The People of Freedom (Xisbiga Xuriyadda) oo soo saaray Baaq iyo talo ku socoto Dawladda Soomaaliya.

 

 

The People of Freedom (Xisbiga Xuriyadda)

Maxaa la gudboon 100-ka maalmood ee ugu horeysa Madaxweyne Farmaajo?

February 23, 2017 Moment GlobalNews

Bogaadin iyo Talo.

The People of Freedom (Xisbiga Xuriyadda)

Arbaco, 8-dii Febaraayo, 2017 oo ahayd maalin Arbaco ah, taasoo ku beegnayd 12-ka bisha Jamaadul Awal ee Hijriga sanadka 1438, waxay ahayd maalin kheyr oo taariikhiya, taasoo kusoo biirtay qalbiyada iyo xusuusta ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan.

Waa maalintii ay xubnaha labada golle ee BF Soomaaliya ay ficil u badalleen dareenkii shacbiga ay matallaan islamarkaana ay doorteen Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha 9-aad ee JF Soomaaliya. Haddaba, anigoo ka duullaya dareenka farxadeed ee ay arintan keentay, kana walaacsan dhibaatooyinka dalkeena ku xeeran ayaan eegayaa dhawr arimood oo aan isleeyahay in madexweynuhu uu mudnaan dheeriya siiyaa 100-ka maalmod ee ugu horeysa xafiiska.

Mark hore, madaxweynaha la doortay waa shakhsi aan ku aqaano Alla ka cabsi iyo Soomaali jaceyl waa mudane aan aniga iyo in badan oo kamid ah shacbigu baranay markii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha ka noqday dowladii madaxweyne Shariif Sheikh Axmed. Dabcan, waa wakhtigii ay dad badan oo aan anigu ku jiro aan aragnay dareenkiisa wadaniyadeed, waxqabadkiisii mudadii koobnayd ee uu xafiiska joogay iyo sidoo kale siduu u kasbaday quluubta shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda. Taariikhdaas toolmoon ee aynu aragnay, waa tan maanta sahashay in Gollaha Shacabku ay fuliyaan wixii dad badan oo kamid ah ummadda Soomaaliyeed niyadooda ka guuxeysay tan iyo 2011-kii. Continue reading

Advertisements

AN OPEN LETTER TO THE NEW PRESIDENT OF SOMALIA

img_1171AN OPEN LETTER TO THE NEW PRESIDENT OF SOMALIA

February 15, 2017
The People of Freedom (Xisbiga Xuriyadda)


Congratulations to the President-Elect, H.E. Mohamed Abdullahi Farmajo, on his recent land-slide victory in the joint session of the People’s House and Senate of the Federal Parliament. The role of the Coalition for Change in that election victory is highly commendable. The election victory has sparked off a rare phenomenon of patriotism reminiscent of the good old days of “Somalismo” and national pride.

These popular enthusiastic reactions will not last long as there are no quick fixes for the tremendous challenges this nation faces. The first business item on the plate of the new government ought to be management of people’s expectations, revisiting campaign promises and re-explaining realistic time-frame before people see movement towards realization of their aspirations for peace, security and delivery of decent public services. Continue reading

The People of Freedom ( Xisbiga Xuriyadda )

imageA Statement by The People of Freedom ( Xisbiga Xuriyadda ) on the Election of the New President of Somalia


The People of Freedom ( Xisbiga Xuriyadda ), a Somali association with the aim of promoting reconciliation and national cohesion among Somalis congratulates the Somali People for the successful, fair, free, and transparent presidential election in Mogadishu on 8th February, which culminated by the election of the honourable Mohamed Abdullahi Formagio as the President of the Federal Republic of Somalia.

We extend to him our heartfelt congratulations wishing that he will live up to the level of expectations the Somali people place in him.
The challenges ahead are huge. The ravages of a quarter of a century awaits reparation. The dismembered country needs to be reunified. The economy is in ruins. Continue reading

Marqaati oo Xisbiyada Siyaasadda la Saxiixday Heshiis Daacadnimo

img_1172Marqaati oo Xisbiyada Siyaasadda la Saxiixday Heshiis Daacadnimo


Horudhac

Heshiiska daacadnimada ee xaqiijinta doorashooyin xor ah oo loo siman yahay waa hindise oo ay marqaati ula dan leedahay in ay kula dagaalanto musuqmaasuqa dhaca xilliga doorashooyinka, in la dhiso is aaminaad u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo in la xaqiijiyo in doorashooyinka danbe ay ahaadan kuwo sidaan ka sharciyad badan oo ka xorriyad badan. Continue reading

GOBOLKA HIIRAAN – Soomaalida Ohio iyo Taageeridda shirka dib u heshisiinta ee G/ Hiiraan

