Allah u Naxariisto inti shalay ku dhimatay masiibadii ka dhacday xarunta Golaha Murtida Madadaalada Ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed

4/5/2012 11 – Marka hore Allah u Naxariisto inti shalay ku dhimatay masiibadii ka dhacday xarunta Golaha Murtida Madadaalada Ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed inti kale ee ku dhaawacantayne Alle ha bogsiiyo ayaan leeyahay, inkastoo shalay wixi dhacay ay aheyd wax dadka Soomaaliyeed dib usoo xasuusiyay 3 december 2010 oo qarax ceynkan oo kale ah uu ka dhacay Hotel Shaamow kaasoo ay ku dhamaadeen dad badan oo waxtar u lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Inta badan marki ay dhibaato noocaan ah dhacdo waxaa masuuliyadeeda iska leh oo la rabaa in ay damaanad ka qaado dowlada madaxdeeda ugu sareysa ileen ayaga ayaa dadka iyo dalkaba ka masuul ahe waxayna si gaar ah u saaran tahay madaxweynaha oo ah isaga masuulka ugu sareeya gudi ayaan la magacaabay oo la magac baxay Gudiga Amniga  Qaranka, markastoo dhib dhaco masuuliyiinta waxay dadka u sheegaan in ay dadaal badan sameeyeen wax badana ay wax ka qabteen, sida ay badanaa ku faanaan in shabaab ay ka saareen gudiha magaala madaxda Muqdisho inta dhimana waa la dhameystiri doonaa, sidoo kale waxay canbaareeyaan in wixi dhacay ay ka xun yihiin ayna canbaareynayaan baaritaana ay wadan oo wali aan la xaqiijin karin sida wax u dhaceen dibna laga ogaan doono, hase ahaate ma jirto ilaa hada dhacdo ay xaqiijiyeen cida ka danbeysay iyo sidey wax u dhaceen.

Waxaa wali jira shaki badan oo laga qabo sida ay ayaantaan wax u socdaan maadaama ay soo badanayaan dilalka qorsheysan, qaraxyada, madaafiicka habeenka lagula soo guureynaayo shacabka iska hurdaayo iyadoo aan laga soo tuureen meel ka baxsan isla magaalada muqdiso taargadna looga dhigaayo xarunta Madaxtooyada oo dagan yihiin masuuliyiinta sar sare ee dowlada, Magaalada Muqdisho waxa ayaantaan danbe la maqlaa waxay noqotay qof  baarkimay ama laba qof ayaa xaafad hebel lagu cunay kuwi dilayna waa baxsadeen oo lama yaqaan waxay ahaayeen,

Sheekada ayaantaan la hadal haayo oo lagu mashquulsan yahay waxay tahay in Dowlada madaxdeeda dhahdo markasto waxaan heynaa qorshe lagu sugaayo amaanka magaalada Muqdisho ayaa waxaa jira in iyadoo tii hore ee dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada isdaba jooga ayaa hadana shalay sheekadi waxay noqotay mid Alamtara soo dhaaftay oo waxaa qarax ka dhacay meel uu ku sugnaa masuul sare oo ka tirsan Dowlada KMG ah kaaso shalay isaga naftiisa ay halis gashay oo fara ciji leh ayuu shalay ku fakaday oo tiisa ayaa wax ka dhineen maahee R/wasaare Gaas shalay asaga ayaaba lala kici rabay, Soomaalida waxay tiraahdaa kii aad ugu bagto tiisa ayaa taada loo dhiibtaa marka mar hadii shalay uu fakaday R/wasaaraha kal horena la ogaa wixi ka dhacay gudaha madaxtooyada qaraxii ka dhacay Aawaey hee Oow shariifoow Amaanki aad sheegeysay? intaas lee miyuu ku ekaa? inteey cilada ka jirtaa oo ay sarta ka qurunsan tahay ?.

Su’aasha Jwbta u baahan  waxay tahay yaa wax la wada shabaab oo waxyaabahan dhacaayo u fududeynaayo oo ugu kaalmeynaayo ma cid idinka idinka tirsan ayaa jirto oo xiriir hoose la leh shabaabka ma danley kalaa jirto oo aadan ogeyn sideey wax u wadaan mise waa idinka tabar waxaan dhacaayo oo intaas ayaad ka badin la’dihiin. jwbta su’aalahan hadaan shacabka nahay oow shariifoow adaa lagaa sugaa inaad noo bayaaniso adoon waa canbaareyneynaa iyo waa la baaraa dhihin ileen horaa noogu soo daaliseen intaas oo hadal ah waxayna noqotay caadadiida ee ma ahan ceebtiina inaad dhahdaan baaritan ayaa wali socda.

Hadaba hadii uu amaankiina uu maraayo sidi shalay oo kale maxa shacabka idinka sugaa oo hada loo sheegi karaa ma inaad idinka isgaadeysaan ama inaad is ogeyn cidi wax qaseyso oo waxaan wax ka wado ileen shabaab oo kaliya sidaan wax ma yeelo karo waa leys ogyahay in arinta ay gacan sadaxaad ku jirto ee ma iska soo dhaxsaareysaan oo ma cadeynaysaan in mid idinka mid ah uu carqalada wado ama waa noo deyrineysaan oo anaga ayaa isku tashaneyno hadaan shacabka nahay, ‘

Ugu danbeynti waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed inti dhimatay Allah u naxariisto inta nool hada oo wali aysan ajasheeda galin  arinta waxay maree meel loo ordo ma leh iyo meel laga ordo ee qof kastoow isku badnoow hadaad dhimato waxaad ka dhimaneysaa waa reerkaaga ma jiro amaan leysku haleyn karo ee gurigaaga hoosta ka gal waaba hadii aad ku amaan heleyso.

Leave a comment