Alerty NEWS

  • Qabiil Qaran Ma Dhiso

    "The good policy for the Common Good"

  • Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi

  • Dr Hassan Nur Elmi Ambassador UNDP And President Haile Salase

  • AFRIradio

  • First Turkish Airline flight to Mogadis

    Moment Media Group

  • Waqtiga Salaadda

    Moment Media Group

  • RSS NYT > Africa

  • RSS NYT > Africa