COLUMBUS OHIO USA – Waxaa Columbus Ohio loogu sameeyey tageerid lagu taageerayo shirka aayo katalinta Gobolka Hiiraan oo jaaliyada reer Ohio safiican ugu qeyb qateen waxaa qadka soo galay ugaaskayada ugaas hasan ugaas Qaliif ugaas osman ugaas Cilmi,ugaas Cali Ugaas Hasan, iyo ugaas cali ugaas mahamed shirka oo safiican loogu ayiday in ay ka tashtaan aayaha Gobolkoka hiiraan

Continue reading

XASAASI: Madaxweyne Xassan oo la wareegay hawlihii aqalka sare ee Baarlamaanka aan weli la dhisin & Garsoorka (Qodobada Dastuurka)

imageXASAASI: Madaxweyne Xassan oo la wareegay hawlihii aqalka sare ee Baarlamaanka aan weli la dhisin & Garsoorka (Qodobada Dastuurka)


Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay inuu xilkii ka fariisiyey Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare, isagoona magacaabay Gudoomiye cusub.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Banaadir isagoo aan magacaabin ciddii beddeli lahayd.

Haddaba waxay doodi ka taagan tahay Awoodda uu adeegsaday Madaxweynaha iyo inuu xaq u leeyahay Dastuur ahaan xil ka qaadista Garsoorayaasha.

Sida ku cad dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan farqadiisa 3aad, Garsoorka Soomaaliya waa mid madax bannaan kana mid ah sadexda awoodood ee dowlada. Continue reading

Xisbiga Xuriyadda Oo Iftiimiyey Doorka Warbaahinta & Doorashada Dalka 2016

imageFARRIIN KU SOCOTA MEHNELEYDA WARBAAHINTA SOOMAALIYEED (SOMALI MEDIA PRACTITIONERS).

Xisbiga Xuriyadda-Noocyada kala duwan ee warbaahinta waa Gole ay dadka isbedel doonka ah (reformists), dadka u ololeeya dhowrista xuquuqal insaanka, iyo siyaasiyiinta ay fekerkooda ugu gudbiyaan dadweynaha taasoo dhalineysa inay dadweynuhu raacaan ama taageeraan ajendayaasha, bayaanada (Manifestos), aragtiyada (visions) iyo siyaasadaha la rabo in bulshada lagu dhaqo oo ay kala wataan kuwa doonayo inay iyagu hoggaamiyaan shacabka.

Sida darteed, door sidee ah baa warbaahinta looga baahan yahay inay ciyaarto marka la tixgeliyo xaalada uu dalku maanta u marayo.

Warbaahinta waa in shacabweynaha daalan oo ay dagaaladu aafeeyeen u kala bixiso in siyaasiyiinta hoggaanka dalka heysa ay ku joogaan amase inay leexdeen tubti la rabay in dalka looga sara qatarta ku soo fool leh mustaqbalka. Muddo hadda laga joogo 4 sano, dawladda hadda jirta waxay wacad ku martay inay dalka ku soo rogi doonto isbedel keena horumar ay ummaddu u aayi doonto.

Haddaba, su’aalaha soo socda iyo kuwo kale ayaa u baahan in warbaahintu ay u ifiso shacabka bacdama lagu jiro olole cusub ee ay dawladda hadda jirto isugu diyaarineyso doorashada.

Maxaa isbedel ah oo la taaban karo ay dawladdu keentay? Hiigsiga 2016 ma hirgeliyay mise waa lagu hungoobay? Ma la maleynsan kara in hanaanka lagu bedelay kii hore ay dawladdu u ballan qaaday ee qof iyo cod uu noqon karo hanaan ku-shubasho ka badbaadi kara? Yaase damaano qaadi karo inay dhacdo doorasho ka fayo cabsi iyo eex ?.

Warbaahinta ayaa laga raba in arrimhaas ay ku lafa gurto barnaamijiyada kala duwan ee ay soo bandhigi doonto inta ka horeysa doorashada la sheegay inay dhici doonto August 2016 oo hadda ay naga xigto muddo 3 bilood ah, inkastoo la sheegayo in muddo Laba bilood ah oo kale lagu daray xilliga doorashada.

Xisbiga Xuriyadda ( THE PEOPLE OF FREEDOM )

  • Daily Alerty NEWS

  • Qabiil Qaran Ma Dhiso

    "The good policy for the Common Good"

  • Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi

  • Dr Hassan Nur Elmi Ambassador UNDP And President Haile Salase

  • AFRIradio

  • First Turkish Airline flight to Mogadis

    Moment Media Group

  • Waqtiga Salaadda

    Moment Media Group

  • RSS NYT > Africa

  • RSS NYT > Africa