Habka Federalka oo la ogaaday in uusan kuhabooneyn Soomaaliya oo qaadatay nidaamkaasi.

federalism

Nidaamka Federaalka Xal Uma Ahan Dhibaatada Soomaalida

Rayi aruurin lagu sameeyay hab maamuleedka Nidaamka federalka iyo qaabka wax tarkiisa ama dhibaatadiisa Soomaaliya ku wajahan ayaa waxaa soo baxay in Soomaalida inta badan ay diidanyihiin nidaamkaasi iyada oo loo sababeeyay qodoba badan.


Nidaamka Federaliz-ka oo ah nidaam Soomaaliya ladoonayo in lagu dhaqo ayna u soo dooqeen dowlado Shisheeye ayaa waxaa dalalka ku dhaqma xilligaan ay yihiin dalal ay ku noolyihiin qooymiyada kala duwadan, dhaqamo kala duwan iyo diima kala duwan iyada oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo dalalka Mareykanka iyo Ethiopia, halka Soomaaliya ay leedahay hal diin, hal dhaqan, hal luuqad iyo waxyaaba badan oo kale.

Nidaamka Federalka ayaa waxa uu yahay hab gobaladu ay leyihiin maamuladooda gaarka ah oo ay dooranayaan iyo maamulka sare oo leesugu imaanayo dalkuna uu hal madaxweyne oo dhamaan gobaladaasi ay si haboon u hoos tagaan uu leeyahay.

Aqoon isweydaarsi looga hadlayay waxyaabaha Federalku kusoo kordhin karo Soomaaliya iyo waxa uu u dhimi karo ayna soo qabanqaabisay Jaamacada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta Jaamacadaasi ee KM4.

Inta badan dadkii ka hadlay aqoon kororsigaasi waxa ay isku mid ka noqdeen in Federalku uu Soomaaliya kusoo kordhin karo dhibaata hor leh, maadaama aanan aheyn dadkii uu munaasabka u ahaa.

Qodobada lataabaan karo ee laga dhawaajiyay waxaa kamid ah in gobalada Soomaaliya aysan laheyn xuduudo lataaban karo maadaama dadka Soomaalidu ay isku dehx milanyihiin federalkuna colaad hor leh uu ka dhex dhalinayo, in dadkuba ay isku diin, dhaqan iyo luuqad ay yihiin oo ay kamaarmaan kala qoqobid, in Fedralka hada laqaatay uusan aheyn mid Soomaalidu cod u qaaday iyo in xilligaan aan dhaqaalaba loo heyn dhismaha maamuladii fulin lahaa Federalism-ka .

Halkaan ka Akhri  Nidaamka Federaalka Xal Uma Ahan Dhibaatada Soomaalida 

Leave a comment